Biblia Todo Logo
Bìoball air-loidhne

- Sanasan -




Muujintii 19:10 - Ereyga Illaahey Axdiga Cusub

10 Kadibna intaan sujuuday ayaan isaga caabuday, laakiin wuxuu igu yiri, “Maya, ha i caabudin. Anigu waxaan ahay adeegaha Illaahey, sida adiga iyo walaalahaa kuwaas oo u marqaatifuraya wax ku saabsan iimaanka ey Ciise ku qabaan. Illaahey kaliya caabud. Waayo ruuxa wax sii sheegida waa inuu marqaatifur cad oo ku saabsan Ciise bixisaa.”

Faic an caibideil Dèan lethbhreac

KITAABKA QUDUUSKA AH

10 Inaan isaga caabudo aawadeed ayaan cagihiisa ugu hor dhacay. Oo isna markaasuu wuxuu igu yidhi, Iska jir oo saas ha yeelin. Anigu waxaan addoon la ahay adiga iyo walaalahaaga haya markhaatifuridda Ciise. Ilaah u sujuud, waayo, markhaatifuridda Ciise waa ruuxa wax sii sheegidda.

Faic an caibideil Dèan lethbhreac

Kitaabka Quduuska Ah

10 Inaan isaga caabudo aawadeed ayaan cagihiisa ugu hor dhacay. Oo isna markaasuu wuxuu igu yidhi, Iska jir oo saas ha yeelin. Anigu waxaan addoon la ahay adiga iyo walaalahaaga haya markhaatifuridda Ciise. Ilaah u sujuud, waayo, markhaatifuridda Ciise waa ruuxa wax sii sheegidda.

Faic an caibideil Dèan lethbhreac




Muujintii 19:10
40 Iomraidhean Croise  

Ciise ayaa ugu jawaabay oo ku yiri, “Iga fogow, Shaydaan yahow! Waayo wey qoran tahay, ‘Waa inaad caabudid Rabbiga Illaahaaga ah oo aadna kaligiis u adeegtid.’ ”


Kadibna nin hogaamiye sunagogga ka ahaa oo magaciisuna yahay Yayros ayaa yimaaday, markii uu Ciise arkay ayuu lugahiisi ku dhacay.


Markaas ayaa naag gabadheeda ruux wasakh leh qabtay maqashay halkii uu Ciise joogay. Isla markiina wey u timaaday oo lugihiisa isku tuurtay.


Malagii ayaa ugu jawaabay, “Waxaan ahay Jibriil, adeegihii Illaah waxaa la ii soo diray inaan kula hadlo oo aan kuu sheego warkan wanaagsan.


Wuxuuna ku yiri, “Waxaan hadda dhacaya waa waxaan idin ku iri markaan idin la joogay, waa ineyna dhab noqdaan wax walboo aniga laygaga qoray kitaabadii sharciga Muuse, kitaabada nebiyada iyo Sabuurradaba.”


Waxaad akhrisaan qorniinka waayo waxaad u maleysaan inaad iyaga ka heleysaan nolosha weligeed ah. Waana isla Qoraallada ii marqaatifuraya.


Nebiyadii oo dhan wey ka marqaatifureen isaga iyo in qof walboo aamina uu dembidhaaf ku helayo magaciisa.”


Dadkii Yeruusaalem iyo taliyayaashoodii ma eysan aqoonsan Ciise, waxeyna isaga u xukumayeen iyagoo aan fahmin iney ka dhabeeyeen ereyadii nebiyada ey Sabti walba akhrinayeen.


Laakiin wax walba si fiican ayaad u sameyseen. Waayo waxaad leedihiin iimaan ad adag, si fiican ayaad u hadashaan, waxyaalo badan ayaad garaneysaan. Waadna ku dadaashaan inaad wax bixisaan, aad ayaad noo jaceshihiin. Haddaba waxaan rabaa inaad ku fiicnaataan nimcada wax bixinta.


