Biblia Todo Logo
Bìoball air-loidhne

- Sanasan -




Muujintii 12:7 - Ereyga Illaahey Axdiga Cusub

7 Kadibna waxaa samada ka dhacay dagaal. Mikaa’iil iyo malaa’igtiisi waxey la dagaaleen masduulaagii. Masduulaagii iyo malaa’igtiisuna wey la dagaalameen.

Faic an caibideil Dèan lethbhreac

KITAABKA QUDUUSKA AH

7 Markaasaa samada waxaa ka dhacay dagaal, oo Mikaa'iil iyo malaa'igihiisii waxay u soo baxeen inay la diriraan masduulaagii; oo masduulaagii iyo malaa'igihiisiina way la dirireen;

Faic an caibideil Dèan lethbhreac

Kitaabka Quduuska Ah

7 Markaasaa samada waxaa ka dhacay dagaal, oo Mikaa'iil iyo malaa'igihiisii waxay u soo baxeen inay la diriraan masduulaagii; oo masduulaagii iyo malaa'igihiisiina way la dirireen;

Faic an caibideil Dèan lethbhreac




Muujintii 12:7
23 Iomraidhean Croise  

Wiilka Aadanahu wuxuu diri doonaa malaa’igtiisa, waxeyna boqortooyada Illaahey kasoo ururin doonaan qof walboo xumaan sameeya ama dadka u sababa iney dembi sameeyaan.


Waayo Wiilka Aadanahu wuxuu ku imaan doonaa ammaanta Aabihiis isaga oo ey malaa’igtiisu la socdaan, kadibna qof walba wuxuu ku abaalmarin doonaa wuxuu sameeyay.


Wuxuuna diri doonaa malaa’igtiisa oo wata buun aad u dhawaaqaya, waxeyna aduunka oo dhan kasoo ururin doonaan dadka uu doortay.


“Kadib kuwa bidixdiisa taagan ayuu ku dhihi doonaa, ‘Iga taga, waad inkaaran tihiine! Gala naarta weligeed ah ee loo diyaariyay ibliiska iyo malaa’igtiisa.


Miyaydnaan ogayn inaan Aabahay u yeeran karo, oo uu isla markiiba ii soo diri karo laba iyo toban ciidan oo malaa’ig ah?


Inkastoo aan Illaahey ka helay muujintaan cajiibka ah, waxey iga celineysaa in aanan faanin. Waxaa la i siiyay wax jirkeyga muda oo Shaydaanku soo diray inuu i ciqaabo si aanan u kibrin.


Waayo lama dagaalameyno jir ee waxaan la dagaalameynaa taliyayaasha sharta, awoodaha caalamka aan la arki karin, awoodaha waaweyn ee ka jira aduunkan mugdiga ah iyo ruuxyada sharta leh ee samada jooga.


Wuuna idin nasin doonaa idinkan dhibaateysan iyo anagaba. Tani waxey dhici doontaa waqtiga uu Sayid Ciise ka yimaado samada isaga oo ku imaanaya dab holcaya oo eyna malaa’igtiisa xoogga leh la jirto.


Wax walba Illaahey ayaa leh waxaana lagu abuuray awooddiisa. Haddaba Illaahey si fiican ayuu sameeyay markii uu Ciise ku dhameystiray silac, si uu ugu hogaamiyo kuwo badan oo caruurta kamida badbaado oo eyna ammaantiisa ula wadaagaan.


Waayo Illaahey uma naxariisan xitaa malaa’igta dembaabtay. Wuxuu ku tuuray hogga mugdiga ah ee naarta iyagoo silsilado ku xirxiran si ey halkaas u joogaan illaa maalinta xukunka la gaaro.


Xitaa Mikaa’iil oo ahaa malag sare, ma awoodin inuu ibliiska xukumo, markey labadoodu ku murmeen meydkii Muuse, kuma dhicin inuu ku cambaareeyo aflagaado laakiin wuxuu yiri, “Rabbigu wuu ku canaanan doonaa!”


Masduulaagii waa laga adkaaday, isaga iyo malaa’igtiisi waxaana laga saaray samada.


Masduulaagii weynaa oona ahaa maskii hore kaasoo la dhihi jiray ibliis ama Shaydaan, kaasoo aduunka oo dhan khiyaanayay dhulka ayaa lagu tuuray isaga iyo malaa’igtiisi oo dhan.


Waxaana bahalkaas la siiyay awood uu dadka Illaahey kula dagaallo oo uu iyaga kaga guuleysto. Sidoo kalana waxaa la siiyay amar uu ugu taliyo qabiil walba, dad walba, luuqad walba iyo quruumaha oo dhan.


Wuxuuna qabtay masduulaagii, maskii duqa ahaa, kaasoo ah ibliiska, ama Shaydaanka wuxuuna ku xirxiray silsiladii kun sanadood.


Lean sinn:

Sanasan


Sanasan