Biblia Todo Logo
Bìoball air-loidhne

- Sanasan -




Filemon 1:6 - Ereyga Illaahey Axdiga Cusub

6 Waxaan Illaahey ka baryayaa in wehelmida wadashaqeynta ee iimaanka inuu lahaado saameyn ku xiran fahanka waxyaalaha wanaagsan ee aan ku wadaagno Masiixa dartiis.

Faic an caibideil Dèan lethbhreac

KITAABKA QUDUUSKA AH

6 Oo waxaan baryayaa in wadaagidda iimaankaagu uu socodsiiyo aqoonta wax kasta oo wanaagsan oo inoogu jira Masiixa.

Faic an caibideil Dèan lethbhreac

Kitaabka Quduuska Ah

6 Oo waxaan baryayaa in wadaagidda iimaankaagu uu socodsiiyo aqoonta wax kasta oo wanaagsan oo inoogu jira Masiixa.

Faic an caibideil Dèan lethbhreac




Filemon 1:6
18 Iomraidhean Croise  

Ninkii shanta kiishad ee dahabka ah la siiyay isla markiiba wuu tagay oo ku shaqeeyay lacagtii waxeyna dhashay shan kiishad oo kale.


Sidaa si la mid ah, iftiinkiinu dadka hortooda ha ka iftiimo, si ey camalladiina wanaagsan u arkaan oo ey u ammaanaan Aabihiinna jannada ku jira.


Waayo waxyaalaha qalbigooda ku qarsoon ayaa banaanka u soo bixi doona. Sidaa darteed intey jilbaha dhigtaan ayey Illaahey caabudi doonaan, iyagoo dhahaya, “Runtii Illaahey wuu idin dhex joogaa!”


Waayo albaab weyn oo shaqo waxtar leh ayaa ii furmay, laakiin kuwa badan ayaa iga soo hor jeeday.


Ugu dambeentii walaalayaalow, wax walboo run ah, wax walboo sharaf leh, wax walboo saxan, wax walboo saafi ah, wax walboo la jeclaado, wax walboo qofka soo jiidanaya. Haddii ey jiraan wax aad u fiican ama wax u qalma ammaan, waxyaalahan oo kale ka fikira.


Sidaa darteed illaa maalintii ugu horeysay oo aan wax idin ku saabsan maqalnay maanan joojinin inaan idiin duceyno. Waxaan Illaahey ka barinaa inuu idin siiyo aqoon dhameystiran oo ka timaada doonistiisa iyo xigmadda ruuxiga ah iyo wax fahan.


Gasho dabeecadaada cusub, taas oo loo cusbooneysiinayo aqoonta muuqaalka abuuraheeda.


Dadkeenu waa iney bartaan iney waqtigooda ku bixiyaan wanaag sameynta, si ey u helaan rabitaankooda degdega ah oo eysan ku noolaanin nolol aan micno lahayn.


Illaahey ma ahan mid xaq dara ah, wuuna xasuusan doonaa sida aad dadkiisa horey ugu caawiseen iyo sida aad haddaba u caawineysaan. Dadkii Illaahey ayaa tihiin mana uu ilaawi doono jaceylka aad tusteen dadkiisa.


Walaalayaalow, maxey taraysaa inaad tiraahdaan rumeysad ayaan leenahay, idinkoo aan samaynin wax cadeynaya inaad rumeysateen? Iimaanka noocaas ah ma ku badbaadi kartaan?


Haddaba waad aragtaan, rumeysadka aan nagu hogaamineynin camal wanaagsan waa mid aan jirin.


Ku noolaada nolol wanaagsan inta aad dadka aan Illaahey garaneyn ku dhex jirtaan, inkastoo ey idin ku eedeeyaan inaad wax xun sameyneysaan, maalinta uu Illaahey wax xukumayo ayey arki doonaan camalkiina wanaagsan oo ey Illaahey ammaani doonaan.


Sidaas oo kalana dumaryahaw nimankiina ka dambeeya. Inkastoo kuwa qaar ey diidaan iney adeecaan warka wanaagsan, noloshiina quduuska ah ayaa iyaga soo jiidan doonta iyagoo aan lala hadlin,


Laakiin arintan u samee si qabow oo xushmad leh. Qalbiyadiina saafi ha ahaadaan, kadibna haddii ey dadku wax idin ka sheegaan wey ceeboobi doonaan markey arkaan nolosha wanaagsan ee aad ku nooshihiin waayo waxaad tihiin kuwa Masiixa.


Haddii aad waxyaalahan lahaataan oo ey idinku kordhaan, waxey idin ka ilaalinayaan inaad noqonin kuwa aan waxtar iyo wax soo saar u lahayn aqoonta aad u leedihiin Sayidkeena Ciise Masiix.


Lean sinn:

Sanasan


Sanasan