Biblia Todo Logo
Bìoball air-loidhne

- Sanasan -




Muujintii 13:11 - Ereyga Illaahey Axdiga Cusub

11 Kadibna waxaan arkay bahalkii labaad, isaga oo kasoo baxaya dhulka. Wuxuu lahaa laba gees sida kan wanka, laakiin wuxuu u hadlayay sida masduulaaga.

Faic an caibideil Dèan lethbhreac

KITAABKA QUDUUSKA AH

11 Oo haddana waxaan arkay bahal kale oo dhulka ka soo baxaya, oo wuxuu lahaa laba gees oo u eg wan geesihiis, oo wuxuu u hadlayay sidii masduulaa oo kale.

Faic an caibideil Dèan lethbhreac

Kitaabka Quduuska Ah

11 Oo haddana waxaan arkay bahal kale oo dhulka ka soo baxaya, oo wuxuu lahaa laba gees oo u eg wan geesihiis, oo wuxuu u hadlayay sidii masduulaa oo kale.

Faic an caibideil Dèan lethbhreac




Muujintii 13:11
17 Iomraidhean Croise  

“Iska jira nebiyada beenta ah! Waxey idiin imaanayaan iyagoo qaba dharka idaha, laakiin gudaha waxey ka yihiin yeey wax weerareysa.


Waayo iyagoo kale Sayidkeena Ciise Masiix uma adeegaan, laakiin waxey u adeegaan danahooda. Hadalkooda macaan iyo sasabasho ayey ku khiyaanaan maskaxda dadka nacasyada ah.


Kor ayuu isu qaadi doonaa isaga oo diidaya wax walboo ey dadku Illaahey ugu yeeraan iyo wax walboo la caabudo. Xitaa wuxuu fariisan doonaa macbadka Illaahey isaga oo dhahaya aniga ayaa Illaahey ah.


Haddaba markey dhameeyaan marqaatifurkooda, waxaa u imaan doona bahal ka yimid bohosha oo la dagaali doona, wuuna ka guuleysan doonaa wuuna dili doonaa.


Masduulaagiina aad ayuu ugu xanaaqay naagta oo wuxuuna bilaabay inuu la dagaallo caruurteeda kale, kuwaas oo amarka Illaahey iyo marqaatifurkoodi xagga Ciise xajiyay.


Masduulaagii wuxuu taagnaa badda qarkeeda, kadibna waxaan arkay bahal badda kasoo baxaya. Wuxuuna lahaa toban geesood iyo toddobo madax, toban taaj ayuuna ku watay geesihiisa, madax walbana waxaa ku yaalay magac caay ah.


si eysan wax u iibin ama eysan wax u gadan haddii eysan lahayn calaamadaas, taas oo ah magaca bahalka ama nambar u taagan magaciisa.


Dadku waxey caabudeen masduulaagii waayo wuxuu amar siiyay bahalkii, sidoo kalana waxey caabudeen bahalka oo ku yiraahdeen, “Yaa sida bahalkan ah? Yaana la dagaali kara?”


Waxaanna arkay saddex ruux oo wasakh leh oo u eg rah, waxeyna kasoo baxeen afka masduulaagii, bahalka iyo afka nebiyada beenta ah.


Waxaanna arkay naagtu iney ahayd qof ku sarqaamay dhiigga dadka Illaahey, dhiigga dadka u marqaatifura Ciise. Markaan iyada arkayna aad ayaan ula yaabay.


Bahalka aad aragtay wuu noolaan jiray, laakiin hadda ma noolo. Mar dhow ayuuna ka imaan doonaa bohosha oona tagi doonaa halka lagu burburin doono. Dadka dunidan ku nool oo aan magacyadooda lagu qorin buugga nolosha ka hor abuurka, wey la yaabi doonaan markii uu bahalka soo baxo kaasoo horey u dhintay.


Lean sinn:

Sanasan


Sanasan