Biblia Todo Logo
Bìoball air-loidhne

- Sanasan -




Muujintii 12:11 - Ereyga Illaahey Axdiga Cusub

11 Waxey uga guuleysteen dhiigga Wanka iyo marqaatifurkooda, iyagu aad uma jeclaanin noloshooda oo waxey diyaar u ahaayeen dhimasho.

Faic an caibideil Dèan lethbhreac

KITAABKA QUDUUSKA AH

11 Oo waxay isagii kaga adkaadeen dhiiggii Wanka iyo eraygii markhaatifuriddooda; oo iyagu naftoodii kalama ay lexejeclaabin xataa dhimasho.

Faic an caibideil Dèan lethbhreac

Kitaabka Quduuska Ah

11 Oo waxay isagii kaga adkaadeen dhiiggii Wanka iyo eraygii markhaatifuriddooda; oo iyagu naftoodii kalama ay lexejeclaabin xataa dhimasho.

Faic an caibideil Dèan lethbhreac




Muujintii 12:11
33 Iomraidhean Croise  

“Kama mid noqon kartaan xerteyda illaa aad i jeclaataan in ka badan inta aad jeceshihiin aabayaashiin iyo hooyooyinkiin, xaasaskiina iyo caruurtiina, walaalihiin wiilal iyo gabdhaba. Iimana imaan kartaan illaa aad naftiina iga jeclaataan.


“Waxaan waxyaalahan idin kugu sheegay waa inaad nabad igu dhex lahaataan. Dunidan dhib ayaad la kulmi doontaan, laakiin dhiiranaada! Waayo aduunka waan ka adkaaday.”


Laakiin nolosheydu macno ilama laha, waxa kaliya ee aan rabo waa inaan dhameystiro shaqadii Rabbigeena Ciise i siiyay inaan sameeyo, taas oo ah inaan wacdiyo warka wanaagsan ee nimcada Illaah.


Markaas ayaa Bawlos ku jawaabay oo yiri, “Maxaad u ooyneysaan oo qalbiga iiga jabinaysaan? Xiritaan kaliya maahee waxaan diyaar u ahay inaan Yeruusaalem ku dhinto magaca Rabbi Ciise daraadiis.”


Illaaha nabadda bixiyana wuxuu mar dhow Shaydaanka keeni doona cagihiina hoostooda. Nimcada Rabbigeena Ciise Masiix ha idin la jirto.


Laakiin Illaahey ayaa mahad leh, kan nagu siiyay guul Rabbigeena Ciise Masiix.


Caruurteydiyey, waxaad ka tirsan tihiin Illaah, oo waad ka adkaateen cadowyadiina. Ruuxa Illaah ayaa idin ku jira oo wuu ka xoog badan yahay kan aduunka jooga.


Yaa ku guuleysan kara dagaalkan lagula jiro aduunka? Kaliya kuwa aaminay inuu Ciise yahay Wiilka Illaah.


Isaguna wax walboo uu arkay wuu ka marqaatifuray, taas oo ah ereyga Illaahey iyo marqaatifurka Ciise Masiix.


Aniga oo ah Yooxanaa, walaalkiin iyo midki idin kala qeyb qaatay dhibaatada iyo boqortooyada iyo dulqaadashada Ciise, waxaan joogay jasiiradda Batmos aniga oo wacdinaya ereyga Illaahey oo Ciisana u marqaatifuraya.


Haddaba markey dhameeyaan marqaatifurkooda, waxaa u imaan doona bahal ka yimid bohosha oo la dagaali doona, wuuna ka guuleysan doonaa wuuna dili doonaa.


Masduulaagiina aad ayuu ugu xanaaqay naagta oo wuxuuna bilaabay inuu la dagaallo caruurteeda kale, kuwaas oo amarka Illaahey iyo marqaatifurkoodi xagga Ciise xajiyay.


Kadibna intaan sujuuday ayaan isaga caabuday, laakiin wuxuu igu yiri, “Maya, ha i caabudin. Anigu waxaan ahay adeegaha Illaahey, sida adiga iyo walaalahaa kuwaas oo u marqaatifuraya wax ku saabsan iimaanka ey Ciise ku qabaan. Illaahey kaliya caabud. Waayo ruuxa wax sii sheegida waa inuu marqaatifur cad oo ku saabsan Ciise bixisaa.”


Waan ogahay halka aad degantihiin, halkaas oo Shaydaanku carshi ku leeyahay. Inkastoo ey sidaas tahayna magaceyga waad xijiseen. Iimaanka kama eydan tagin xitaa maalmihii Antibas kaasoo ahaa marqaatigeyga aaminka ah oo lagu dilay magaaladiina halkaas oo Shaydaanku ku noolaa.


Mid walboo dheggo leh ha maqlo waxa Ruuxa Quduuska ah u sheegayo kaniisadaha. Midka guuleysta waxaan siin doonaa qaar ka mid ah maannada qarsoon. Sidoo kale waxaan qofkaas siin doonaa dhagax cad kaasoo magac cusub ku qoran yahay, magacaas oo qof kale uusan garaneyn waxaan ka ahayn midka loo qoray.


Midka guuleysta oona doonisteyda sameeya illaa dhamaadka, waxaan siin doonaa amar uu ku xukumo aduunka.


Mid walboo dheggo leh ha maqlo waxa Ruuxa Quduuska ah u sheegayo kaniisadaha. Midka guuleysta waxaan siinayaa xaqa uu ku cuno geedka nolosha ee ku yaala jannada Illaahey.


Kadibna waxaan arkay carshi, dadkii ku fadhiyayna waxaa la siiyay awood ey wax ku xukumaan. Haddana waxaan arkay nafihii kuwii madaxa laga jaray marqaatifurkoodi Ciise ku saabsanaa iyo wacdinta ereyga Illaahey dartiis. Ma eysan caabudin bahalkii iyo sawirkiisaba, oo mana aqbalin in calaamadiisi la saaro wejigooda ama gacantooda. Iyagoo dhan nolosha ayey kusoo laabteen oo kun sano ayey Masiixa wax la xukumayeen.


Midka guuleysta waxaan ka dhigi doonaa tiirka ku yaala macbadka Illaaheyga, weligoodna halkaas kama tagi doonaan. Waxaan iyaga ku qori doonaa magaca Illaahey iyo magaca magaalada Illaahey, Yeruusaalemta cusub, taas oo ka imaan doonta Illaahey xagga samada, sidoo kalana magaceyga cusub ayaan iyaga ku qori doonaa.


Midka guuleysta, waxaan siin doonaa xaqa uu igula fariisto carshigeyga, sida aan aniguba u ahay midka guuleystay oo aan ula fadhiyo Aabahay carshigiisa.


Kuwa guuleysta iyaga xitaa waxaa loo xiri doonaa dhar cad. Weligeyna magacooda kama tiri doono buugga nolosha, laakiin waxaan ku qiran doonaa Aabahay iyo malaa’igtiisa hortooda iney yihiin kuweyga.


Markii uu furay shaabadda shanaad, waxaan meeshii allabariga hoosteeda ka arkay nafihii kuwii ereyga Illaahey dartiis loo dilay iyo sida ey aamin ugu noqdeen marqaatifurkooda.


Lean sinn:

Sanasan


Sanasan