Biblia Todo Logo
Bìoball air-loidhne

- Sanasan -




Muujintii 1:8 - Ereyga Illaahey Axdiga Cusub

8 Rabbiga Illaaha ah wuxuu leeyahay, “Anigu waxaan ahay Alfa iyo Oomeega, kan jira, kan jiray iyo kan imaan doona, oo ah Qaadirka.”

Faic an caibideil Dèan lethbhreac

KITAABKA QUDUUSKA AH

8 Rabbiga Ilaaha ahu wuxuu leeyahay, Anigu waxaan ahay Alfa iyo Oomeega, oo ah kan jira oo jiray oo iman doona, iyo Qaadirka.

Faic an caibideil Dèan lethbhreac

Kitaabka Quduuska Ah

8 Rabbiga Ilaaha ahu wuxuu leeyahay, Anigu waxaan ahay Alfa iyo Oomeega, oo ah kan jira oo jiray oo iman doona, iyo Qaadirka.

Faic an caibideil Dèan lethbhreac




Muujintii 1:8
29 Iomraidhean Croise  

Sidoo kale, “Waxaan noqon doonaa aabihiin, waxaadna ahaan doontaan caruurteyda, Sayidka xoogga saas ayuu leeyahay.”


Codkuna wuxuu yiri, “Wixii aad aragtid buug ku qor una dir toddobada kaniisadood kuwaasoo ah, Efesos, Simurna, Bergamos, Tu’ateyra, Sardis, Filadelfiya iyo La’odikiya.”


Markaan arkayna waxaan ku dhacay cagihiisa sida qof dhintay oo kale. Kadibna wuxuu i saaray gacantiisa midig oo wuxuu igu yiri, “Ha cabsan, waayo waxaan ahay kan ugu horeeya oo uguna dambeeya.


Warqaddan waxey ka socotaa Yooxanaa wuxuuna u dirayaa toddobada kaniisadood ee ku yaala gobolka Aasiya. Nimco iyo nabad ka timid kan jira, kan jiray iyo kan imaan doona, iyo toddobada ruux ee carshiga hortiisa jooga ha idin la jirto.


iyagoo dhahaya, “Waan kuu mahadcelineynaa, Rabbiga weyn ee Illaaha ahaw, Kan jira iyo kan jiray, waayo waxaad qaadatay awoodaada weyn, waxaadna bilowday inaad taliso.


waxeyna heesayeen heesaha adeegaha Illaahey ee Muuse iyo Wanka, iyagoo dhahaya, “Waxaa weyn oo yaab leh camalladaada, Rabbiyow Illaaha Weynow. Run iyo xaqnimo ayaa jidkaaga ah, Boqorkii quruumahaw.


Waxey ahaayeen ruuxyo wasakh leh kuwaas oo sameynaya calaamado, waxeyna u tagaan boqortooyada aduunka oo dhan si ey iskugu keenaan, dagaalka ey Illaahey la leeyihiin dartiis maalinta weyn ee xukunka Illaaha weyn.


Waxaanna maqlay cod ka imaanaya meesha allabariga oo dhahaya, “Haa, Rabbiga Illaaha ah, kan Weynow, xukunkaagu waa kan runta iyo xaqa ah.”


Afkiisana waxaa kasoo baxay seef af leh oo uu ku weerari rabo quruumaha. “Wuxuu ku xukumi doonaa ul bir ah.” Carada Illaahey Qaadirka waxey u burburin doonaa cadowgiisa sida canabka loogu dhex cadaadiyo meesha canabka lagu shiido.


Kadibna waxaan maqlay wax u cod eg cod dad badan iyo guux weyn oo hirarka badda iyo wax sida onkod oo kale u yeeraya, oo leh, “Halleeluuya! Waayo Illaaha Rabbigeena ah ayaa wax xukuma.


“Fariin u qor malaga kaniisadda Simurna. Kuwani waa ereyada kan horey u jiray iyo kan ugu dambeeyo, kaasoo dhintay oona soo noolaaday.


Wax macbad ah magaaladaas kuma aanan arag, waayo Illaaha Rabbiga Weyn ah iyo Wanka ayaa ah macbadkeeda.


Waxaa kale uuna yiri, “Wey dhamaatay. Anigu waxaan ahay Alfa iyo Oomeega, bilowga iyo dhamaadka. Kuwa haraadsan waxaan hadiyad ahaan uga waraabin doonaa isha biyaha nolosha ah.


Anigu waxaan ahay Alfa iyo Oomeega, kan ugu horeeya iyo kan ugu dambeeya, bilowgii iyo dhamaadkii.”


Afartaas xayawaan mid walba wuxuu lahaa lix baalal oo meel walba ayey indho ku lahaayeen, xitaa baalasha hoostooda ayey indho ku lahaayeen. Habeen iyo maalin waxey yiraahdaan, “ ‘Quduus, quduus, quduus waa Rabbiga Illaaha Qaadirka ah,’ kan jiray, kan jira iyo kan imaan doona.”


Lean sinn:

Sanasan


Sanasan