Biblia Todo Logo
Bìoball air-loidhne

- Sanasan -




Muujintii 13:13 - Ereyga Illaahey Axdiga Cusub

13 Mucjisooyin waaweyn ayuuna sameeyay, wuxuu sababay in dab ka yimaado samada ilaa dhulka iyadoo ey dadka oo dhan arkayaan.

Faic an caibideil Dèan lethbhreac

KITAABKA QUDUUSKA AH

13 Oo wuxuu sameeyey calaamooyin waaweyn, wuuna karay xataa inuu dab samada ka soo dejiyo oo dhulka ku soo tuuro dadka hortiisa.

Faic an caibideil Dèan lethbhreac

Kitaabka Quduuska Ah

13 Oo wuxuu sameeyey calaamooyin waaweyn, wuuna karay xataa inuu dab samada ka soo dejiyo oo dhulka ku soo tuuro dadka hortiisa.

Faic an caibideil Dèan lethbhreac




Muujintii 13:13
20 Iomraidhean Croise  

Farrisiintii iyo Sadukiintii ayaa Ciise ugu yimid iney tijaabiyaan, waxey doonayeen inuu tuso calaamad xagga samada ka timid.


Waayo waxaa imaan doona masiixyo been ah iyo nebiyo been ah, waxeyna sameyn doonaan mucjisooyin waaweyn oo layaab leh si ey dadka ugu khiyaanaan, xitaa waxey isku dayi doonaan iney khiyaanaan dadka uu Illaahey doortay.


Waayo waxaa imaan doona masiixyo been ah iyo nebiyo been ah, waxeyna sameyn doonaan mucjisooyin layaab leh si ey dadka ugu khiyaanaan, xitaa waxey isku dayi doonaan iney khiyaanaan Illaahey dadka uu doortay.


Sidey Yannees iyo Yambarees uga soo hor jeedeen Muuse, sidaas oo kale ayey macalimiintani runta uga soo hor jeedaan. Waa niman maankoodu kharibmay, oo xagga iimaanka laga diiday


Haddii qof isku dayo inuu dhibaateeyo, dab ayaa afkooda kasoo bixi doona oo gubi doona cadowgooda. Sidan ayey kuwa walboo iyaga dhibaateyn raba u dhiman doonaan.


Waxey ahaayeen ruuxyo wasakh leh kuwaas oo sameynaya calaamado, waxeyna u tagaan boqortooyada aduunka oo dhan si ey iskugu keenaan, dagaalka ey Illaahey la leeyihiin dartiis maalinta weyn ee xukunka Illaaha weyn.


Bahalkiina waa la qabtay, waxaana la jiray nebigii beenta ahaa ee calaamadaha waaweyn u sameeyay bahalka, mucjisooyinkii khiyaanay dadka oo dhan kuwa aqbalay calaamada bahalka iyo kuwa sawirka bahalka caabudayba. Bahalkii iyo nebigii beenta ahaaba iyagoo nool ayaa lagu tuuray haro dab iyo baaruud ah.


Waxaanna arkay iyagoo kasoo baxaya dhulka oo dadka Illaahey iyo Yeruusaalem magaaladii uu jeclaa ku wareegsaday. Laakiin waxaa samada ka yimid dab gubay ciidankii oo dhan.


Lean sinn:

Sanasan


Sanasan