Muujintii 13:17 - Ereyga Illaahey Axdiga Cusub17 si eysan wax u iibin ama eysan wax u gadan haddii eysan lahayn calaamadaas, taas oo ah magaca bahalka ama nambar u taagan magaciisa. Faic an caibideilKITAABKA QUDUUSKA AH17 iyo inaanu ninna awoodin inuu wax iibiyo ama iibsado, kii sumadda leh mooyaane, taasoo ah magaca bahalka ama nambarka magiciisa. Faic an caibideilKitaabka Quduuska Ah17 iyo inaanu ninna awoodin inuu wax iibiyo ama iibsado, kii sumadda leh mooyaane, taasoo ah magaca bahalka ama nambarka magiciisa. Faic an caibideil |
Kadibna waxaan arkay carshi, dadkii ku fadhiyayna waxaa la siiyay awood ey wax ku xukumaan. Haddana waxaan arkay nafihii kuwii madaxa laga jaray marqaatifurkoodi Ciise ku saabsanaa iyo wacdinta ereyga Illaahey dartiis. Ma eysan caabudin bahalkii iyo sawirkiisaba, oo mana aqbalin in calaamadiisi la saaro wejigooda ama gacantooda. Iyagoo dhan nolosha ayey kusoo laabteen oo kun sano ayey Masiixa wax la xukumayeen.
Midka guuleysta waxaan ka dhigi doonaa tiirka ku yaala macbadka Illaaheyga, weligoodna halkaas kama tagi doonaan. Waxaan iyaga ku qori doonaa magaca Illaahey iyo magaca magaalada Illaahey, Yeruusaalemta cusub, taas oo ka imaan doonta Illaahey xagga samada, sidoo kalana magaceyga cusub ayaan iyaga ku qori doonaa.