Biblia Todo Logo
Bìoball air-loidhne

- Sanasan -




Muujintii 1:5 - Ereyga Illaahey Axdiga Cusub

5 Taas oo ka socota Ciise Masiix oo ah marqaatiga aaminka ah, kan ah midka ugu horeeya ee dhimashada kasoo sarakacay, iyo taliyaha boqorrada aduunka. Kaasoo na jeclaaday oo dhiigiisi nagaga xoreeyay dembiyadeena,

Faic an caibideil Dèan lethbhreac

KITAABKA QUDUUSKA AH

5 iyo xagga Ciise Masiix oo ah markhaatiga aaminka ah, iyo curadka kuwii dhintay, iyo amiirka boqorrada dhulka. Kan ina jecel oo dembiyadeenna dhiiggiisa inagaga furay,

Faic an caibideil Dèan lethbhreac

Kitaabka Quduuska Ah

5 iyo xagga Ciise Masiix oo ah markhaatiga aaminka ah, iyo curadka kuwii dhintay, iyo amiirka boqorrada dhulka. Kan ina jecel oo dembiyadeenna dhiiggiisa inagaga furay,

Faic an caibideil Dèan lethbhreac




Muujintii 1:5
53 Iomraidhean Croise  

Sida uusan Wiilka Aadanahu ugu imaan in loo adeego, laakiin inuu adeego, iyo inuu naftiisa u huro si uu kuwo badan u badbaadiyo.”


Markaas ayuu Ciise iyagii u yimid oo ku yiri, “Awood oo dhan ayaa samada iyo dhulka la iga siiyay.


Iiddii Kormaridda ka hor, Ciise wuu ogaa in waqtigii uu aduunkan ka tagi lahaa oo Aabaha u tagi lahaa la gaaray. Siduu u jeclaa xertiisi dunidan joogtay, ayuu u jeclaa illaa dhamaadkii.


“Waxaan idin siinayaa amar cusub. Is jeclaada, sida aan idinka idiin jeclaaday, sidaa darteed waa inaad is jeclaataan.


“Sida Aabuhu ii jeclaaday ayaan aniguna idiin jeclaaday. Haddaba ku jira jeceylkeyga.


Markaas ayaa Bilaatos ku yiri Ciise, “Marka boqor ayaad tahay!” Ciise ayaa ugu jawaabay, “Waad dhahday boqor ayaad tahay. Taas ayaan u dhashay oo xitaa aan dunidan u imid inaan u marqaatifuro runta. Kuwa runta jacel wey ogyihiin inaan runta ka hadlayo.”


Runtii waxaan ku leeyahay, waxaan ka hadleynaa wax aan garaneyno, waxaanna u marqaatifurnaa waxaan aragnay, laakiin weli indinku ma eydan aaminin marqaatifur keena.


Waayo Illaahey intuu aduunka jaceyl u qabay darteed ayuu siiyay Wiilkiisa kaliga ah, si mid walboo isaga aaminaa uusan u lumin laakiin uu u helo nolosha weligeed ah.


Wuxuu ka marqaatifuraa waxyaalaha uu arkay uuna maqlay, laakiin qofna marqaatifurkiisa ma aqbalin.


Is ilaaliya dadka kalana ilaaliya, waayo Ruuxa Quduuska ah ayaa idin ka dhigay ilaaliye. Noqda arijirka kaniisadda Illaahey, taas oo uu dhiigiisa ku soo iibsaday.


Masiixa wuu silci doonaa oo wuxuu noqon doonaa kii ugu horeeyay ee dhimashada kasoo sarakacay, si uu dadkiisa iyo dadka aan Yuhuudda ahayn iftiin ugu keeno.”


Waayo Illaahey wuxuu soo diray Ciise si uu noogu noqdo allabariga dembidhaafka. Dadka waxaa xaq laga dhigaa markey aaminaan in Ciise iyaga u bixiyay naftiisa isaga oo dhiigiisa daadiyay. Illaaheyna wuxuu sidan u sameeyay si uu u muujiyo xaqnimadiisa markii uu samray oo uusan ciqaabin kuwii horey u dembaabay.


Waxyaalahan oo dhan waxaan uga guuleysanay jaceylka Masiixa.


Waayo qaarkiin kuwaas ayaad ahaydeen. Laakiin hadda magaca Sayidkeena Ciise Masiix iyo xoogga Ruuxa Illaahey ayaa idin nadiifiyay, oo idin ka dhigay xaq iyo kuwo Illaahey hortiisa laga ogolaaday.


