Biblia Todo Logo
Bìoball air-loidhne

- Sanasan -




Muujintii 14:11 - Ereyga Illaahey Axdiga Cusub

11 Qiiqa ciqaabtooda weligiis ayuu kor u kici doonaa, nasasho uma jirto kuwa caabuda bahalka iyo sawirkiisa habeen iyo maalinba, ama mid walboo qaata calaamada magaciisa.”

Faic an caibideil Dèan lethbhreac

KITAABKA QUDUUSKA AH

11 Oo qiiqa caddibaaddooda kor buu u baxayaa weligiis iyo weligiis, oo kuwa caabuda bahalka iyo sanamkiisa, iyo ku alla kii aqbala sumadda magiciisa nasasho heli maayaan habeen iyo maalin toona.

Faic an caibideil Dèan lethbhreac

Kitaabka Quduuska Ah

11 Oo qiiqa caddibaaddooda kor buu u baxayaa weligiis iyo weligiis, oo kuwa caabuda bahalka iyo sanamkiisa, iyo ku alla kii aqbala sumadda magiciisa nasasho heli maayaan habeen iyo maalin toona.

Faic an caibideil Dèan lethbhreac




Muujintii 14:11
30 Iomraidhean Croise  

“Ii imaada, kuligiin kuwiinan daalan oo culeyska wadow, waana idin nasin doonaa.


“Kadib kuwa bidixdiisa taagan ayuu ku dhihi doonaa, ‘Iga taga, waad inkaaran tihiine! Gala naarta weligeed ah ee loo diyaariyay ibliiska iyo malaa’igtiisa.


“Kadibna waxaa lagu tuuri doonaa cadaabta weligeed ah, laakiin kuwa xaqa ah waxaa la galin doonaa nolosha weligeed ah.”


Laakiin waxa ku saabsan wiilka wuxuu ka yiri, “Illaahow carshigaagu wuu jiri doonaa weligiis iyo weligiis, usha cadaaladaadu waxey noqon doontaa usha boqortooyadaada!


Malagii toddobaad ayaa ka dhawaajiyay buunkiisi, cod weyn ayaana ka dhawaaqay xagga samada isaga oo dhahaya, “Boqortooyada aduunku waxey noqotay, boqortooyada Rabbigeena iyo tan Masiixiisa, weligiis ayuuna taliye ahaan doonaa.”


Wuxuuna adeegsaday dhamaan awooddii uu bahalkii hore haystay, wuxuuna aduunka iyo kuwa ku nool oo dhan ka dhigay iney caabudaan bahalkii hore, kaasoo dhaawaciisi laga bogsiiyay.


Bahalkaas labaad waxaa la siiyay awood uu nolol ku siiyo taalada bahalkii koowaad, si uu u hadlo oo u amro in kuwii taalada caabudi diiday la dilo.


si eysan wax u iibin ama eysan wax u gadan haddii eysan lahayn calaamadaas, taas oo ah magaca bahalka ama nambar u taagan magaciisa.


Kadibna malagii saddexaad ayaa ka daba imaaday isaga oo cod dheer ku dhahaya, “Haddii uu qof jiro kaasoo caabuda bahalka iyo sawirkiisa oona calaamadiisa aqbalo in loogu qoro wejiga ama gacanta,


Markey arkaan qiiqa ka baxaya markii la gubayo, waxey is weydiin doonaan, ‘Miyay jirtay magaalo ka weyn magaaladan?’


“Boqorrada aduunka ee iyada la sineystay oona la raaxeystay ayaa u murugoon doona markey arkaan iyadoo la gubayo.


Haddana waxey ku qeyliyeen, “Halleeluuya! Qiiqa magaaladaas ka baxayo weligiis ayuu kor aadi doonaa.”


Ibliiskii iyaga khiyaanayna waxaa lagu tuuray warta baaruudda holceysa ah, isaga oo ku biiraya bahalka iyo nebiyada beenta ah. Habeen iyo maalin ayaana la silcin doonaa weligood.


Habeenna ma jiri doono, iftiinka feynuusta ama qoraxdu ma jiri doonaan, waayo Illaaha Rabbiga ah ayaa siin doona iftiin. Weyna xukumi doonaan weligood.


iyagoo leh, “Aamiin! Barako iyo ammaan xigmad iyo mahadcelin iyo sharaf iyo awood iyo xoog ha u ahaadaan Illaaheena weligeedba. Aamiin!”


Lean sinn:

Sanasan


Sanasan