Biblia Todo Logo
Bìoball air-loidhne

- Sanasan -




Matayos 10:1 - Ereyga Illaahey Axdiga Cusub

1 Ciise ayaa iskugu yeeray laba iyo tobankii xertiisa ahaa wuxuuna siiyay awood ey ruuxyada wasakhda leh ku saaraan kuna bogsiiyaan cudur walba iyo xanuun walba.

Faic an caibideil Dèan lethbhreac

KITAABKA QUDUUSKA AH

1 Markaasuu wuxuu u yeedhay laba-iyo-tobankii xertiisa ahaa oo wuxuu siiyey amar ay jinniyo wasakh leh ku saaraan oo ay bugto walba iyo cudur walba ku bogsiiyaan.

Faic an caibideil Dèan lethbhreac

Kitaabka Quduuska Ah

1 Markaasuu wuxuu u yeedhay laba-iyo-tobankii xertiisa ahaa oo wuxuu siiyey amar ay jinniyo wasakh leh ku saaraan oo ay bugto walba iyo cudur walba ku bogsiiyaan.

Faic an caibideil Dèan lethbhreac




Matayos 10:1
26 Iomraidhean Croise  

Bal fiiriya, waxaan idin siiyay awood ka sareysa xoogga cadowgiina, waxaad dhex soconeysaan masas iyo dibqalloocyo midna wax idin ma yeeli doono.


Waxaana idiin soo diri doonaa Ruuxa Quduuska ah siduu Aabahay iga ballan qaaday, laakiin magaalada Yeruusaalem jooga illaa awood samada idin kaga timaado.”


Laakiin waxaad heli doontaan awood markii uu Ruuxa Quduuska ah idin ku soo dul dago, waxaadna iiga dhex marqaatifuri doontaan Yeruusaalem, Yahuudiya oo dhan iyo Samaariya iyo meel walboo aduunka ka mid ah.”


Yooxanaa ayaa ugu jawaabay, “Qofna wax ma heli karo haddaan samada laga siinin.


Subixii markii la gaaray, xertiisi oo dhan ayuu iskugu yeeray oo ka doortay laba iyo toban nin kana dhigay rasuullo.


Waayo waxaan idin siin doonaa xigmad aad ku garataan waxaad dhahdaan, cadowgiinuna idin kuma heli doono hadal is qilaafsan.


Laakiin ruuxii xun ayaa ku yiri, “Ciise waan garanayaa, Bawlosna waan garanayaa, laakiin idinku yaa tihiin?”


Waayo waxaad siisay awood ka sareysa dadka oo dhan, si uu nolosha weligeed ah u siiyo mid walba ee aad isaga siisay.


Kadib Ciise ayaa xertiisi ku yiri, “Aniga ayaa idinkan laba iyo tobanka ah idin doortay laakiin mid idin ka mid ah waa ibliis!”


Waayo Aabuhu wuxuu jecel yahay Wiilka wax walbana gacantiis ayuu geliyay.


Calaamad weyn ayaana ka muuqatay samada, waxaan arkay naag gashan qorax oo dayaxuna lugaheeda ku hoos jiro, qabtana taaj toban iyo laba xiddig leh.


Ciise oo weli hadlaya ayaa waxaa yimid Yuudas oo laba iyo tobankii xerta ahaa ka mid ah, waxaana la socday dad badan oo ku hubeysan seefo iyo ulo, oo ey soo direen gudoomiyayaasha wadaaddada iyo odayaasha.


Markii fiidkii la gaaray, Ciise oo la fadhiya laba iyo tobankii xerta ahaa miiskii cashada,


Ciise ayaa ku jawaabay, “Runtii waxaan idin ku leeyahay, marka wax walba la cusbooneysiinayo, oo uu Wiilka Aadanahu carshigiisa ammaanta leh ku fadhiyo, kuwiinan isoo raacay waxaad sidoo kale ku fariisan doontaan laba iyo toban carshi, idinka oo xukumaya laba iyo tobanka qabiil ee reer binu Israa’iil.


Jarribaadda ha noo kaxayn, laakiin sharka naga badbaadi, waayo boqortooyada, xoogga iyo ammaanta adiga ayaa leh weligaa. Aamiin.’


Ciise wuxuu dhex maray Galili oo dhan, isaga oo sunagogyadooda wax ku baraya oo ku wacdinaya warka wanaagsan ee boqortooyada Illaah, bogsiinayana cudur walba ee dadka dhexdooda ka jiray.


Ciise wuxuu dhex maray magaalo walba iyo tuulo walba, isaga oo sunagogyadooda wax ku baraya oo ku wacdinaya warka wanaagsan ee boqortooyada Illaah wuxuuna bogsiinayay cudur walba iyo xanuun walba.


Haddaba Sayidka beer gooyska weydiista inuu shaqaale badan beertiisa u soo diro.”


Lean sinn:

Sanasan


Sanasan