Biblia Todo Logo
Bìoball air-loidhne

- Sanasan -




Muujintii 13:7 - Ereyga Illaahey Axdiga Cusub

7 Waxaana bahalkaas la siiyay awood uu dadka Illaahey kula dagaallo oo uu iyaga kaga guuleysto. Sidoo kalana waxaa la siiyay amar uu ugu taliyo qabiil walba, dad walba, luuqad walba iyo quruumaha oo dhan.

Faic an caibideil Dèan lethbhreac

KITAABKA QUDUUSKA AH

7 Oo haddana waxaa isagii la siiyey amar uu kula dagaallamo quduusiinta oo uu kaga adkaado; oo haddana waxaa la siiyey amar uu ku xukumo qabiil kasta iyo dad kasta iyo af kasta iyo quruun kasta.

Faic an caibideil Dèan lethbhreac

Kitaabka Quduuska Ah

7 Oo haddana waxaa isagii la siiyey amar uu kula dagaallamo quduusiinta oo uu kaga adkaado; oo haddana waxaa la siiyey amar uu ku xukumo qabiil kasta iyo dad kasta iyo af kasta iyo quruun kasta.

Faic an caibideil Dèan lethbhreac




Muujintii 13:7
20 Iomraidhean Croise  

Markaas ayuu ibliiskii Ciise ku yiri, “Waxaan ku siin doonaa ammaanta boqortooyadaan iyo amar oo dhan, waayo aniga ayaa la i siiyay, qof walboo aan rabo ayaan siin karaa.


Ciisana wuxuu ugu jawaabay, “Xoog ma igu lahaateen aniga haddii uusan Illaahey samada kaa siinin. Sidaa darteed kan aniga iisoo kaa gacangeliyay ayaa dembi badan leh.”


Kadibna waxaa la igu yiri, “Waa inaad wax kasii sheegtaa wax ku saabsan dad badan, quruumo badan, luuqado badan iyo boqorro badan.”


Quruumaha wey xanaaqeen, laakiin caradaaduna wey timid. Waqtiga kuwii dhintay la xukumana wey gaartay, iyo waqtiga aad u abaalgudi lahayd adeegayaashaada nebiyada ah, sidoo kale dadkaaga magacaaga ixtiraama, kuwa wax haysta iyo kuwa aan waxba haysaninba waa waqtigii aad baabi’in lahayd dhamaan kuwa dhulka balaayada keenay.”


Haddaba markey dhameeyaan marqaatifurkooda, waxaa u imaan doona bahal ka yimid bohosha oo la dagaali doona, wuuna ka guuleysan doonaa wuuna dili doonaa.


Masduulaagiina aad ayuu ugu xanaaqay naagta oo wuxuuna bilaabay inuu la dagaallo caruurteeda kale, kuwaas oo amarka Illaahey iyo marqaatifurkoodi xagga Ciise xajiyay.


Kadibna malagii wuxuu igu yiri, “Biyaha aad aragtay, kuwaas oo ey naagtu ku fadhiday waa dad badan oo ka mid ah quruumaha iyo luuqado badan.


Waxeyna heeseen hees cusub oo dhahaysa, “Waad istaahishaa inaad buugga qaadid oo aadna furtid shaabadiisa, waayo waa lagu gowracay, dhiigaada ayaad Illaahey ugu soo madax furatay dad ka tirsan qabiil walba, luuqad walba, iyo qowmiyad walba.


Lean sinn:

Sanasan


Sanasan