Biblia Todo Logo
Bìoball air-loidhne

- Sanasan -




Muujintii 1:7 - Ereyga Illaahey Axdiga Cusub

7 “Bal arag wuxuu ku imaanayaa daruuraha,” “sidoo kalana il walba wey arki doontaa isaga, xitaa kuwii isaga waranka ku duray,” oo dadka aduunka oo dhan, “dartiis ayey u murugoon doonaan.” Sidaasna ha ahaato! Aamiin.

Faic an caibideil Dèan lethbhreac

KITAABKA QUDUUSKA AH

7 Bal eega, wuxuu la imanayaa daruuraha, oo waxaa isaga arki doona il kasta iyo kuwii isaga wareemay; oo qabiilooyinka dhulka oo dhammuna isagay u barooran doonaan. Haah, saas ha ahaato. Aamiin.

Faic an caibideil Dèan lethbhreac

Kitaabka Quduuska Ah

7 Bal eega, wuxuu la imanayaa daruuraha, oo waxaa isaga arki doona il kasta iyo kuwii isaga wareemay; oo qabiilooyinka dhulka oo dhammuna isagay u barooran doonaan. Haah, saas ha ahaato. Aamiin.

Faic an caibideil Dèan lethbhreac




Muujintii 1:7
36 Iomraidhean Croise  

Waayo Wiilka Aadanahu wuxuu ku imaan doonaa ammaanta Aabihiis isaga oo ey malaa’igtiisu la socdaan, kadibna qof walba wuxuu ku abaalmarin doonaa wuxuu sameeyay.


“Runtii waxaan idin ku leeyehay, qaar idin ka mid ah oo halkan taagan dhimashada ma arki doonaan illaa inta eysan arkin Wiilka Aadanaha oo boqortooyadiisa ku imaanaya.”


“Kadib calaamada imaanshaha Wiilka Aadanaha ayaa ka muuqan doonta samada. Kadibna dadka dhulka jooga oo dhan wey barooran doonaan markey arkaan Wiilka Aadanaha oo daruuraha cirka dhinacooda ka imaanaya isaga oo awood iyo ammaan weyn leh.


“Markii uu Wiilka Aadanahu ammaantiisa ku yimaado, malaa’igtiisuna ey la socdaan, wuxuu ku fariisan doonaa carshiga ammaantiisa.


Ciise ayaa ugu jawaabay, “Adiga ayaa yiri, laakiin waxaan idin ku leeyahay, hadda laga bilaabo waxaad arki doontaan Wiilka Aadanaha oo fadhiya gacanta midig ee Illaaha awoodda leh kuna imaanaya daruuraha cirka.”


“Waqtigaas dadku waxey arki doonaan Wiilka Aadanaha oo daruuraha ku soo dhex maraya awood weyn iyo ammaan.


Ciise ayaa ku yiri, “Haa waan ahay, mar dhow waxaad arki doontaan Wiilka Aadanaha oo fadhiya gacanta midig ee Illaaha awoodda leh kuna imaanaya daruuraha cirka.”


Markaas ayey dadku arki doonaan Wiilka Aadanaha oo daruur ku imaanaya isaga oo awood weyn iyo ammaan leh.


Laakiin nin askartii ka mid ah ayaa Ciise dhinaca waran kaga duray, isla markii ayaa dhiig iyo biyo kasoo daateen.


Qorniin kalana wuxuu leeyahay, “Dadku waxey fiirin doonaan kan waranka lagu duray.”


Oo aadna u sugeysaan imaanshaha Wiilkiisa kaasoo ka imaanaya samada, kaasoo uu dhimashada kasoo sarakiciyay oona ah Ciise. Isaga ayaa naga badbaadiyay carada imaaneyso.


Kadibna anagan nool oo weli aduunka joogno ayaa si wadajir ah kuwii dhimashada kasoo sarakacay ula wada gali doonnaa daruurta si aan ula kulanno Rabbiga. Kadibna Rabbiga ayaan weligeen la joogi doonaa.


Laakiin waxaa kasii xun ciqaabta kuwa diida Wiilka Illaahey iyo kuwa yasa dhiigga axdiga Illaahey kaasoo quduus naga dhigay. Sidoo kalana waxaa kasii xun qofkii caaya Ruuxa Quduuska ah kaasoo noo keenay nimcada Illaahey.


Kadibna iimaankoodi ayey ka tageen! Suurtagal ma aha in loo ogolaado iney dib u toobadkeenaan, waayo haddana waxey iskutallaabta ku dilayaan Wiilka Illaahey dadka hortooda ayeyna ku ceebeynayaan.


Gacaliyayaalow, waxaan nahay caruurtii Illaahey, laakiin weli ma uusan muujin sida ey ahaan doonto. Laakiin markii uu Masiixu soo laabto, waan garaneynaa inaan noqon doonno sidiisa oo kale, waayo waxaan u arki doonnaa siduu yahay.


Enoog wuxuu ahaa qofkii toddobaad Aadan kadib, wuxuuna dadkan wax ka sii sheegay markii uu yiri. “Bal eega! Rabbigu wuxuu la imaanayaa kumanaan iyo kumanaan malaa’igo quduus ah.


Mid walboo waxyaalahan u marqaatifuraya ha dhaho, “Haa mar dhow ayaan imaanayaa.” Aamiin. Kaalay, Sayid Ciisow.


Waxeyna arki doonaan wejigiisa, magaciisa ayaana lagu qori doonaa wejigooda.


Lean sinn:

Sanasan


Sanasan