Biblia Todo Logo
Bìoball air-loidhne

- Sanasan -




Muujintii 11:18 - Ereyga Illaahey Axdiga Cusub

18 Quruumaha wey xanaaqeen, laakiin caradaaduna wey timid. Waqtiga kuwii dhintay la xukumana wey gaartay, iyo waqtiga aad u abaalgudi lahayd adeegayaashaada nebiyada ah, sidoo kale dadkaaga magacaaga ixtiraama, kuwa wax haysta iyo kuwa aan waxba haysaninba waa waqtigii aad baabi’in lahayd dhamaan kuwa dhulka balaayada keenay.”

Faic an caibideil Dèan lethbhreac

KITAABKA QUDUUSKA AH

18 Oo quruumihiina way cadhoodeen, oo waxaa yimid cadhadaadii iyo wakhtigii kuwii dhintay la xukumi lahaa iyo wakhtigii abaalgudkooda la siin lahaa nebiyada addoommadaada ah iyo quduusiinta iyo kuwa magacaaga ka cabsada, yaryar iyo waaweynba, oo la baabbi'in lahaa kuwa dhulka baabbi'iya.

Faic an caibideil Dèan lethbhreac

Kitaabka Quduuska Ah

18 Oo quruumihiina way cadhoodeen, oo waxaa yimid cadhadaadii iyo wakhtigii kuwii dhintay la xukumi lahaa iyo wakhtigii abaalgudkooda la siin lahaa nebiyada addoommadaada ah iyo quduusiinta iyo kuwa magacaaga ka cabsada, yaryar iyo waaweynba, oo la baabbi'in lahaa kuwa dhulka baabbi'iya.

Faic an caibideil Dèan lethbhreac




Muujintii 11:18
48 Iomraidhean Croise  

Farxa, waayo abaalgudkiina jannada aad ayuu u weyn yahay, sidaa si la mida ayey u silciyeen nebiyadii idin ka horeeyay.


Naxariistiisu waxey gaartaa kuwa isaga ka cabsada, jiil ka jiil.


Qof walba hal mar ayuu dhimanayaa, kadibna Illaahey ayaa xisaabin doona.


Markii uu malaga toddobaad uu buunkiisa dhawaajin doono, qorshihii qarsoonaa ee Illaahey waa la dhabeyn doonaa. Waxeyna u dhici doontaa sida uu ugu sheegay nebigii adeegihiisa ahaa.”


Laakiin deyrka macbadka banaankiisa ah haku darin, waayo waxaa la siiyay dadka aan Yuhuudda ahayn. Waxey 42 bilood cadaadin doonaan magaalada quduuska ah.


“Haddii mid loo qoro inuu maxbuus noqdo, xabsi ayaa la geynayaa. Haddii mid loo qoro inuu ku dhiman doono seef, seef ayuu ku dhiman doonaa.” Tani waxey tahay in dadka Illaahey ey u dulqaataan silaca iyagoo u samraya oona ahaadaan kuwa aamin ah.


Wuxuuna dadkoo dhan ku qasbay yar iyo weynba, taajir iyo maskiinba, kuwa xor ah iyo adoonba in calaamad la saaro gacantooda midigta ah ama wejigooda,


iyaguna waxey cabi doonaan khamrada carada Illaahey. Caradiisa oo dhan ayuuna ku ciqaabi doonaa, malaa’igta quduuska ah iyo Wanka hortooda ayaa lagu ciqaabi doonaa dab iyo baaruud.


Waxaan samada ku arkay calaamad kale oo weyn oo yaab leh, toddobo malaa’ig ayaa hayay toddobadii ugu dambeysay ee balaayo, kuwaasoo xanaaqa Illaahey soo gaba gabeynaya.


Kadibna mid ka mid ah afarta xayawaan ayaa toddobadii malaa’ig siiyay toddobo baaquli oo ey carada Illaahey ka buuxdo, kaasoo weligiis nool.


Ku sameeya wixii ey idin ku sameysay. Ka aarsada laba jibaar wixii ey idin ku sameysay. Silciya laba jabaar inta ey dadka kale silcisay.


Afkiisana waxaa kasoo baxay seef af leh oo uu ku weerari rabo quruumaha. “Wuxuu ku xukumi doonaa ul bir ah.” Carada Illaahey Qaadirka waxey u burburin doonaa cadowgiisa sida canabka loogu dhex cadaadiyo meesha canabka lagu shiido.


si aad u cuntaan hilibka boqorrada, kuwa madaxda ah, kuwa magaca leh, fardaha iyo kuwa wada, hilibka dadkoo dhan, kuwa xor ah iyo kuwa adoon ah, masaakiinta iyo taajiriintaba.”


Kadibna cod ayaa ka yimid carshiga isaga oo leh, “Aan ammaanno Illaahey, dhamaan kuwa adeegayaashiisa ah, dhamaan kuwa isaga ka cabsada, mid weyn iyo mid yarba!”


Waxaan arkay kuwo dhintay, yar iyo weynba iyagoo hor taagan carshiga Illaahey. Buugaagtana waa la furay xitaa buugga nolosha. Kuwii dhintayna waxaa lagu xukumay wixii ey sameeyeen, sida buugga ku qoran.


Qof walboo uusan magaciisu ku qorneyn buugga nolosha waxaa lagu tuuray warta dabka ah.


“Fiiri, mar dhow ayaan imaanayaa! Waxaan keenayaa abaalmarinteyda, qof walbana wuxuu sameeyay ayaa lagu abaalmarin doonaa.


Lean sinn:

Sanasan


Sanasan