Biblia Todo Logo
Bìoball air-loidhne

- Sanasan -




Muujintii 16:18 - Ereyga Illaahey Axdiga Cusub

18 Kadibna waxaa dhacay onkod, hilaac iyo dhul gariir daran, taas oo aan weligeed la arkin illaa iyo abuuristii dadka.

Faic an caibideil Dèan lethbhreac

KITAABKA QUDUUSKA AH

18 Markaasaa waxaa dhacay hillaac iyo codad iyo onkod; oo waxaa dhacay dhulgariir weyn oo aan weligiis isagoo kale la arag intii dad dhulka joogay, oo wuxuu ahaa dhulgariir aad u weyn oo aad u xoog badan.

Faic an caibideil Dèan lethbhreac

Kitaabka Quduuska Ah

18 Markaasaa waxaa dhacay hillaac iyo codad iyo onkod; oo waxaa dhacay dhulgariir weyn oo aan weligiis isagoo kale la arag intii dad dhulka joogay, oo wuxuu ahaa dhulgariir aad u weyn oo aad u xoog badan.

Faic an caibideil Dèan lethbhreac




Muujintii 16:18
8 Iomraidhean Croise  

Carshigana waxaa kasoo baxayay hillac, codad iyo onkod. Carshiga hortiisa waxaa yaalay toddobo laambadood oo shidan. Kuwaasi waa toddobada ruux ee Illaahey.


Kadibna macbadka Illaahey ee samada ku yaaleyna wuu furmay, macbadkiisa dhexdiisa waxaa laga arkay sanduuqa axdigiisa. Waxaana jiray hilaac, onkod, dhul gariir iyo duufaan daran ee roob baraf leh wadata.


Isla markaasna waxaa dhacay dhul gariir daran oo magaalada toban meelood meel ayaa burburtay. Toddobaatan kun oo qof ayaa dhul gariirkaas ku dhintay, kuwii badbaadayna cabsi ayaa gashay oo Illaaha samada ku jira ayey ammaaneen.


Kadibna malagii wuxuu qaaday idinkii oo dab kaga buuxiya halka allabariga, oo wuxuu kusoo tuuray aduunka, kadibna waxaa dhacay onkod iyo hilaac waxaana jiray dhul gariig daran.


Waan fiirsaday isaga oo furaya shaabaddii lixaad. Waxaana jiray dhul gariir weyn. Qoraxdi waxey isku beddeshay madow sida dhar jawaan ah, dayaxuna wuxuu noqday guduud sida dhiig.


Waayo waqtigaas wuxuu ahaan doonaa waqtigii ugu dhibaatada badnaa illaa markii aduunka la abuuray, wax sidan oo kale u xunna mar dambe ma dhici doonaan.


Lean sinn:

Sanasan


Sanasan