Biblia Todo Logo
Bìoball air-loidhne

- Sanasan -




Markos 3:3 - Ereyga Illaahey Axdiga Cusub

3 Markaas ayuu Ciise ku yiri ninkii gacanta curyaanka ka ahaa, “Kac oo dadka oo dhan soo hor istaag.”

Faic an caibideil Dèan lethbhreac

KITAABKA QUDUUSKA AH

3 Kolkaasuu ninkii gacanta engegnaa ku yidhi, Dhexda isa soo taag.

Faic an caibideil Dèan lethbhreac

Marko 1915 Yohana 1929 (Ogaden-Harti Somali)

3 Waẖu kuyiri ninki gaa̱nta nafada ka aha: Jogso ḋaẖda.

Faic an caibideil Dèan lethbhreac

Kitaabka Quduuska Ah

3 Kolkaasuu ninkii gacanta engegnaa ku yidhi, Dhexda isa soo taag.

Faic an caibideil Dèan lethbhreac




Markos 3:3
12 Iomraidhean Croise  

waxaana halkaas joogay nin gacanta curyaan ka ahaa. Qaar Farrisiinta ka mid ah oo Ciise sabab ey ku dacweeyaan raadinaya ayaa weydiiyay, “Miyay banaantahay in Sabtida wax la bogsiiyo?”


Farrisiintii waxey raadinayeen marmarsiyo ey Ciise ku dacweeyaan, waxey fiirinayeen inuu Ciise maalinta Sabtida ah qof bogsiiyo.


Kadibna Ciise ayaa iyaga weydiiyay, “Maalinta Sabtida ah sharcigeena muxuu noo ogolaadaa inaan sameyno? In wax wanaagsan la sameeyo ama wax xun, in nolol la badbaadiyo ama in la dilo?” Markaas ayey wada aamuseen.


Laakiin Ciise wuu ogaa waxey ku fikirayeen, markaas ayuu ku yiri ninkii gacanta curyaanka ka ahaa, “kac oo dadkoo dhan soo hor istaag.” Isla markiiba ninkii wuu kacay oo meeshii istaagay.


Intey weli maalin tahay waa inaan sameyno shaqada kan isoo diray. Habeen ayaa soo socdaa, waqti uusan qofna shaqeyn karin.


Sidaa darteed walaalayaalow iimaankiina ku adkaada, waxna yeysan Illaahey idin ka fogeynin, mar walbana shaqada Rabbiga sameeya. Waayo waad garaneysaan in shaqadiisu tahay muhiim.


Bal yaanan ka daalin inaan waxyaalo wanaagsan sameyno, waayo waqti fiican ayaan abuurka guran doonaa haddii aanan qalbi jabin.


Xabsiga la i geliyay dartiis ayaa walaalo badan ku heleen kalsooni ey ku wacdiyaan fariinta Illaahey iyagoon cabsaneynin.


Sidaa darteed, sida uu Masiixu ugu silcay jirkiisi, sidoo kale idinkuna fikradaas lahaada, waayo mid walboo silac mara, wuu dhaafay inuu dembaabo.


Lean sinn:

Sanasan


Sanasan