Biblia Todo Logo
Bìoball air-loidhne

- Sanasan -




Muujintii 13:1 - Ereyga Illaahey Axdiga Cusub

1 Masduulaagii wuxuu taagnaa badda qarkeeda, kadibna waxaan arkay bahal badda kasoo baxaya. Wuxuuna lahaa toban geesood iyo toddobo madax, toban taaj ayuuna ku watay geesihiisa, madax walbana waxaa ku yaalay magac caay ah.

Faic an caibideil Dèan lethbhreac

KITAABKA QUDUUSKA AH

1 Oo wuxuu isku dul taagay cammuuddii badda. Kolkaasaan arkay bahal badda ka soo baxaya, oo wuxuu lahaa toban gees iyo toddoba madax, oo geesihiisiina waxaa u saarnaa toban taaj, oo madaxyadiisiina waxaa ugu qornaa magacyo cay ah.

Faic an caibideil Dèan lethbhreac

Kitaabka Quduuska Ah

1 Oo wuxuu isku dul taagay cammuuddii badda. Kolkaasaan arkay bahal badda ka soo baxaya, oo wuxuu lahaa toban gees iyo toddoba madax, oo geesihiisiina waxaa u saarnaa toban taaj, oo madaxyadiisiina waxaa ugu qornaa magacyo cay ah.

Faic an caibideil Dèan lethbhreac




Muujintii 13:1
21 Iomraidhean Croise  

Haddaba markey dhameeyaan marqaatifurkooda, waxaa u imaan doona bahal ka yimid bohosha oo la dagaali doona, wuuna ka guuleysan doonaa wuuna dili doonaa.


Kadibna waxaa samada kasoo muuqday calaamad kale, waxaan arkay masduulaa weyn oo gaduudan wuxuuna lahaa toddobo madax iyo toban geesood, madaxiisana wuxuu ku watay toddobo taaj.


Kadibna waxaan arkay bahalkii labaad, isaga oo kasoo baxaya dhulka. Wuxuu lahaa laba gees sida kan wanka, laakiin wuxuu u hadlayay sida masduulaaga.


Mucjisadii loo ogolaaday inuu sameeyo beddelkii bahalka hore, wuxuu khiyaanay dadkoo dhan kuwaas oo ah kuwa aduunka. Wuxuuna dadka ku amray iney taalo weyn u dhisaan bahalkii hore, kaasoo dhaawaciisi laga bogsiiyay oona nolol kusoo laabtay.


Bahalkaas labaad waxaa la siiyay awood uu nolol ku siiyo taalada bahalkii koowaad, si uu u hadlo oo u amro in kuwii taalada caabudi diiday la dilo.


Waxaana arkay wax u eg bad muraayad ah taas oo dab la dhalaaleyso, badda agteedana waxaa taagnaa dadkii kasoo guuleystay bahalkii, sawirkiisi iyo nambarkii magaciisa. Waxeyna haysteen kataarad uu Illaahey siiyay,


Waxaanna arkay saddex ruux oo wasakh leh oo u eg rah, waxeyna kasoo baxeen afka masduulaagii, bahalka iyo afka nebiyada beenta ah.


Bahalka aad aragtay iyo tobanka gees wey nici dooonaan naagta. Wey qaawin doonaan oo hilibkeeda ayey cuni doonaan, oo wixii soo harana dab ayey ku gubi doonaan.


Kadibna malagii ayaa xagga ruuxi ahaan i qaaday oo i geeyay meel cidlo ah. Waxaanna arkay naag ku fadhido bahal guduudan oo leh toddobo madax iyo toban gees kaasoo magacyo caay ah ku qoran yihiin.


Magaca wejigeeda ku qornaa waa mid cajiib ah kaasoo dhahaya, Waxaa Weyn Baabuloonta Hooyada kuwa kasta ee jirka ka Ganacsada taas oo ah hooyada aasaastay waxyaalaha karaahiyada ee dhulka.


Kadibna waxaan arkay bahalkii iyo boqorrada aduunka iyo ciidankooda oo isku imaaday si ey dagaal ugu bilaabaan kan faraska wada iyo ciidankiisa.


Lean sinn:

Sanasan


Sanasan