Muujintii 11:3 - Ereyga Illaahey Axdiga Cusub3 Waxaanna dooran doonaa labadeyda marqaati kuwaas oo wax sii sheegi doona 1,260 maalmood iyagoo gashan jawaan.” Faic an caibideilKITAABKA QUDUUSKA AH3 Oo labadayda markhaati waxaan siin doonaa xoog ay wax ku sii sheegaan kun iyo laba boqol iyo lixdan maalmood, iyagoo jawaanno qaba. Faic an caibideilKitaabka Quduuska Ah3 Oo labadayda markhaati waxaan siin doonaa xoog ay wax ku sii sheegaan kun iyo laba boqol iyo lixdan maalmood, iyagoo jawaanno qaba. Faic an caibideil |
Kadibna intaan sujuuday ayaan isaga caabuday, laakiin wuxuu igu yiri, “Maya, ha i caabudin. Anigu waxaan ahay adeegaha Illaahey, sida adiga iyo walaalahaa kuwaas oo u marqaatifuraya wax ku saabsan iimaanka ey Ciise ku qabaan. Illaahey kaliya caabud. Waayo ruuxa wax sii sheegida waa inuu marqaatifur cad oo ku saabsan Ciise bixisaa.”
Kadibna waxaan arkay carshi, dadkii ku fadhiyayna waxaa la siiyay awood ey wax ku xukumaan. Haddana waxaan arkay nafihii kuwii madaxa laga jaray marqaatifurkoodi Ciise ku saabsanaa iyo wacdinta ereyga Illaahey dartiis. Ma eysan caabudin bahalkii iyo sawirkiisaba, oo mana aqbalin in calaamadiisi la saaro wejigooda ama gacantooda. Iyagoo dhan nolosha ayey kusoo laabteen oo kun sano ayey Masiixa wax la xukumayeen.