Biblia Todo Logo
Bìoball air-loidhne

- Sanasan -




Muujintii 15:1 - Ereyga Illaahey Axdiga Cusub

1 Waxaan samada ku arkay calaamad kale oo weyn oo yaab leh, toddobo malaa’ig ayaa hayay toddobadii ugu dambeysay ee balaayo, kuwaasoo xanaaqa Illaahey soo gaba gabeynaya.

Faic an caibideil Dèan lethbhreac

KITAABKA QUDUUSKA AH

1 Oo haddana waxaan samada ku arkay calaamo kale oo weyn oo cajaa'ib leh, waxayna ahayd toddoba malaa'igood oo haysta toddoba belaayo, oo ahaa kuwii ugu dambeeyey, waayo, waxaa iyaga ku dhex dhammaatay cadhadii Ilaah.

Faic an caibideil Dèan lethbhreac

Kitaabka Quduuska Ah

1 Oo haddana waxaan samada ku arkay calaamo kale oo weyn oo cajaa'ib leh, waxayna ahayd toddoba malaa'igood oo haysta toddoba belaayo, oo ahaa kuwii ugu dambeeyey, waayo, waxaa iyaga ku dhex dhammaatay cadhadii Ilaah.

Faic an caibideil Dèan lethbhreac




Muujintii 15:1
21 Iomraidhean Croise  

wuxuuna ku qeyliyay cod weyn oo u eg libaax. Markii uu qeyliyayna, codkii toddobada onkod ayaa hadlay.


Hooggi labaad wuu gudbay, kii saddexaadna wuu imaanayaa mar dhow.


iyaguna waxey cabi doonaan khamrada carada Illaahey. Caradiisa oo dhan ayuuna ku ciqaabi doonaa, malaa’igta quduuska ah iyo Wanka hortooda ayaa lagu ciqaabi doonaa dab iyo baaruud.


Malagii wuu tagay oo wuxuu mindidiisi kor mariyay aduunka wuuna isku ururiyay canabkii kadibna wuxuu ku tuuray meesha carada Illaahey ee sharaabka canabka lagu shiido.


Kadibna waxaan maqlay cod weyn oo ka imaanaya macbadka oo toddobadii malaa’ig ku dhahaya, “Taga oo toddobada baaquli ee carada Illaahey ku daadiya aduunka.”


Mid ka mid ah toddobadii malaa’ig ee heysay toddobada baaquli ayaa ii imaaday oo igu yiri, “Kaalay, waxaan ku tusi doonaa ciqaabta tan jirka ka ganacsata taas oo u talisa biyo badan.


Afkiisana waxaa kasoo baxay seef af leh oo uu ku weerari rabo quruumaha. “Wuxuu ku xukumi doonaa ul bir ah.” Carada Illaahey Qaadirka waxey u burburin doonaa cadowgiisa sida canabka loogu dhex cadaadiyo meesha canabka lagu shiido.


Mid ka mid ah toddobadii malaa’ig ee hayay toddobada baaquli oo ey balaayada ka buuxday ayaa yimid oo igu yiri, “Kaalay, aan ku tusee aroosada, xaaskii Wanka.”


Kadibna waan fiiriyay oo waxaan arkay gorgor hawada ku duulaya isaga oo dhahaya, “Hoog! Hoog! Hoog ha u sugnaado kuwa aduunka jooga oo dhan, waxa dhici doono markey saddexda malaa’ig buunka ka dhawaajiyaan dartiis.”


Waxaan arkay toddobadii malaa’ig ee hor taagnaa Illaahey oo la siiyay toddobo buun.


Kadibna toddobadii malaa’ig ee haysay toddobada buun waxey isku diyaariyeen iney dhawaajiyaan.


Dadkii soo haray kuwaas oo aan balaayadu dilin weli kama toobadkeenin camalkoodii sharta lahaa, mana joojinin iney caabudaan ibliiska, sanamyada dahabka, qalinka iyo naxaaska ah, dhagaxyo, geedo kuwaas oo aanan hadli karin waxna maqlaynin oona socon karin.


Lean sinn:

Sanasan


Sanasan