Biblia Todo Logo
Bìoball air-loidhne

- Sanasan -




Muujintii 12:1 - Ereyga Illaahey Axdiga Cusub

1 Calaamad weyn ayaana ka muuqatay samada, waxaan arkay naag gashan qorax oo dayaxuna lugaheeda ku hoos jiro, qabtana taaj toban iyo laba xiddig leh.

Faic an caibideil Dèan lethbhreac

KITAABKA QUDUUSKA AH

1 Markaasaa waxaa samada ka muuqatay calaamo weyn, taas oo ahayd naag qorraxda huwan, oo dayaxuna wuxuu ka hooseeyey cagaheeda, madaxana waxaa u saarnaa taaj laba iyo toban xiddigood ah,

Faic an caibideil Dèan lethbhreac

Kitaabka Quduuska Ah

1 Markaasaa waxaa samada ka muuqatay calaamo weyn, taas oo ahayd naag qorraxda huwan, oo dayaxuna wuxuu ka hooseeyey cagaheeda, madaxana waxaa u saarnaa taaj laba iyo toban xiddigood ah,

Faic an caibideil Dèan lethbhreac




Muujintii 12:1
35 Iomraidhean Croise  

Qaar ka mid ah Farrisiintii iyo macalimiinta sharciga Muuse ayaa Ciise ku yiri, “Macalinow, calaamad inaad na tusto ayaan rabnaa.”


“Kadib calaamada imaanshaha Wiilka Aadanaha ayaa ka muuqan doonta samada. Kadibna dadka dhulka jooga oo dhan wey barooran doonaan markey arkaan Wiilka Aadanaha oo daruuraha cirka dhinacooda ka imaanaya isaga oo awood iyo ammaan weyn leh.


Xiddiguhuna cirkey kasoo dhici doonaan, awoodaha cirkana waa la gariirin doonaa.’


Waxaa jiri doona dhul gariir aad u weyn, meelo badanna dadku gaajo iyo xanuuno aad u xun ayey u dhiman doonaan. Waxaa kaloo samada laga arki doonaa waxyaalo cabsi leh iyo calaamado waaweyn.


“Calaamado layaab leh ayaad ku arki doontaan qoraxda, dayaxa iyo xiddigaha. Dadka dhulka joogtana waxey ka welweli doonaan oo ka cabsan doonaan guuxa badda iyo awoodda hirarkeeda.


Aroosada waxaa leh ninka arooska ah. Ninka malxiiska ahna isaga ayuu dhageystaa, wuuna ku farxaa markii uu maqlo codkiisa. Sidaa darteed ayaan u faraxsanahay.


Oo waxaan samada ka muujin doonaa yaabab dhulkana calaamooyin, dhiig, dab iyo qiiq aad u weyn.


Beddelkii isku dabool Ciise Masiixna. Hana ka fikirina sidaad u qancin laheyd damaca jirka.


Illaahey wuxuu xaq nooga dhigay aaminaadaan aaminnay Ciise Masiix darteed. Farqina ma laha haddaad tahay Yuhuudi iyo haddii kale.


Waxaan idin kaga hinaaseysanahay hinaaso Illaahiyan ah. Waxaan idin ka ballan qaaday hal nin oo ah Masiixa, si aan idiinku dhiibo isaga sidii bikro daahir ah.


Waayo kuwiinan Masiixa lagu baabtiisay oo dhan, waxaad u gashateen Masiixa sida dhar cusub oo kale.


Laakiin naagta kale, Saarah waxey u taagan tahay Yeruusaalem. Waa naag xor ah, waana hooyadeen.


Yaanan ku faanin wax kale waxaan ka ahayn iskutallaabta Rabbi Ciise Masiix. Waayo iskutallaabtaas darteed ayaan xiisahaan aduunka u qabay u qodbay, aduunkuna xiisuhuu ii qabay u qodbay.


Halkan waxaa ku jirta sir weyn, laakiin waxaan u fahmay in macnaheedu yahay Masiixa iyo kaniisadiisa.


Macnaha toddobada xiddigood ee aad aragtay aniga oo gacanteyda midig ku haya iyo toddobada laambadood ee dahabka ah. Toddobada xiddigood waa malaa’igta toddobada kaniisadood, toddobada laambadoodna waa toddobada kaniisadood.”


Kadibna macbadka Illaahey ee samada ku yaaleyna wuu furmay, macbadkiisa dhexdiisa waxaa laga arkay sanduuqa axdigiisa. Waxaana jiray hilaac, onkod, dhul gariir iyo duufaan daran ee roob baraf leh wadata.


Kadibna waxaa samada kasoo muuqday calaamad kale, waxaan arkay masduulaa weyn oo gaduudan wuxuuna lahaa toddobo madax iyo toban geesood, madaxiisana wuxuu ku watay toddobo taaj.


Waxaan samada ku arkay calaamad kale oo weyn oo yaab leh, toddobo malaa’ig ayaa hayay toddobadii ugu dambeysay ee balaayo, kuwaasoo xanaaqa Illaahey soo gaba gabeynaya.


Darbiga magaalada waxaa aasaas looga dhigay toban iyo laba dhagax, mid walbana waxaa ku qornaa magacyada toban iyo labada rasuul ee Wanka.


Magaaladu uma eysan baahneyn qorax ama dayax ifaya, waayo ammaanta Illaahey ayaa iftiin siisa, Wanka ayaana u ah feynuus.


Lean sinn:

Sanasan


Sanasan