Biblia Todo Logo
Bìoball air-loidhne

- Sanasan -




Muujintii 14:10 - Ereyga Illaahey Axdiga Cusub

10 iyaguna waxey cabi doonaan khamrada carada Illaahey. Caradiisa oo dhan ayuuna ku ciqaabi doonaa, malaa’igta quduuska ah iyo Wanka hortooda ayaa lagu ciqaabi doonaa dab iyo baaruud.

Faic an caibideil Dèan lethbhreac

KITAABKA QUDUUSKA AH

10 isna wuxuu ka cabbi doonaa khamriga cadhada Ilaah oo lagu shubay koobka cadhadiisa isagoo aan badhxanayn; oo waxaa isaga lagu silcin doonaa dab iyo baaruud malaa'igaha quduuska ah hortooda iyo Wanka hortiisa.

Faic an caibideil Dèan lethbhreac

Kitaabka Quduuska Ah

10 isna wuxuu ka cabbi doonaa khamriga cadhada Ilaah oo lagu shubay koobka cadhadiisa isagoo aan badhxanayn; oo waxaa isaga lagu silcin doonaa dab iyo baaruud malaa'igaha quduuska ah hortooda iyo Wanka hortiisa.

Faic an caibideil Dèan lethbhreac




Muujintii 14:10
45 Iomraidhean Croise  

Markaas ayaa Ciise ku yiri, “Ma garaneysaan waxaad weydisaneysaan, miyaad ka cabi kartaan koobka aan ka cabi doono?” Markaas ayey ku yiraahdeen, “Waan awoodnaa.”


“Kadib kuwa bidixdiisa taagan ayuu ku dhihi doonaa, ‘Iga taga, waad inkaaran tihiine! Gala naarta weligeed ah ee loo diyaariyay ibliiska iyo malaa’igtiisa.


Ciise xoogaa yar ayuu iyagii ka dhex baxay oo jilbaha dhulka dhigtay oo duceystay, “Aabow hadday suurtogal tahay, koobkan silaca ah iga leexi. Laakiin yeysan doonisteyda ahaanin ee doonistaada ha ahaato.”


Haddaba mid walboo aniga iyo ereygayga ceeb ka dareemaya qarnigaan dembiga iyo sinada leh dhexdiisa, Wiilka Aadanahuna wuu diidi doonaa goortii uu ammaantii Aabihiis iyo tii malaa’igta quduuska ah ku yimaado.”


Meeshaas dixriga iyaga cunaya ma dhamaado oo dabka iyaga gubayana ma damo.]


Nimankii ayaa ku yiri, “Waxaan ka soconaa Korneeliyos oo ah boqol u taliye. Waana nin xaq ah oo Illaahey ka cabsada, kaasoo ey dadka Yuhuudda oo dhan xushmeeyaan. Malag quduus ah ayaa ku yiri ku dheh gurigeyga imow si uu u dhagaysto waxaad sheegeysid.”


Wuuna idin nasin doonaa idinkan dhibaateysan iyo anagaba. Tani waxey dhici doontaa waqtiga uu Sayid Ciise ka yimaado samada isaga oo ku imaanaya dab holcaya oo eyna malaa’igtiisa xoogga leh la jirto.


Waa inaanan sidoo kale illoobin wixii ku dhacay magaalooyinka Sodom iyo Gomora iyo magaalooyinka u dhow. Dadkoodiina wey sineysteen, oo waxey sameeyeen dembiyo oo dhan. Markaas ayaa Illaahey tusaale uga dhigay oo ku ciqaabay naarta weligeed ah.


Kadibna mid ka mid ah afarta xayawaan ayaa toddobadii malaa’ig siiyay toddobo baaquli oo ey carada Illaahey ka buuxdo, kaasoo weligiis nool.


Magaalada weyn ee Baabuloon ayaa saddex meel u kala qeybsantay, magaalooyinkii dadka badan lahaa wey dumeen. Illaaheyna wuxuu xusuustay dembigii Baabuloon, wuxuuna siiyay koob khamri laga buuxiyay carada xanaaqiisa.


Waayo quruumaha oo dhan wey dembaabeen, sida naagta jirkeeda ka ganacsata oo nimanka siisa khamri si ey ula seexato. Sidoo kale ayeyna boqorrada dunidu ula sineysteen, kuwa aduunka wax ku iibiyana wey ka taajireen sidii ey wax qaali ah uga gadaneysay.”


Ku sameeya wixii ey idin ku sameysay. Ka aarsada laba jibaar wixii ey idin ku sameysay. Silciya laba jabaar inta ey dadka kale silcisay.


Afkiisana waxaa kasoo baxay seef af leh oo uu ku weerari rabo quruumaha. “Wuxuu ku xukumi doonaa ul bir ah.” Carada Illaahey Qaadirka waxey u burburin doonaa cadowgiisa sida canabka loogu dhex cadaadiyo meesha canabka lagu shiido.


Bahalkiina waa la qabtay, waxaana la jiray nebigii beenta ahaa ee calaamadaha waaweyn u sameeyay bahalka, mucjisooyinkii khiyaanay dadka oo dhan kuwa aqbalay calaamada bahalka iyo kuwa sawirka bahalka caabudayba. Bahalkii iyo nebigii beenta ahaaba iyagoo nool ayaa lagu tuuray haro dab iyo baaruud ah.


Ibliiskii iyaga khiyaanayna waxaa lagu tuuray warta baaruudda holceysa ah, isaga oo ku biiraya bahalka iyo nebiyada beenta ah. Habeen iyo maalin ayaana la silcin doonaa weligood.


Kadibna Illaahey wuxuu amray in dhimashada iyo qabriga lagu tuuro warta dabka ah. Warta dabka ah waa dhimashada labaad.


Laakiin waxaan idiin sheegayaa waxa ku dhacaya, kuwa fulayaasha ah, kuwa aan rumeysaneyn, kuwa sameeya waxa xun, kuwa dadka dila, kuwa sinada sameeya, kuwa sixirka sameeya, kuwa sanamka caabuda, kuwa beenta sheega, waxaa lagu tuuri doonaa warta dabka iyo baaruudda ololeysa. Tani waa dhimashada labaad.”


Lean sinn:

Sanasan


Sanasan