Haddaba sida aad u nooshihiin ka taxadara, ha u noolaanina sidii doqomo ee u noolaada sidii kuwo caqli leh.


Si kastaba ha ahaatee, mid walboo idin ka mid ah waxaa waajib ku ah inuu xaaskiisa u jeclaado siduu naftiisa u jecel yahay, xaas walbana waa iney ninkeeda xushmeysaa.


Waayo anaga oo Illaahey ku caabudna Ruuxa ayaa ah kuwa runta ah ee gudan. Waxaan isku halleynaa waxa Ciise Masiix noo sameeyay. Kumana kalsoonin dadaalka binu aadanka.


Hubiya inuu qofna xumaan xumaan ku gudin, mar walbana ku dadaala inaad wax wanaagsan isu sameysaan idinkoo dhan.


Malaa’iguhu waa ruux Illaahey u adeegta oo loo soo diray iney caawiyaan dadka la badbaadin rabo.


Ka taxadar inaad adeecdo kan kula hadla. Waayo haddii dadka binu Israa’iil ey badbaadi waayeen markey diideen iney Muuse dhageystaan, kaasoo ah wargeeyaha dunida, miyaad u maleyneysaa iney suurtogal tahay inaad badbaado haddii aad diido inaad adeecdo kan samada kaala soo hadlaya?


Qof walboo rumeysta Wiilka Illaahey, wuxuu aqbalay marqaatifurkan. Laakiin haddii uusan qofna rumeysan arintan, waxey Illaahey ka dhigaan beenaale. Maxaa yeelay ma eysan aaminin marqaatifurka uu Illaahey ka bixiyay Wiilkiisa.


Caruurteyda qaaliga ahaw, ka fogaada sanamyada.


Tani waa muujin ka timid Ciise Masiix, taas oo Illaahey siiyay inuu tuso adeegihiisa waxyaalaha mar dhow dhici doona. Wuxuu soo diray malag si uu muujintaan ugu keeno adeegihiisa Yooxanaa.


Aniga oo ah Yooxanaa, walaalkiin iyo midki idin kala qeyb qaatay dhibaatada iyo boqortooyada iyo dulqaadashada Ciise, waxaan joogay jasiiradda Batmos aniga oo wacdinaya ereyga Illaahey oo Ciisana u marqaatifuraya.


Waxey uga guuleysteen dhiigga Wanka iyo marqaatifurkooda, iyagu aad uma jeclaanin noloshooda oo waxey diyaar u ahaayeen dhimasho.


Masduulaagiina aad ayuu ugu xanaaqay naagta oo wuxuuna bilaabay inuu la dagaallo caruurteeda kale, kuwaas oo amarka Illaahey iyo marqaatifurkoodi xagga Ciise xajiyay.


Wuxuuna cod dheer ku yiri, “Illaahey ka cabsada oo siiya ammaantiisa, waayo waqtigiisa wax la xukumayo wuu yimid. Caabuda kan abuuray samada, dhulka, badda iyo ilaha biyaha.”


Rabbiyow yaan kaa cabsaneynin, oo aan ammaan magacaaga u keeneynin? Waayo adiga kaliya ayaa ah quduus. Quruumaha oo dhan hortaada ayey imaan doonaan oo ey ku caabudi doonaan, waayo ficiladaada xaqa ah waa la muujiyay.”


Kadibna malagii wuxuu igu yiri, “Arintan qor. Waxaa barakeysan kuwa laga casuumay dabaaldegga arooska Wanka.” Wuxuuna ku daray, “Kuwani waa ereyada runta ah ee Illaahey ka yimid.”


labaatan iyo afartii odayaal intey hortiisa ku dhacaan ayey caabudayeen kan weligiis nool. Intey taajajkooda carshiga hor dhigaan ayey dhahayeen.


Lean sinn:

Sanasan


Sanasan