Biblia Todo Logo
Bìoball air-loidhne

- Sanasan -




Matayos 10:2 - Ereyga Illaahey Axdiga Cusub

2 Laba iyo tobanka rasuulna magacyadoodu waxey ahaayeen, kan ugu horeeya waa Simoon oo Butros loo yaqaanay, iyo walaalkiis Andaros. Yacquub ina Sebedi, iyo walaalkiis Yooxanaa.

Faic an caibideil Dèan lethbhreac

KITAABKA QUDUUSKA AH

2 Laba-iyo-tobanka rasuul magacyadoodu waa kuwan, Kan ugu horreeyaa waa Simoon, kan Butros la odhan jiray, iyo walaalkiis Andaros, iyo Yacquub ina Sebedi, iyo walaalkiis Yooxanaa,

Faic an caibideil Dèan lethbhreac

Kitaabka Quduuska Ah

2 Laba-iyo-tobanka rasuul magacyadoodu waa kuwan, Kan ugu horreeyaa waa Simoon, kan Butros la odhan jiray, iyo walaalkiis Andaros, iyo Yacquub ina Sebedi, iyo walaalkiis Yooxanaa,

Faic an caibideil Dèan lethbhreac




Matayos 10:2
44 Iomraidhean Croise  

Markey yimaadeen, waxey galeen qol ku yaalay qeybta sare ee guriga. Rasuulladii meeshaas joogay waxey kala ahaayeen, Butros, Yooxanaa, Yacquub iyo Andaros, Filibos iyo Toomas, Bartolomayos iyo Matayos, Yacquub ina Alfayos, Simoon kii loo yaqaanay qiroole iyo Yuudas ina Yacquub.


Markii uu meeshaas ka tagay wuxuu arkay laba kale oo walaalo ah, waxeyna kala ahaayeen Yacquub ina Sebedi iyo walaalkiis Yooxanaa. Waxey aabahood la saarnaayeen doon waxeyna hagaajinayeen shabaagyadooda. Ciise ayaa iyagana sidoo kale u yeeray,


Filibosna wuu tagay oo u soo sheegay Andaros weyna isla tageen oo waxey u soo sheegeen Ciise.


Mid xertii ka tirsanaa oo ah Andaros oo Simoon Butros walaalkiis ahaa ayaa yiri,


sidoo kale Yacquub iyo Yooxanaa wiilashii Sebedi kuwii Simoon shirkad la ahaa. Kadib Ciise ayaa ku yiri Simoon, “Ha cabsan, waayo maanta laga bilaabo dadka ayaad jillaaban doontaa.”


Ciise oo ag maraya badda Galili ayaa arkay laba walaalo ah, mid wuxuu ahaa Simoon oo loo yaqaanay Butros kan kalana wuxuu ahaa Andaros. Waxey badda ku tuurayeen shabaag waayo waxey ahaayeen kalluumaysato.


Sababtan darteed, Illaaheygii xigmadda lahaa wuxuu dhahay, ‘Waxaan u soo diri doonaa nebiyo iyo rasuullo, qaar ayey dilayaan oo kuwa kalana wey silcin doonaan.’


Aniga oo ah Yooxanaa, walaalkiin iyo midki idin kala qeyb qaatay dhibaatada iyo boqortooyada iyo dulqaadashada Ciise, waxaan joogay jasiiradda Batmos aniga oo wacdinaya ereyga Illaahey oo Ciisana u marqaatifuraya.


Warqaddan waxey ka socotaa Yooxanaa, oo ah oday. Waxaan u qorayaa marwada la doortay iyo caruurteeda, oo aan runta ku jeclahay sida kuwa kale oo runta yaqaan oo dhan.


Warqaddan waxey ka socotaa Simoon Butros, adeegihii iyo rasuulkii Ciise Masiix. Waxaan u qorayaa idinkan wadaaga isla iimaanka qaaliga ah ee aan anaguna haysano. Iimaankan waxaa la idin ku siiyay xaqnimada Illaaheena iyo badbaadiyaheena Ciise Masiix darteed.


Warqaddan waxey ka socotaa Butros, kaasoo ah rasuulka Ciise Masiix. Waxaan warqaddan u qorayaa dadka Illaahey doortay ee shisheeyaha ah oona ku nool gobolka Bontos, Galatiya, Kabbadokiya, Aasiya iyo Bituniya.


Haddaba walaalaheyga quduuska ahaw, kuwiina wadaaga wacitaanka samada, fikradihiina saarta Ciise, kaasoo aan u aqoonsanahay inuu yahay rasuulkeena iyo wadaadkeena sare!


Haddaba Masiixa ayaa u doortay qaar naga mida iney noqdaan rasuullo, nebiyo, tabliiq, wadaaddo iyo macalimiin.


Kadibna wuxuu u muuqday Yacquub iyo rasuulladoo dhan.


