Biblia Todo Logo
Bìoball air-loidhne

- Sanasan -




Muujintii 17:5 - Ereyga Illaahey Axdiga Cusub

5 Magaca wejigeeda ku qornaa waa mid cajiib ah kaasoo dhahaya, Waxaa Weyn Baabuloonta Hooyada kuwa kasta ee jirka ka Ganacsada taas oo ah hooyada aasaastay waxyaalaha karaahiyada ee dhulka.

Faic an caibideil Dèan lethbhreac

KITAABKA QUDUUSKA AH

5 oo waxaa wejiga ugu qornaa magac ah qarsoodi, oo ah Baabuloonta weyn ee hooyada u ah dhillooyinka iyo waxyaalaha karaahiyada ah oo dunida.

Faic an caibideil Dèan lethbhreac

Kitaabka Quduuska Ah

5 oo waxaa wejiga ugu qornaa magac ah qarsoodi, oo ah Baabuloonta weyn ee hooyada u ah dhillooyinka iyo waxyaalaha karaahiyada ah oo dunida.

Faic an caibideil Dèan lethbhreac




Muujintii 17:5
18 Iomraidhean Croise  

Waxey ku dambeyn doonaan burbur, illaahoodu waa calooshooda, ammaantooduna waa ceebtooda. Waxey ka fikiraan oo kaliya waxyaalaha aduunka.


Waayo sirtiisa sharta ahna weli shaqo ayey ku jirtaa, waxeyna ahaan doontaa sir illaa uu kan dib u hayo uu wadada uga leexan doono.


Macnaha toddobada xiddigood ee aad aragtay aniga oo gacanteyda midig ku haya iyo toddobada laambadood ee dahabka ah. Toddobada xiddigood waa malaa’igta toddobada kaniisadood, toddobada laambadoodna waa toddobada kaniisadood.”


Jirkooduna wuxuu yaali doonaa jidka weyn ee Yeruusaalem, magaalada qaab ahaan lagu yeeray Sodom iyo Masar, magaalada Sayidkooda lagu qodbay.


Malagii labaad ayaa ka daba yimid oo yiri, “Waxaa dhacday! Waxa dhacday magaaladii weyneyd ee Baabuloon, taas oo quruumaha oo dhan ka dhigi jirtay in ey cabaan khamrada waalida sinadeeda.”


Magaalada weyn ee Baabuloon ayaa saddex meel u kala qeybsantay, magaalooyinkii dadka badan lahaa wey dumeen. Illaaheyna wuxuu xusuustay dembigii Baabuloon, wuxuuna siiyay koob khamri laga buuxiyay carada xanaaqiisa.


Mid ka mid ah toddobadii malaa’ig ee heysay toddobada baaquli ayaa ii imaaday oo igu yiri, “Kaalay, waxaan ku tusi doonaa ciqaabta tan jirka ka ganacsata taas oo u talisa biyo badan.


Boqorrada aduunka wey la sineysteen, xitaa dadka aduunku waxey ku sumoobeen khamrada sinadeeda.”


Kadibna malagii wuxuu igu yiri, “Maxaad ula yaabantahay? Waan kuu sharixi doonaa sirta ka dambeyso sheekada naagta iyo bahalka ey wado, kaasoo leh toddobo madax iyo toban geesood.


Isaga oo cod weyn ku qaylinaya ayuu yiri, “ ‘Baabuloontii wey burburtay! Magaalada weyn ee Baabuloon wey burburtay!’ Waxey hooy u noqotay ibliis, hooyga ruuxyada wasakhda leh, hooyga shimbirraha wasakhda. Hooyga wax walboo aan saafi ahayn iyo xayawaanada karaahida ah.


Kadibna malag ayaa qaaday dhagaxshiid weyn oo ku tuuray badda, wuxuuna yiri “Sidaas oo kale ayaa hoos loogu tuuri doonaa magaalada weyn ee Baabuloon, mar dambana lama arki doono.


waayo xukunkiisu waa mid xaq ah oona run ah. Wuxuu xukumay tii jirkeeda ka ganacsan jirtay taas oo aduunka ku khiyaantay sinadeeda. Wuu u aarguday dhiigga adeegayaashiisa.”


Wuxuuna yiri, “Dhulka, badda iyo geedaha ha wax yeelina illaa aan shaabad ka saarno wejiga adeegayaasha Illaaheena.”


Lean sinn:

Sanasan


Sanasan