Biblia Todo Logo
Bìoball air-loidhne

- Sanasan -




Muujintii 18:2 - Ereyga Illaahey Axdiga Cusub

2 Isaga oo cod weyn ku qaylinaya ayuu yiri, “ ‘Baabuloontii wey burburtay! Magaalada weyn ee Baabuloon wey burburtay!’ Waxey hooy u noqotay ibliis, hooyga ruuxyada wasakhda leh, hooyga shimbirraha wasakhda. Hooyga wax walboo aan saafi ahayn iyo xayawaanada karaahida ah.

Faic an caibideil Dèan lethbhreac

KITAABKA QUDUUSKA AH

2 Markaasay ku dhawaaqday cod xoog weyn, oo waxay tidhi, Waxaa dhacday oo dhacday Baabuloontii weynayd, oo waxay noqotay hoygii shaydaanyada, iyo rugtii jinni kasta oo nijaas ah, iyo rugtii shimbir kasta oo nijaas ah oo la neceb yahay.

Faic an caibideil Dèan lethbhreac

Kitaabka Quduuska Ah

2 Markaasay ku dhawaaqday cod xoog weyn, oo waxay tidhi, Waxaa dhacday oo dhacday Baabuloontii weynayd, oo waxay noqotay hoygii shaydaanyada, iyo rugtii jinni kasta oo nijaas ah, iyo rugtii shimbir kasta oo nijaas ah oo la neceb yahay.

Faic an caibideil Dèan lethbhreac




Muujintii 18:2
26 Iomraidhean Croise  

Cagihiisuna waxey u ekaayeen maar foorno lagu dhalaaliyay, oo codkiisuna wuxuu ahaa sida codka hirarka badda.


wuxuuna ku qeyliyay cod weyn oo u eg libaax. Markii uu qeyliyayna, codkii toddobada onkod ayaa hadlay.


Jirkooduna wuxuu yaali doonaa jidka weyn ee Yeruusaalem, magaalada qaab ahaan lagu yeeray Sodom iyo Masar, magaalada Sayidkooda lagu qodbay.


Kadibna waxaa xagga macbadka ka yimid malag, wuxuuna cod dheer ugu yiri midka daruurta ku fadhiyo, “Mindidaada qaado oo gurashada bilow, waayo waqtiga gurashada waa la gaaray, waayo badarkii dhulku waa diyaar.”


Malagii labaad ayaa ka daba yimid oo yiri, “Waxaa dhacday! Waxa dhacday magaaladii weyneyd ee Baabuloon, taas oo quruumaha oo dhan ka dhigi jirtay in ey cabaan khamrada waalida sinadeeda.”


Waxaanna arkay saddex ruux oo wasakh leh oo u eg rah, waxeyna kasoo baxeen afka masduulaagii, bahalka iyo afka nebiyada beenta ah.


Magaalada weyn ee Baabuloon ayaa saddex meel u kala qeybsantay, magaalooyinkii dadka badan lahaa wey dumeen. Illaaheyna wuxuu xusuustay dembigii Baabuloon, wuxuuna siiyay koob khamri laga buuxiyay carada xanaaqiisa.


Naagta aad aragteyna waxey u taagan tahay magaalada weyn ee u talisa boqorrada aduunka.”


Magaca wejigeeda ku qornaa waa mid cajiib ah kaasoo dhahaya, Waxaa Weyn Baabuloonta Hooyada kuwa kasta ee jirka ka Ganacsada taas oo ah hooyada aasaastay waxyaalaha karaahiyada ee dhulka.


Iyagoo taagan meel xoogaa u jirta ayey la yaabi doonaan cadaabta weyn ee ey mareyso. Weyna u ooyi doonaan iyagoo dhahaya, “Hoog! Hoog hakuu ahaado magaalada weyney, adigan ah magaalada weyn ee Baabuloon! Hal saacad gudaheed ayuu burburkaagu dhici doonaa.


Kadibna malag ayaa qaaday dhagaxshiid weyn oo ku tuuray badda, wuxuuna yiri “Sidaas oo kale ayaa hoos loogu tuuri doonaa magaalada weyn ee Baabuloon, mar dambana lama arki doono.


Waxaanna arkay malag weyn oo cod dheer ku dhahaya, “Yaa u qalma inuu kala bixiyo buugga oona furo shaabadda?”


Lean sinn:

Sanasan


Sanasan