Biblia Todo Logo
Bìoball air-loidhne

- Sanasan -




Muujintii 12:10 - Ereyga Illaahey Axdiga Cusub

10 Kadibna waxaan xagga samada ka maqlay cod weyn oo dhahaya, “Haddaba wey timaaday badbaadada iyo awoodda iyo boqortooyada Illaaheena, iyo amarkii Masiixiisa. Waayo kan eedeeya walaalaheen, kaasoo iyaga ku eedeynaya Illaahey hortiis maalin iyo habeen, dhulka ayaa lagu soo tuuray.

Faic an caibideil Dèan lethbhreac

KITAABKA QUDUUSKA AH

10 Oo haddana waxaan samada ka maqlay cod weyn oo leh, Haatan waxaa yimid badbaadadii, iyo xooggii, iyo boqortooyadii Ilaaheenna, iyo amarkii Masiixiisa; maxaa yeelay, kii walaalaheen dacweyn jiray hoos baa loo tuuray, kaasoo iyaga ku dacweyn jiray Ilaaheenna hortiisa habeen iyo maalinba.

Faic an caibideil Dèan lethbhreac

Kitaabka Quduuska Ah

10 Oo haddana waxaan samada ka maqlay cod weyn oo leh, Haatan waxaa yimid badbaadadii, iyo xooggii, iyo boqortooyadii Ilaaheenna, iyo amarkii Masiixiisa; maxaa yeelay, kii walaalaheen dacweyn jiray hoos baa loo tuuray, kaasoo iyaga ku dacweyn jiray Ilaaheenna hortiisa habeen iyo maalinba.

Faic an caibideil Dèan lethbhreac




Muujintii 12:10
24 Iomraidhean Croise  

Ciise ayaa ugu jawaabay, “Adiga ayaa yiri, laakiin waxaan idin ku leeyahay, hadda laga bilaabo waxaad arki doontaan Wiilka Aadanaha oo fadhiya gacanta midig ee Illaaha awoodda leh kuna imaanaya daruuraha cirka.”


Markaas ayuu Ciise iyagii u yimid oo ku yiri, “Awood oo dhan ayaa samada iyo dhulka la iga siiyay.


boqortooyadaadu ha timaado, doonistaada dhulka ha lagu yeelo, sida jannada loogu yeelo.


Ciisana wuxuu ku yiri, “Markaad tukaneysaan Sidan dhaha, “ ‘Aabaheena jannada ku jirow, magacaagu quduus ha ahaado, boqortooyadaadu ha timaado, doonistaada dhulka ha lagu yeelo sida jannada loogu yeelo.


Kadibna Ciise wuxuu la hadlay Simoon oo ku yiri, “Simoonow, Simoonow, Shaydaanku wuxuu weydiistay inuu idin shaandheeyo dhamaantiin sida sarreenka.


Sidaa darteed markaad iskugu timaadaan magaca Rabbigeena Ciise dartiis aniguna ruuxdeyda wey idin la jirtaa, sidoo kale xoogga Sayidkeena Ciisana wuu idin la jiraa.


Laakiin wuxuu igu yiri, “Nimcadeydu wey kugu filan tahay, waayo xooggeygu wuxuu kaamil ku ahaadaa daciifnimadaada.” Sidaa darteed waan ku faraxsanahay inaan ku faano daciifnimadeyda si uu xoogga Masiixu iigu soo dego.


Sidaas oo kalena u bar dumarka waaweyn iney ku noolaadaan nolol Illaahey sharaf u keeneyso. Waa in eysan caayin kuwa kale ama noqonin kuwa khamri adoon u ah. Laakiin waa iney dadka kale baraan waxa wanaagsan.


Soo jeeda! Iska ilaaliya cadawgiina weyn ee ah ibliiska. Wuxuu u ciyaa sida libaax wareegaya isaga oo doonaya qof uu cuno.


Malagii toddobaad ayaa ka dhawaajiyay buunkiisi, cod weyn ayaana ka dhawaaqay xagga samada isaga oo dhahaya, “Boqortooyada aduunku waxey noqotay, boqortooyada Rabbigeena iyo tan Masiixiisa, weligiis ayuuna taliye ahaan doonaa.”


Midka guuleysta oona doonisteyda sameeya illaa dhamaadka, waxaan siin doonaa amar uu ku xukumo aduunka.


Waxeyna cod dheer ku yiraahdeen, “Badbaadada waxey ka timaadaa Illaaheena xaggiisa, kaasoo ku fadhiya carshiga, iyo Wanka.”


Lean sinn:

Sanasan


Sanasan