Biblia Todo Logo
Bìoball air-loidhne

- Sanasan -




Muujintii 11:19 - Ereyga Illaahey Axdiga Cusub

19 Kadibna macbadka Illaahey ee samada ku yaaleyna wuu furmay, macbadkiisa dhexdiisa waxaa laga arkay sanduuqa axdigiisa. Waxaana jiray hilaac, onkod, dhul gariir iyo duufaan daran ee roob baraf leh wadata.

Faic an caibideil Dèan lethbhreac

KITAABKA QUDUUSKA AH

19 Markaasaa waxaa samada laga furay macbudkii Ilaah; oo waxaa macbudkiisa gudihiisa ka muuqday sanduuqii axdigiisa; markaasaa waxaa soo dhacay hillaac, iyo codad, iyo onkod, iyo dhulgariir, iyo roob dhagaxyaale oo weyn.

Faic an caibideil Dèan lethbhreac

Kitaabka Quduuska Ah

19 Markaasaa waxaa samada laga furay macbudkii Ilaah; oo waxaa macbudkiisa gudihiisa ka muuqday sanduuqii axdigiisa; markaasaa waxaa soo dhacay hillaac, iyo codad, iyo onkod, iyo dhulgariir, iyo roob dhagaxyaale oo weyn.

Faic an caibideil Dèan lethbhreac




Muujintii 11:19
33 Iomraidhean Croise  

Isla markaasna waxaa dhacay dhul gariir daran oo magaalada toban meelood meel ayaa burburtay. Toddobaatan kun oo qof ayaa dhul gariirkaas ku dhintay, kuwii badbaadayna cabsi ayaa gashay oo Illaaha samada ku jira ayey ammaaneen.


Malagii toddobaad ayaa ka dhawaajiyay buunkiisi, cod weyn ayaana ka dhawaaqay xagga samada isaga oo dhahaya, “Boqortooyada aduunku waxey noqotay, boqortooyada Rabbigeena iyo tan Masiixiisa, weligiis ayuuna taliye ahaan doonaa.”


Calaamad weyn ayaana ka muuqatay samada, waxaan arkay naag gashan qorax oo dayaxuna lugaheeda ku hoos jiro, qabtana taaj toban iyo laba xiddig leh.


Kadibna waxaan maqlay cod weyn oo ka imaanaya macbadka oo toddobadii malaa’ig ku dhahaya, “Taga oo toddobada baaquli ee carada Illaahey ku daadiya aduunka.”


Kadibna waxaa dhacay onkod, hilaac iyo dhul gariir daran, taas oo aan weligeed la arkin illaa iyo abuuristii dadka.


Cirka waxaa da’ay roob sida dhagaxyo baraf ah, dhagaxyadaas oo uu culeyskoodu u dhowaa afartan iyo shan kiiloogaraam ayaa dadka kusoo dul dhacayay. Balaayadaan darteed ayey Illaahey u inkaareen, waayo balaayadu wey darneyd.


Waxaan arkay samada oo furan oo horteydana waxaa taagnaa faras cad, kaasoo midka wada lagu magacaabay midka aaminka iyo runta ah. Si xaqnimo ayuuna ku xukumaa si xaq ah ayuuna u dagaalamaa.


Waxyaalahan kadib waxaan helay muujin waxaanna samada ka arkay albaab furan. Codkii aan markii hore maqlay ayaa ila hadlay sida buun isaga oo dhahaya, “Kaalay halkan, waxaan ku tusi doonaa waxa dhaci doona waxyaalahan kadib.”


Carshigana waxaa kasoo baxayay hillac, codad iyo onkod. Carshiga hortiisa waxaa yaalay toddobo laambadood oo shidan. Kuwaasi waa toddobada ruux ee Illaahey.


Sidaa darteed, “Waxey joogaan carshiga Illaahey hortiisa oo habeen iyo maalin ayey macbadka uga adeegayaan, kan carshiga ku fadhiyana wuxuu hooy uga dhigi doonaa agjoogidiisa.


Kadibna malagii wuxuu qaaday idinkii oo dab kaga buuxiya halka allabariga, oo wuxuu kusoo tuuray aduunka, kadibna waxaa dhacay onkod iyo hilaac waxaana jiray dhul gariig daran.


Malagi koowaad wuxuu ka dhawaajiyay buunkiisi, waxaana yimid dab weyn oo uu dhiig ku jiro oo dhulka lagu soo tuuray. Saddex meelood meel dunida ka mid ahna wey gubatay, saddex meelood meel geedaha ka mid ahna wey gubteen, cawskii cagaarnaa oo dhanna wuu gubtay.


Lean sinn:

Sanasan


Sanasan