Biblia Todo Logo
Bìoball air-loidhne

- Sanasan -




Muujintii 12:3 - Ereyga Illaahey Axdiga Cusub

3 Kadibna waxaa samada kasoo muuqday calaamad kale, waxaan arkay masduulaa weyn oo gaduudan wuxuuna lahaa toddobo madax iyo toban geesood, madaxiisana wuxuu ku watay toddobo taaj.

Faic an caibideil Dèan lethbhreac

KITAABKA QUDUUSKA AH

3 Oo haddana samada waxaa ka muuqatay calaamo kale; oo bal eeg waxaa la arkay masduulaa weyn oo cas, oo wuxuu lahaa toddoba madax iyo toban gees, oo madaxyadiisii waxaa u saarnaa toddoba taaj.

Faic an caibideil Dèan lethbhreac

Kitaabka Quduuska Ah

3 Oo haddana samada waxaa ka muuqatay calaamo kale; oo bal eeg waxaa la arkay masduulaa weyn oo cas, oo wuxuu lahaa toddoba madax iyo toban gees, oo madaxyadiisii waxaa u saarnaa toddoba taaj.

Faic an caibideil Dèan lethbhreac




Muujintii 12:3
27 Iomraidhean Croise  

Calaamad weyn ayaana ka muuqatay samada, waxaan arkay naag gashan qorax oo dayaxuna lugaheeda ku hoos jiro, qabtana taaj toban iyo laba xiddig leh.


Masduulaagii markii uu ogaaday in dhulka lagu tuuray, wuxuu bilaabay inuu haweeneydii dhashay cunug wiil ah ka daba galo.


Masduulaagiina aad ayuu ugu xanaaqay naagta oo wuxuuna bilaabay inuu la dagaallo caruurteeda kale, kuwaas oo amarka Illaahey iyo marqaatifurkoodi xagga Ciise xajiyay.


Seyntiisuna waxey xaaqday saddex meelood meel xiddigaha oo dhulka ku daadisay. Masduulaagii wuxuu hor istaagay naagtii dhali rabtay, si uu u dilo cunuggeeda isla markii uu dhasho.


Kadibna waxaa samada ka dhacay dagaal. Mikaa’iil iyo malaa’igtiisi waxey la dagaaleen masduulaagii. Masduulaagii iyo malaa’igtiisuna wey la dagaalameen.


Masduulaagii weynaa oona ahaa maskii hore kaasoo la dhihi jiray ibliis ama Shaydaan, kaasoo aduunka oo dhan khiyaanayay dhulka ayaa lagu tuuray isaga iyo malaa’igtiisi oo dhan.


Masduulaagii wuxuu taagnaa badda qarkeeda, kadibna waxaan arkay bahal badda kasoo baxaya. Wuxuuna lahaa toban geesood iyo toddobo madax, toban taaj ayuuna ku watay geesihiisa, madax walbana waxaa ku yaalay magac caay ah.


Bahalkan arkayna wuxuu u ekaa haramcad, laakiin cagihiisu waxey u ekaayeen bahal, afkiisuna wuxuu u ekaa sida af libaax. Masduulaagii wuxuu bahalkii siiyay awoodiisi, carshigiisi iyo amarkiisi weynaa.


Dadku waxey caabudeen masduulaagii waayo wuxuu amar siiyay bahalkii, sidoo kalana waxey caabudeen bahalka oo ku yiraahdeen, “Yaa sida bahalkan ah? Yaana la dagaali kara?”


Waxaan samada ku arkay calaamad kale oo weyn oo yaab leh, toddobo malaa’ig ayaa hayay toddobadii ugu dambeysay ee balaayo, kuwaasoo xanaaqa Illaahey soo gaba gabeynaya.


Waxaanna arkay saddex ruux oo wasakh leh oo u eg rah, waxeyna kasoo baxeen afka masduulaagii, bahalka iyo afka nebiyada beenta ah.


“Tobanka geesood aad aragtay waa toban boqor oo aan weli helin boqortooyada, laakiin hal mar ayaa waqti gaaban la siin doonaa boqortooyo si ey iskula taliyaan bahalka.


Bahalka aad aragtay iyo tobanka gees wey nici dooonaan naagta. Wey qaawin doonaan oo hilibkeeda ayey cuni doonaan, oo wixii soo harana dab ayey ku gubi doonaan.


Kadibna malagii wuxuu igu yiri, “Maxaad ula yaabantahay? Waan kuu sharixi doonaa sirta ka dambeyso sheekada naagta iyo bahalka ey wado, kaasoo leh toddobo madax iyo toban geesood.


Indhihiisuna waxey u ekaayeen sida holac dab ah, madaxiisana wuxuu ku watay taajaj badan. Waxaana isaga ku qornaa magac uusan qofna aqoonin waxaan isaga ka ahayn.


Wuxuuna qabtay masduulaagii, maskii duqa ahaa, kaasoo ah ibliiska, ama Shaydaanka wuxuuna ku xirxiray silsiladii kun sanadood.


Lean sinn:

Sanasan


Sanasan