Biblia Todo Logo
Bìoball air-loidhne

- Sanasan -




Matayos 10:4 - Ereyga Illaahey Axdiga Cusub

4 Simoon oo loo yaqaanay Qiiroole iyo Yuudas Iskariyod, kii gacangeliyay Ciise.

Faic an caibideil Dèan lethbhreac

KITAABKA QUDUUSKA AH

4 iyo Simoon reer Kaana, iyo Yuudas Iskariyod, kii gacangeliyey.

Faic an caibideil Dèan lethbhreac

Kitaabka Quduuska Ah

4 iyo Simoon reer Kaana, iyo Yuudas Iskariyod, kii gacangeliyey.

Faic an caibideil Dèan lethbhreac




Matayos 10:4
19 Iomraidhean Croise  

Kadib mid ka mid ah laba iyo tobankii xerta Ciise oo magaciisa la yiraahdo Yuudas Iskariyod ayaa u tagay gudoomiyayaashii wadaaddada


Waxaa la joogay waqtigii cashada la cuni lahaa, ibliiskiina mar hore ayuu Yuudas Iskariyod qalbigiisa galay, kii ahaa ina Simoon Iskariyod kaasoo Ciise gacangelin doona.


Ciise wuxuu ka hadlayay Yuudas ina Simoon Iskariyod. Mid laba iyo tobankii xertiisa ahayd ka tirsanaa, kaasoo gacangelin doona.


Ciise oo weli sii hadlaya ayaa Yuudas kii gacangelin lahaa yimaaday. Wuxuu ka mid ahaa laba iyo tobankii xerta Ciise. Waxaa isaga la socday niman badan oo hubeysan oo wata seefo iyo ulo, waxaana soo diray gudoomiyayaasha wadaaddada, macalimiinta sharciga iyo odayaasha.


Ciise oo weli hadlaya ayaa waxaa yimid Yuudas oo laba iyo tobankii xerta ahaa ka mid ah, waxaana la socday dad badan oo ku hubeysan seefo iyo ulo, oo ey soo direen gudoomiyayaasha wadaaddada iyo odayaasha.


Intuu weli hadlayay ayaa waxaa yimid dad badan, waxaana hogaaminayay Yuudas, mid ka mid ah laba iyo tobankii xerta ahaa. Wuxuu u soo dhawaaday Ciise oona dhunkaday.


Markaas ayuu Shaydaanku galay Yuudas, kaasoo lagu magacaabi jiray Iskariyod, wuxuuna ka mid ahaa laba iyo tobankii xerta Ciise.


Kadib Yuudas Iskariyod oo ka mid ah laba iyo tobankii xerta Ciise, ayaa u tagay gudoomiyayaashii wadaaddada si uu u soo gacangeliyo Ciise.


Yuudas kii khiyaanay markii uu arkay in Ciise dil lagu xukumay, wuu ka shalaayay wuxuu sameeyay, wuxuuna gudoomiyayaashii wadaaddada iyo odayaashii u celiyay sodonkii shilin ee qalinka ahaa.


inuu sii wado shaqadan rasuulnimada, taas oo Yuudas ka tagay oo uuna aaday meeshii uu u qalmay.”


Markey yimaadeen, waxey galeen qol ku yaalay qeybta sare ee guriga. Rasuulladii meeshaas joogay waxey kala ahaayeen, Butros, Yooxanaa, Yacquub iyo Andaros, Filibos iyo Toomas, Bartolomayos iyo Matayos, Yacquub ina Alfayos, Simoon kii loo yaqaanay qiroole iyo Yuudas ina Yacquub.


“Sidaad ogtihiin Iidda Kormaridda waxaa ka dhiman laba maalin, Wiilka Aadanahana waa la gacangelin doonaa si iskutallaabta loogu qodbo.”


wuxuuna weydiiyay, “Haddaan idiin soo gacangeliyo Ciise meeqa ayaad i siineysaan?” Markaas ayey siiyeen soddon shilin oo qalin ah.


Laakiin qaarkiin ima aaminin weli.” Maxaa yeelay Ciise horey ayuu u ogaa kan aan aamini doonin iyo kan isaga gacangelin doona.


Lean sinn:

Sanasan


Sanasan