Biblia Todo Logo
Bìoball air-loidhne

- Sanasan -




Muujintii 14:6 - Ereyga Illaahey Axdiga Cusub

6 Waxaan arkay malag kale oo hawada ku duulayo isaga oo wada injiilka daa’iimka ah si uu u soo wacdiyo kuwa ku nool aduunka, quruumaha oo dhan, qabiilada oo dhan, luuqadaha oo dhan iyo dadka oo dhan.

Faic an caibideil Dèan lethbhreac

KITAABKA QUDUUSKA AH

6 Oo haddana waxaan arkay malaa'ig kale oo samada dhex duulaysa iyadoo wadata injiil daa'imis ah inay u naadiso kuwa dhulka deggan iyo quruun kasta iyo qabiil kasta iyo af kasta iyo dad kasta;

Faic an caibideil Dèan lethbhreac

Kitaabka Quduuska Ah

6 Oo haddana waxaan arkay malaa'ig kale oo samada dhex duulaysa iyadoo wadata injiil daa'imis ah inay u naadiso kuwa dhulka deggan iyo quruun kasta iyo qabiil kasta iyo af kasta iyo dad kasta;

Faic an caibideil Dèan lethbhreac




Muujintii 14:6
30 Iomraidhean Croise  

Wixii aan mugdiga idiin ku sheego, iftiinka ku sheega, wixii dhagta la idiin ku sheego, guryaha korkooda kaga qayliya.


Ciise wuxuu iyaga ku yiri, “Dunida oo dhan taga oo warka wanaagsan kusoo wacdiya quruumaha oo dhan.


Aan Illaahey wada ammaanno! Kaasoo awoodda inuu idinku xoogeeyo warka wanaagsan ee aan wacdinayo, kaasoo ah warka ku saabsan Ciise Masiix. Waayo waqti dheer ayaa warkan la qarinayay,


Haddii aad ku sii socotaan rumeysadkiina, aasaas adag. Ha ka tagina rajada aad ka hesheen markaad warka wanaagsan maqasheen. Kanna waa warka wanaagsan ee lagu wacdiyay noole kasta ee samada hoos jooga, kaasoo aniga Bawlos ah aan u noqday adeege.


Haddaba waxaan idiin baryeynaa Rabbigeena Ciise Masiix iyo Illaaha Aabaheen ah, kaasoo na jeclaaday oo nimcadiisana nagu siiyay dhiirigelinta weligeed ah iyo rajada wanaagsan,


Haddaba Illaaha nabadda, kaasoo dhiigga axdiga weligiis ah dhimashada uga soo sarakiciyay Sayidkeena Ciise, Arijirka wanaagsan ee idaha,


Laakiin ereyga Illaahey weligiis ayuu joogi doonaan.” Ereygaasna waa warka wanaagsan kaasoo la idiin wacdiyay.


Kadibna waxaa la igu yiri, “Waa inaad wax kasii sheegtaa wax ku saabsan dad badan, quruumo badan, luuqado badan iyo boqorro badan.”


Markii uu malaga toddobaad uu buunkiisa dhawaajin doono, qorshihii qarsoonaa ee Illaahey waa la dhabeyn doonaa. Waxeyna u dhici doontaa sida uu ugu sheegay nebigii adeegihiisa ahaa.”


Waxaana bahalkaas la siiyay awood uu dadka Illaahey kula dagaallo oo uu iyaga kaga guuleysto. Sidoo kalana waxaa la siiyay amar uu ugu taliyo qabiil walba, dad walba, luuqad walba iyo quruumaha oo dhan.


Waayo waxaad xajiseen amarkeyga idinkoo ku samraya, aniguna waan idin ka ilaalin doonaa waqtiga jarribaadda ee u soo socda aduunka oo dhan si loo jarribo waxyaalaha aduunka jooga oo dhan.


Waxeyna heeseen hees cusub oo dhahaysa, “Waad istaahishaa inaad buugga qaadid oo aadna furtid shaabadiisa, waayo waa lagu gowracay, dhiigaada ayaad Illaahey ugu soo madax furatay dad ka tirsan qabiil walba, luuqad walba, iyo qowmiyad walba.


Kadibna waan fiiriyay oo waxaan arkay gorgor hawada ku duulaya isaga oo dhahaya, “Hoog! Hoog! Hoog ha u sugnaado kuwa aduunka jooga oo dhan, waxa dhici doono markey saddexda malaa’ig buunka ka dhawaajiyaan dartiis.”


Lean sinn:

Sanasan


Sanasan