Biblia Todo Logo
Bìoball air-loidhne

- Sanasan -




Muujintii 13:2 - Ereyga Illaahey Axdiga Cusub

2 Bahalkan arkayna wuxuu u ekaa haramcad, laakiin cagihiisu waxey u ekaayeen bahal, afkiisuna wuxuu u ekaa sida af libaax. Masduulaagii wuxuu bahalkii siiyay awoodiisi, carshigiisi iyo amarkiisi weynaa.

Faic an caibideil Dèan lethbhreac

KITAABKA QUDUUSKA AH

2 Oo bahalkii aan arkay wuxuu u ekaa shabeel, oo cagihiisuna waxay u ekaayeen cago orso, afkiisuna wuxuu u ekaa af libaax; markaasaa masduulaagii wuxuu isaga siiyey xooggiisii iyo carshigiisii iyo amar weyn.

Faic an caibideil Dèan lethbhreac

Kitaabka Quduuska Ah

2 Oo bahalkii aan arkay wuxuu u ekaa shabeel, oo cagihiisuna waxay u ekaayeen cago orso, afkiisuna wuxuu u ekaa af libaax; markaasaa masduulaagii wuxuu isaga siiyey xooggiisii iyo carshigiisii iyo amar weyn.

Faic an caibideil Dèan lethbhreac




Muujintii 13:2
27 Iomraidhean Croise  

Laakiin Rabbiga ayaa i garab istaagay, oo xoog i siiyay si aan injiilka u wacdiyo oo ey dadka aan Yuhuudda ahayn oo dhan u maqlaan. Waxaana la iga badbaadiyay afka libaax.


Soo jeeda! Iska ilaaliya cadawgiina weyn ee ah ibliiska. Wuxuu u ciyaa sida libaax wareegaya isaga oo doonaya qof uu cuno.


Masduulaagii markii uu ogaaday in dhulka lagu tuuray, wuxuu bilaabay inuu haweeneydii dhashay cunug wiil ah ka daba galo.


Kadibna maskii afkiisa wuxuu ka tufay biyo sida webi oo kale ah, si uu daadku iyada u qaado.


Masduulaagii weynaa oona ahaa maskii hore kaasoo la dhihi jiray ibliis ama Shaydaan, kaasoo aduunka oo dhan khiyaanayay dhulka ayaa lagu tuuray isaga iyo malaa’igtiisi oo dhan.


Wuxuuna adeegsaday dhamaan awooddii uu bahalkii hore haystay, wuxuuna aduunka iyo kuwa ku nool oo dhan ka dhigay iney caabudaan bahalkii hore, kaasoo dhaawaciisi laga bogsiiyay.


Dadku waxey caabudeen masduulaagii waayo wuxuu amar siiyay bahalkii, sidoo kalana waxey caabudeen bahalka oo ku yiraahdeen, “Yaa sida bahalkan ah? Yaana la dagaali kara?”


Malagii shanaad wuxuu baaquligiisi ku daadiyay carshigii bahalka, boqortooyadiisina wey madoobaatay. Dadkana xanuun dartiis ayey ilkaha iskugu jiririqsadeen,


“Tobanka geesood aad aragtay waa toban boqor oo aan weli helin boqortooyada, laakiin hal mar ayaa waqti gaaban la siin doonaa boqortooyo si ey iskula taliyaan bahalka.


Bahalkiina waa la qabtay, waxaana la jiray nebigii beenta ahaa ee calaamadaha waaweyn u sameeyay bahalka, mucjisooyinkii khiyaanay dadka oo dhan kuwa aqbalay calaamada bahalka iyo kuwa sawirka bahalka caabudayba. Bahalkii iyo nebigii beenta ahaaba iyagoo nool ayaa lagu tuuray haro dab iyo baaruud ah.


Waan ogahay halka aad degantihiin, halkaas oo Shaydaanku carshi ku leeyahay. Inkastoo ey sidaas tahayna magaceyga waad xijiseen. Iimaanka kama eydan tagin xitaa maalmihii Antibas kaasoo ahaa marqaatigeyga aaminka ah oo lagu dilay magaaladiina halkaas oo Shaydaanku ku noolaa.


Wuxuuna qabtay masduulaagii, maskii duqa ahaa, kaasoo ah ibliiska, ama Shaydaanka wuxuuna ku xirxiray silsiladii kun sanadood.


Lean sinn:

Sanasan


Sanasan