Biblia Todo Logo
Bìoball air-loidhne

- Sanasan -




Muujintii 11:17 - Ereyga Illaahey Axdiga Cusub

17 iyagoo dhahaya, “Waan kuu mahadcelineynaa, Rabbiga weyn ee Illaaha ahaw, Kan jira iyo kan jiray, waayo waxaad qaadatay awoodaada weyn, waxaadna bilowday inaad taliso.

Faic an caibideil Dèan lethbhreac

KITAABKA QUDUUSKA AH

17 Rabbiyow Ilaaha Qaadirkaa oo jira oo jirayow, mahad baannu kuu naqaynaa; maxaa yeelay, waxaad qaadatay xooggaagii weynaa, oo wax baad xukuntay.

Faic an caibideil Dèan lethbhreac

Kitaabka Quduuska Ah

17 Rabbiyow Ilaaha Qaadirkaa oo jira oo jirayow, mahad baannu kuu naqaynaa; maxaa yeelay, waxaad qaadatay xooggaagii weynaa, oo wax baad xukuntay.

Faic an caibideil Dèan lethbhreac




Muujintii 11:17
27 Iomraidhean Croise  

Isla waqtigaas ayuu Ciise yiri, “Aabow, Rabbiga samada iyo dhulkow, waan kuu mahadcelinayaa, waayo waxan oo dhan waad ka qarisay kuwa xigmadda leh iyo kuwa wax bartay waxaadna u muujisay kuwan yar yar.


Isla waqtigaas Ciise oo farxada Ruuxa Quduuska ah ka buuxdo ayaa yiri, “Aabe, Rabbiga samada iyo dhulkow, waan kuu mahadcelinayaa, waayo waxan oo dhan waad ka qarisay kuwa xigmadda leh iyo kuwa wax bartayba waxaadna u muujisay kuwan yar yar, haa, Aabow, sidaas ayaa kaa farxisay.


Markaas ayey dhagaxii ka qaadeen. Kadibna Ciise intuu kor fiiriyay ayuu yiri, “Aabow, waxaan kuugu mahadcelinayaa inaad i maqashay.


Laakiin Illaahey ayaan u mahadceliyaa! Kaasoo mar walba nagu hogaamiya guusha anaga oo uu Masiixu na la jiro, isaga oo noo isticmaalaya inaan meel walba ku faafino udgoonka aqoontiisa.


Illaahey ayaa mahad leh hadiyadiisa aan la sheegi karin darteed.


Waxaan u mahadcelinayaa Sayidkeena Ciise Masiix, kaasoo i siiyay awood oo i tixgeliyay mid aamin ah iina doortay adeegiisa inaan qabto.


Warqaddan waxey ka socotaa Yooxanaa wuxuuna u dirayaa toddobada kaniisadood ee ku yaala gobolka Aasiya. Nimco iyo nabad ka timid kan jira, kan jiray iyo kan imaan doona, iyo toddobada ruux ee carshiga hortiisa jooga ha idin la jirto.


Rabbiga Illaaha ah wuxuu leeyahay, “Anigu waxaan ahay Alfa iyo Oomeega, kan jira, kan jiray iyo kan imaan doona, oo ah Qaadirka.”


Malagii toddobaad ayaa ka dhawaajiyay buunkiisi, cod weyn ayaana ka dhawaaqay xagga samada isaga oo dhahaya, “Boqortooyada aduunku waxey noqotay, boqortooyada Rabbigeena iyo tan Masiixiisa, weligiis ayuuna taliye ahaan doonaa.”


waxeyna heesayeen heesaha adeegaha Illaahey ee Muuse iyo Wanka, iyagoo dhahaya, “Waxaa weyn oo yaab leh camalladaada, Rabbiyow Illaaha Weynow. Run iyo xaqnimo ayaa jidkaaga ah, Boqorkii quruumahaw.


Waxey ahaayeen ruuxyo wasakh leh kuwaas oo sameynaya calaamado, waxeyna u tagaan boqortooyada aduunka oo dhan si ey iskugu keenaan, dagaalka ey Illaahey la leeyihiin dartiis maalinta weyn ee xukunka Illaaha weyn.


Kadibna waxaan maqlay malagii masuulka ka ahaa biyaha oo dhahaya, “Xaq ayaad ku tahay xukunadan, kan Quduuska ahow, adigan jira ee jiray,


Waxaanna maqlay cod ka imaanaya meesha allabariga oo dhahaya, “Haa, Rabbiga Illaaha ah, kan Weynow, xukunkaagu waa kan runta iyo xaqa ah.”


Sidaa darteed maalin ayey balaayadan oo ah, dhimasho, murugo iyo abaar daran iyada ku dhici doonaan. Dab ayaana iyada wada gubi doona, waayo waxaa weyn Illaaha Rabbiga ah kaasoo iyada xukumi doona.”


Waxaan arkay samada oo furan oo horteydana waxaa taagnaa faras cad, kaasoo midka wada lagu magacaabay midka aaminka iyo runta ah. Si xaqnimo ayuuna ku xukumaa si xaq ah ayuuna u dagaalamaa.


Kadibna waxaan maqlay wax u cod eg cod dad badan iyo guux weyn oo hirarka badda iyo wax sida onkod oo kale u yeeraya, oo leh, “Halleeluuya! Waayo Illaaha Rabbigeena ah ayaa wax xukuma.


Lean sinn:

Sanasan


Sanasan