Waxaa iskutallaabta la igula qodbay Masiixa sidaa darteed ma isu nooli, laakiin Ciise ayaa igu dhex nool. Nolosha aan hadda ku noolahay, waxaan ku noolahay iimaanka aan saartay Wiilka Illaahey dartiis. Kaasoo i jeclaaday oo darteyda isu bixiyay.


Laakiin jaceylka weyn ee uu inoo qabo dartiis Illaaheyga naxariista badan


Ku noolaada jaceyl sidii uu Masiixuba inoo jeclaaday oo uuna naftiisa noogu bixiyay isaga oo ah qurbaan carfaya iyo allabari Illaahey raali galiya.


Masiixu waa madaxa kaniisadda, taas oo ah jirkiisa. Isagu waa bilowgii iyo curadka kuwii dhintay, sida uu wax walba uga sareeyo.


Waxaan kugu amrayaa inaad ballan ku qaado Illaaha wax walba nooleeya hortiisa iyo Ciise Masiix hortiisa kaasoo iimaankiisa si cad ugu hor qirtay Bontiyos Bilaatos.


Waayo waqtiga ku haboon ayuu Illaaha ku keeni doonaa, kan barakeysan iyo taliyaha kaliya Boqorka boqorrada, Sayidka sayidyada.


Laakiin waxaa kasii xun ciqaabta kuwa diida Wiilka Illaahey iyo kuwa yasa dhiigga axdiga Illaahey kaasoo quduus naga dhigay. Sidoo kalana waxaa kasii xun qofkii caaya Ruuxa Quduuska ah kaasoo noo keenay nimcada Illaahey.


Intee ka badan ayuu dhiiga Masiixa kaasoo Ruuxa daa’iimka ah jirkiisa Illaahey ugu bixiyay sidii qurbaan aan iin lahayn. Kaasoo maankeena ka nadiifin kara waxyaalaha dhimashada keena, si aan ugu adeegno Illaaha nool.


Laakiin waxaa la idin ku madax furtay dhiigga Masiixa oo qiimo leh, Wan aan xumaan ama cilad lahayn.


Laakiin haddii aan nuurka ku nool nahay, siduu Illaah nuurka ugu jiro, markaas wehelnimo ayaan isla wadaagnaa, oo dhiigga Wiilkiisa Ciise, wuxuu naga nadiifiyaa dembi oo dhan.


Jaceylka dhabta ah ma aha jaceylka aan u qabno Illaah, laakiin waa jaceylka uu noo qabo. Illaah wuxuu soo diray Wiilkiisa si uu u noqdo allabari kafaaragudka ah ee dembiyadeena lagu cafiyo.


Malagii toddobaad ayaa ka dhawaajiyay buunkiisi, cod weyn ayaana ka dhawaaqay xagga samada isaga oo dhahaya, “Boqortooyada aduunku waxey noqotay, boqortooyada Rabbigeena iyo tan Masiixiisa, weligiis ayuuna taliye ahaan doonaa.”


Waxaanna dooran doonaa labadeyda marqaati kuwaas oo wax sii sheegi doona 1,260 maalmood iyagoo gashan jawaan.”


Iyaguna waxey la dagaalami doonaan Wanka, laakiin Wanku wuu ka guuleysan doonaa waayo isagu waa Sayidka sayidyada iyo Boqorka boqorrada. Waxaa la jiri doona kuwiisa aaminka ah ee uu doortay una yeeray.”


Waxaan arkay samada oo furan oo horteydana waxaa taagnaa faras cad, kaasoo midka wada lagu magacaabay midka aaminka iyo runta ah. Si xaqnimo ayuuna ku xukumaa si xaq ah ayuuna u dagaalamaa.


Dharkiisa iyo bowdadiisa waxaa ku qoran magacan. Boqorka Boqorrada iyo Sayidka Sayidyada.


Waan ogahay halka aad degantihiin, halkaas oo Shaydaanku carshi ku leeyahay. Inkastoo ey sidaas tahayna magaceyga waad xijiseen. Iimaanka kama eydan tagin xitaa maalmihii Antibas kaasoo ahaa marqaatigeyga aaminka ah oo lagu dilay magaaladiina halkaas oo Shaydaanku ku noolaa.


“Fariin u qor malaga kaniisadda La’odikiya. Kuwani waa ereyada kan runta sheega, kan aaminka ah iyo kan marqaatifurka runta ah, taliyaha abuurkii Illaahey.


Aniguna waxaan ugu jawaabay, “Mudane waad garaneysaa.” Wuxuu igu yiri, “Kuwaas waa kuwii silaca weyn soo maray. Waxey dharkooda ku dhaqeen dhiigga Wanka kaasoo iyaga ka dhigay caddaan.


Lean sinn:

Sanasan


Sanasan