Muujintii 13:12 - Ereyga Illaahey Axdiga Cusub12 Wuxuuna adeegsaday dhamaan awooddii uu bahalkii hore haystay, wuxuuna aduunka iyo kuwa ku nool oo dhan ka dhigay iney caabudaan bahalkii hore, kaasoo dhaawaciisi laga bogsiiyay. Faic an caibideilKITAABKA QUDUUSKA AH12 Oo wuxuu bahalkii kowaad hortiisa wax kaga qabtay amarkiisii oo dhan. Oo dunida iyo kuwa degganba wuxuu ka dhigay inay caabudaan bahalkii kowaad oo nabarkii uu u dhintay bogsaday. Faic an caibideilKitaabka Quduuska Ah12 Oo wuxuu bahalkii kowaad hortiisa wax kaga qabtay amarkiisii oo dhan. Oo dunida iyo kuwa degganba wuxuu ka dhigay inay caabudaan bahalkii kowaad oo nabarkii uu u dhintay bogsaday. Faic an caibideil |
Bahalka aad aragtay wuu noolaan jiray, laakiin hadda ma noolo. Mar dhow ayuuna ka imaan doonaa bohosha oona tagi doonaa halka lagu burburin doono. Dadka dunidan ku nool oo aan magacyadooda lagu qorin buugga nolosha ka hor abuurka, wey la yaabi doonaan markii uu bahalka soo baxo kaasoo horey u dhintay.
Bahalkiina waa la qabtay, waxaana la jiray nebigii beenta ahaa ee calaamadaha waaweyn u sameeyay bahalka, mucjisooyinkii khiyaanay dadka oo dhan kuwa aqbalay calaamada bahalka iyo kuwa sawirka bahalka caabudayba. Bahalkii iyo nebigii beenta ahaaba iyagoo nool ayaa lagu tuuray haro dab iyo baaruud ah.
Kadibna waxaan arkay carshi, dadkii ku fadhiyayna waxaa la siiyay awood ey wax ku xukumaan. Haddana waxaan arkay nafihii kuwii madaxa laga jaray marqaatifurkoodi Ciise ku saabsanaa iyo wacdinta ereyga Illaahey dartiis. Ma eysan caabudin bahalkii iyo sawirkiisaba, oo mana aqbalin in calaamadiisi la saaro wejigooda ama gacantooda. Iyagoo dhan nolosha ayey kusoo laabteen oo kun sano ayey Masiixa wax la xukumayeen.