Biblia Todo Logo
Bìoball air-loidhne

- Sanasan -




Muujintii 13:10 - Ereyga Illaahey Axdiga Cusub

10 “Haddii mid loo qoro inuu maxbuus noqdo, xabsi ayaa la geynayaa. Haddii mid loo qoro inuu ku dhiman doono seef, seef ayuu ku dhiman doonaa.” Tani waxey tahay in dadka Illaahey ey u dulqaataan silaca iyagoo u samraya oona ahaadaan kuwa aamin ah.

Faic an caibideil Dèan lethbhreac

KITAABKA QUDUUSKA AH

10 Haddii nin dad xabbiso, isagana waa la xabbisi doonaa; oo haddii nin seef wax ku dilo, waa in isagana seef lagu dilo. Waa kaa samirka iyo rumaysadka quduusiintu.

Faic an caibideil Dèan lethbhreac

Kitaabka Quduuska Ah

10 Haddii nin dad xabbiso, isagana waa la xabbisi doonaa; oo haddii nin seef wax ku dilo, waa in isagana seef lagu dilo. Waa kaa samirka iyo rumaysadka quduusiintu.

Faic an caibideil Dèan lethbhreac




Muujintii 13:10
29 Iomraidhean Croise  

Laakiin Ciise ayaa ku yiri, “Seeftaadi meesheedi ku celi, waayo mid walboo seef ku dagaalama wuxuu ku dhiman doonaa seef.


Waayo sidaad dadka u xukuntaan ayaa la idiin xukumi doonaa, qiyaastii aad ku qiyaastaan ayaa la idin ku qiyaasi doonaa.


Daacada aad ii tihiin daraadeed waxaad heli doontaan noloshiina.


Waxaanna ka baryeynaa inuu Illaahey idin ku xooggeysiiyo xoogiisa ammaanta leh si aad u lahaataan dulqaad iyo sabar ey farxad la jirto.


Ma rabno inaad caajislowyaal noqotaan, Laakiin inaad ku dayataan tusaalihii kuwii iimaanka lahaa oo dulqaatay illaa Illaahey ballankii uu iyaga ka qaaday oofiyay.


Aniga oo ah Yooxanaa, walaalkiin iyo midki idin kala qeyb qaatay dhibaatada iyo boqortooyada iyo dulqaadashada Ciise, waxaan joogay jasiiradda Batmos aniga oo wacdinaya ereyga Illaahey oo Ciisana u marqaatifuraya.


Quruumaha wey xanaaqeen, laakiin caradaaduna wey timid. Waqtiga kuwii dhintay la xukumana wey gaartay, iyo waqtiga aad u abaalgudi lahayd adeegayaashaada nebiyada ah, sidoo kale dadkaaga magacaaga ixtiraama, kuwa wax haysta iyo kuwa aan waxba haysaninba waa waqtigii aad baabi’in lahayd dhamaan kuwa dhulka balaayada keenay.”


Tani macnaheedu waa in dadka Illaahey u dulqaataan silaca iyagoo ku samraya, oona ilaalinaya amarradiisa, iimaanka ey Ciise ku lahaayeenna sii heystaan.


waayo waxey daadiyeen dhiigga dadkaaga quduuska ah iyo nebiyada, waxaadna siiyay dhiig si ey u cabaan weyna u qalmaan.”


Bahalki horey u jiray ee aan hadda nooleyn, waana boqorka siddeedaad. Sida toddobada kale, isagana waxaa u dambeeya burbur.


Bahalka aad aragtay wuu noolaan jiray, laakiin hadda ma noolo. Mar dhow ayuuna ka imaan doonaa bohosha oona tagi doonaa halka lagu burburin doono. Dadka dunidan ku nool oo aan magacyadooda lagu qorin buugga nolosha ka hor abuurka, wey la yaabi doonaan markii uu bahalka soo baxo kaasoo horey u dhintay.


Waan ogahay camalkiina, jaceylkiina iyo iimaankiina, adeegiina iyo dulqaadkiina, inaad hadda sameyneysaan wax ka badan wixii aad horey u sameyn jirteen.


Waan garanayaa camalladiina, dadaalkiina iyo dulqaadkiina. Waana ogahay in eydan u dulqaadaneyn dadka sharta leh, waadna baarteen kuwa rasuullada iskugu yeera oo aan rasuullo ahayn, waxaadna ogaateen iney yihiin beenaalayaal.


Waayo waxaad xajiseen amarkeyga idinkoo ku samraya, aniguna waan idin ka ilaalin doonaa waqtiga jarribaadda ee u soo socda aduunka oo dhan si loo jarribo waxyaalaha aduunka jooga oo dhan.


Sidaa darteed xasuusta, waxaad hesheen oo aad maqasheen, adkeeya oo toobadkeena. Laakiin haddii eydan baraarugin, sida tuug ayaan u imaan doonaa, mana ogaan doontaan waqtiga aan idiin imaanayo.


Lean sinn:

Sanasan


Sanasan