Wuxuu amray in madaxa laga jaro Yacquub oo ahaa Yooxanaa walaalkiis.


Maalin ayaa Butros iyo Yooxanaa macbadka u socdeen si ey ugu soo duceystaan waqtiguna wuxuu ahaa sagaal saac oo galabnimo.


Kadib qori tuur ayey sameeyeen, wuxuuna ku dhacay Matiyas, sidaa darteedna waxaa lagu daray kow iyo tobankii rasuul.


Kani waa kii xerta ahaa ee waxyaalahan u marqaatifuray, kaasoo waxyaalahan qoray, waana ognahay in wixii uu yiri run yihiin.


Butros markii uu jeestay wuxuu arkay ninkii xerta ahaa ee uu Ciise jeclaa inuu iyaga soo daba socdo. Kani waa ninkii xerta ahaa ee Ciise ku tiirsanaa maalintii cashada ugu dambeysay oo isagu weydiiyay, “Rabbiyow yaa ku gacangelin doona?”


Waxaa wada joogay Simoon Butros, Toomas kii loogu wici jiray Didumos, Nataana’el oo ka yimid Kaana taas oo ku taalay Galili, iyo wiilashii Sebedi iyo laba kale oo xertiisa ahaa.


Markaas ayey iyadoo ordeysa u timid Simoon Butros iyo nin kale oo xerta ka mid ahaa oo uu Ciise jeclaa waxeyna ku tiri, “Sayidkii wey ka dhex qaateen xabaasha, mana garaneyno halka ey dhigeen.”


Mid xertii ka mid ahaa oo Ciise aad u jeclaa ayaa agtiisa fadhiyay.


Markii waqtigii cashada la gaaray, Ciise wuxuu la fariistay rasuulladii.


Markaas ayuu Ciise ku yiri Butros iyo Yooxanaa, “Taga oo noo diyaariya cashada Dabaaldega Iidda Kormaridda.”


Rasuulladii markey soo laabteen, Ciise ayey u sheegeen waxyaalihii ey soo sameeyeen oo dhan. Markaas ayuu iyagii watay oo waxey aadeen magaaladii Beytsayda,


Kadib Ciise oo dul fadhiya buur Saytuun taas oo kasoo hor jeeda macbadka, ayaa Butros, Yacquub, Yooxanaa iyo Andaros gooni ahaan u weydiiyeen,


Haddaba markii uu Ciise ka tagay sunagogga isaga oo ey la socdaan Yacquub iyo Yooxanaa ayaa waxey tageen guriga Simoon iyo Andaros.


Wuxuu sii watey Butros iyo labadii walaal ee ahaa wiilashii Sebedi, murugo iyo dhibaato ayaana ka muuqatay.


Kadib waxaa Ciise u yimid wiilashii Sebedi hooyadood oo ey wiilasheedi la socdaan, weyna u sujuuday iyadoo wax ka baryaysa.


Lix maalmood kadib Ciise wuxuu kaxaystay Butros, Yacquub iyo Yooxanaa oo ahaa Yacquub walaalkiis, wuxuuna geeyay buur dheer korkeed halkaas oo ey kaligood ku ahaayeen.


Aniga Yooxanaa ah ayaa maqlay oona arkay waxyaalahan oo dhan. Markaan arkay oona maqlay ayaan ku dhacay lugaha malagii waxyaalahan i tusayay oo aan caabuday.


Tani waa muujin ka timid Ciise Masiix, taas oo Illaahey siiyay inuu tuso adeegihiisa waxyaalaha mar dhow dhici doona. Wuxuu soo diray malag si uu muujintaan ugu keeno adeegihiisa Yooxanaa.


Warqaddan waxey ka socotaa Yooxanaa oo oday ah. Waxaan warqaddan u qorayaa Gayos, oo ah saaxiibkeyga qaaliga ah oo aan runtii jeclahay.


“Samooyinkow ku farxa waxa iyada ku dhacay! Dadka Illaahey idinkana ku farxa! Rasuullada iyo nebiyadow idinkuna farxa! Waayo Illaahey wuxuu xukumay iyada xukunkii ey isu keentay.”


Rasuulladii ayaa Ciise kusoo ag ururay oo u sheegay waxyaalihii ey soo sameeyeen iyo wixii ey dadka bareen.


Markaas ayuu Ciise weydiiyay laba iyo tobankii xertiisa ahaa oo ku yiri, “Idinkuna ma tagi rabtaan?”


Kadib Ciise ayaa xertiisi ku yiri, “Aniga ayaa idinkan laba iyo tobanka ah idin doortay laakiin mid idin ka mid ah waa ibliis!”


Ciise wuxuu ka hadlayay Yuudas ina Simoon Iskariyod. Mid laba iyo tobankii xertiisa ahayd ka tirsanaa, kaasoo gacangelin doona.


Lean sinn:

Sanasan


Sanasan