Biblia Todo Logo
Bìoball air-loidhne

- Sanasan -




Muujintii 11:13 - Ereyga Illaahey Axdiga Cusub

13 Isla markaasna waxaa dhacay dhul gariir daran oo magaalada toban meelood meel ayaa burburtay. Toddobaatan kun oo qof ayaa dhul gariirkaas ku dhintay, kuwii badbaadayna cabsi ayaa gashay oo Illaaha samada ku jira ayey ammaaneen.

Faic an caibideil Dèan lethbhreac

KITAABKA QUDUUSKA AH

13 Oo saacaddaasna waxaa dhacay dhulgariir weyn, oo magaaladii toban meelood oo meel ayaa duntay; oo dhulgariirkii wuxuu dilay toddoba kun oo qof, oo intoodii kalena way cabsadeen, oo waxay ammaaneen Ilaaha samada.

Faic an caibideil Dèan lethbhreac

Kitaabka Quduuska Ah

13 Oo saacaddaasna waxaa dhacay dhulgariir weyn, oo magaaladii toban meelood oo meel ayaa duntay; oo dhulgariirkii wuxuu dilay toddoba kun oo qof, oo intoodii kalena way cabsadeen, oo waxay ammaaneen Ilaaha samada.

Faic an caibideil Dèan lethbhreac




Muujintii 11:13
21 Iomraidhean Croise  

Mar labaad ayey ninkii indho la’aanta ahaan jiray weydiiyeen, “Run sheeg oo Illaahey ammaan, waayo waan garaneynaa Ciise inuu yahay dembiile.”


Maalin ayaa waxaa jiray kulan ey iskugu imaanayeen walaalo gaaraya boqol iyo labaatan, waxaana istaagay Butros


Saddex maalin iyo bar kadibna, Illaahey wuxuu iyaga ku afuufay neef nolol ah, weyna kaceen oo kuwii iyaga arkayna aad ayey u argagaxeen.


Kadibna macbadka Illaahey ee samada ku yaaleyna wuu furmay, macbadkiisa dhexdiisa waxaa laga arkay sanduuqa axdigiisa. Waxaana jiray hilaac, onkod, dhul gariir iyo duufaan daran ee roob baraf leh wadata.


Wuxuuna cod dheer ku yiri, “Illaahey ka cabsada oo siiya ammaantiisa, waayo waqtigiisa wax la xukumayo wuu yimid. Caabuda kan abuuray samada, dhulka, badda iyo ilaha biyaha.”


Rabbiyow yaan kaa cabsaneynin, oo aan ammaan magacaaga u keeneynin? Waayo adiga kaliya ayaa ah quduus. Quruumaha oo dhan hortaada ayey imaan doonaan oo ey ku caabudi doonaan, waayo ficiladaada xaqa ah waa la muujiyay.”


Bal aan raynrayno oo faraxno, aan siino ammaan! Waayo arooski Wanka waa la gaaray, aroosadina wey is diyaarisay.


Laakiin qaar ka mid ah dadka ka tirsan kaniisadda Sardis oo aan wasaqeyn dharkood, wey ila socon doonaan iyaga oo xiran dhar cad, waayo wey u qalmaan.


Waan fiirsaday isaga oo furaya shaabaddii lixaad. Waxaana jiray dhul gariir weyn. Qoraxdi waxey isku beddeshay madow sida dhar jawaan ah, dayaxuna wuxuu noqday guduud sida dhiig.


Kadibna malagii wuxuu qaaday idinkii oo dab kaga buuxiya halka allabariga, oo wuxuu kusoo tuuray aduunka, kadibna waxaa dhacay onkod iyo hilaac waxaana jiray dhul gariig daran.


Lean sinn:

Sanasan


Sanasan