Biblia Todo Logo
Bìoball air-loidhne

- Sanasan -




Muujintii 15:3 - Ereyga Illaahey Axdiga Cusub

3 waxeyna heesayeen heesaha adeegaha Illaahey ee Muuse iyo Wanka, iyagoo dhahaya, “Waxaa weyn oo yaab leh camalladaada, Rabbiyow Illaaha Weynow. Run iyo xaqnimo ayaa jidkaaga ah, Boqorkii quruumahaw.

Faic an caibideil Dèan lethbhreac

KITAABKA QUDUUSKA AH

3 Oo iyana waxay ku gabyeen addoonkii Ilaah oo Muuse ahaa gabaygiisii iyo gabaygii Wanka iyagoo leh, Rabbiyow Ilaaha Qaadirka ahow, shuqulladaadu way weyn yihiin, oo yaab bay leeyihiin. Boqorka quruumahow, jidadkaagu waa xaq oo waa run.

Faic an caibideil Dèan lethbhreac

Kitaabka Quduuska Ah

3 Oo iyana waxay ku gabyeen addoonkii Ilaah oo Muuse ahaa gabaygiisii iyo gabaygii Wanka iyagoo leh, Rabbiyow Ilaaha Qaadirka ahow, shuqulladaadu way weyn yihiin, oo yaab bay leeyihiin. Boqorka quruumahow, jidadkaagu waa xaq oo waa run.

Faic an caibideil Dèan lethbhreac




Muujintii 15:3
49 Iomraidhean Croise  

Waayo sharciga waxaa la siiyay Muuse, laakiin Ciise Masiix ayaa noo keenay nimcada iyo runta.


Sharaf iyo ammaan oo dhan weligeed ha u ahaato Illaaha kaliga ah ee weligiis nool oo aan la arki karin boqorka daa’imka ah! Aamiin.


Muuse wuxuu ahaa adeege daacad ah wuxuuna dadka Illaahey u marqaatifuray waxa mustaqbalka la oran doono.


Rabbiga Illaaha ah wuxuu leeyahay, “Anigu waxaan ahay Alfa iyo Oomeega, kan jira, kan jiray iyo kan imaan doona, oo ah Qaadirka.”


iyagoo dhahaya, “Waan kuu mahadcelineynaa, Rabbiga weyn ee Illaaha ahaw, Kan jira iyo kan jiray, waayo waxaad qaadatay awoodaada weyn, waxaadna bilowday inaad taliso.


Waxeyna carshiga iyo afartii xayawaan iyo odayaasha ka hor heeseen hees cusub. Qofna heestaas ma baran karin waxaan ka ahayn boqol afartan iyo afartaas kun ee aduunka laga soo madax furtay.


Malagii labaad ayaa ka daba yimid oo yiri, “Waxaa dhacday! Waxa dhacday magaaladii weyneyd ee Baabuloon, taas oo quruumaha oo dhan ka dhigi jirtay in ey cabaan khamrada waalida sinadeeda.”


Iyaguna waxey la dagaalami doonaan Wanka, laakiin Wanku wuu ka guuleysan doonaa waayo isagu waa Sayidka sayidyada iyo Boqorka boqorrada. Waxaa la jiri doona kuwiisa aaminka ah ee uu doortay una yeeray.”


Dharkiisa iyo bowdadiisa waxaa ku qoran magacan. Boqorka Boqorrada iyo Sayidka Sayidyada.


waayo xukunkiisu waa mid xaq ah oona run ah. Wuxuu xukumay tii jirkeeda ka ganacsan jirtay taas oo aduunka ku khiyaantay sinadeeda. Wuu u aarguday dhiigga adeegayaashiisa.”


Afartaas xayawaan mid walba wuxuu lahaa lix baalal oo meel walba ayey indho ku lahaayeen, xitaa baalasha hoostooda ayey indho ku lahaayeen. Habeen iyo maalin waxey yiraahdaan, “ ‘Quduus, quduus, quduus waa Rabbiga Illaaha Qaadirka ah,’ kan jiray, kan jira iyo kan imaan doona.”


Lean sinn:

Sanasan


Sanasan