Biblia Todo Logo
Bìoball air-loidhne

- Sanasan -




Muujintii 1:1 - Ereyga Illaahey Axdiga Cusub

1 Tani waa muujin ka timid Ciise Masiix, taas oo Illaahey siiyay inuu tuso adeegihiisa waxyaalaha mar dhow dhici doona. Wuxuu soo diray malag si uu muujintaan ugu keeno adeegihiisa Yooxanaa.

Faic an caibideil Dèan lethbhreac

KITAABKA QUDUUSKA AH

1 Tanu waa muujintii Ciise Masiix oo Ilaah isaga siiyey inuu tuso addoommadiisa waxyaalaha waajibka ah inay dhowaan dhacaan. Oo isagu wuxuu taas tusay addoonkiisii Yooxanaa isagoo malaa'igtiisa u soo diraya isaga,

Faic an caibideil Dèan lethbhreac

Kitaabka Quduuska Ah

1 Tanu waa muujintii Ciise Masiix oo Ilaah isaga siiyey inuu tuso addoommadiisa waxyaalaha waajibka ah inay dhowaan dhacaan. Oo isagu wuxuu taas tusay addoonkiisii Yooxanaa isagoo malaa'igtiisa u soo diraya isaga,

Faic an caibideil Dèan lethbhreac




Muujintii 1:1
30 Iomraidhean Croise  

Waayo anigu amarkeyga kuma hadlin, laakiin Aabahay ayaa isoo diray oo igu amray waxyaalahan aan ku hadlay oo dhan.


Ma idin kugu yeerayo adeegayaal, waayo adeeguhu ma garanayo shaqada sayidkiisa. Haddaba waxaad tihiin saaxiibadey, waayo waxyaalihii aan Aabahay ka bartay oo dhan waan idiin sheegay.


Waayo waxaan iyaga siiyay ereyga aad i siisay oo weyna aqbaleen. Runtii wey garteen inaan xaggaaga ka imid, weyna aamineen inaad aniga isoo dirtay.


Wuxuu ka marqaatifuraa waxyaalaha uu arkay uuna maqlay, laakiin qofna marqaatifurkiisa ma aqbalin.


Waxyaalo badan ayaan idinku dhihi karaa si aan idiin xukumo. Laakiin kan isoo diray waa mid aamin ah, waxaan isaga ka maqlay ayaan u sheegayaa dadka dunidan.”


Aan Illaahey wada ammaanno! Kaasoo awoodda inuu idinku xoogeeyo warka wanaagsan ee aan wacdinayo, kaasoo ah warka ku saabsan Ciise Masiix. Waayo waqti dheer ayaa warkan la qarinayay,


Mana ka helin xagga dadka, mana la i barin, laakiin muujinta Ciise Masiix ayaan ka helay.


Sidii aan horey idiin kugu soo qorayba Illaahey ayaa qorshihiisa la yaabka leh iigu muujiyay.


Warqaddan waxey ka socotaa aniga oo ah Bawlos, ahna adeegaha Illaahey iyo rasuulkii Ciise Masiix. Waxaa la ii soo diray inaan u wacdiyo iimaanka kuwa Illaahey doortay, oo aan baro iney ogaadaan runta taas oo ku hogaamineysa nolosha Illaahey ka farxisa.


“Sidaa darteed qor waxyaalaha aad aragtay, waxa hadda jira iyo waxa dhici doona.


Aniga oo ah Yooxanaa, walaalkiin iyo midki idin kala qeyb qaatay dhibaatada iyo boqortooyada iyo dulqaadashada Ciise, waxaan joogay jasiiradda Batmos aniga oo wacdinaya ereyga Illaahey oo Ciisana u marqaatifuraya.


Mid ka mid ah toddobadii malaa’ig ee heysay toddobada baaquli ayaa ii imaaday oo igu yiri, “Kaalay, waxaan ku tusi doonaa ciqaabta tan jirka ka ganacsata taas oo u talisa biyo badan.


Kadibna intaan sujuuday ayaan isaga caabuday, laakiin wuxuu igu yiri, “Maya, ha i caabudin. Anigu waxaan ahay adeegaha Illaahey, sida adiga iyo walaalahaa kuwaas oo u marqaatifuraya wax ku saabsan iimaanka ey Ciise ku qabaan. Illaahey kaliya caabud. Waayo ruuxa wax sii sheegida waa inuu marqaatifur cad oo ku saabsan Ciise bixisaa.”


Kadibna malagii wuxuu igu yiri, “Arintan qor. Waxaa barakeysan kuwa laga casuumay dabaaldegga arooska Wanka.” Wuxuuna ku daray, “Kuwani waa ereyada runta ah ee Illaahey ka yimid.”


Waxaanna arkay magaalada quduuska ah, Yeruusaalem cusub taas oo samada xagga Illaahey ka imaaneyso, iyadoo u diyaarsan sida aroosad oona u labisan ninkeeda.


Mid ka mid ah toddobadii malaa’ig ee hayay toddobada baaquli oo ey balaayada ka buuxday ayaa yimid oo igu yiri, “Kaalay, aan ku tusee aroosada, xaaskii Wanka.”


Kadib malagii wuxuu i tusay webi biyo nolol ah leh, kaasoo sida muraayad u cad, wuxuuna kasoo qulqulayay xagga carshiga Illaahey iyo xagga Wanka.


“Aniga oo ah Ciise, waxaan idiin soo diray malageyga si uu idiin siiyo marqaatifurkaan kaniisadda darteed. Waxaan ahay xididka iyo farcanka Daa’uud, waxaan ahay xiddigii waaberi ee dhalaalayay.”


Malagii ayaa igu yiri, “Ereyadan waa kuwo lagu kalsoon yahay oo run ah, Illaahii ruuxyada nebiyada dhiirigeliyay ayaa malagiisi soo diray si uu u tuso adeegihiisa waxyaalaha mar dhow dhici doona.”


Aniga Yooxanaa ah ayaa maqlay oona arkay waxyaalahan oo dhan. Markaan arkay oona maqlay ayaan ku dhacay lugaha malagii waxyaalahan i tusayay oo aan caabuday.


Laakiin wuxuu igu yiri, “Bal sidan ha sameynin! Waxaan ahay adeege sidaada oo kale iyo sida nebiyada iyo kuwo walboo xajiya ereyga ku qoran buuggan. Illaahey kaliya caabud!”


Waxyaalahan kadib waxaan helay muujin waxaanna samada ka arkay albaab furan. Codkii aan markii hore maqlay ayaa ila hadlay sida buun isaga oo dhahaya, “Kaalay halkan, waxaan ku tusi doonaa waxa dhaci doona waxyaalahan kadib.”


Wuu tagay oo wuxuu buugga kasoo qaaday gacanta midigta ee kan carshiga ku fadhiya.


Lean sinn:

Sanasan


Sanasan