Biblia Todo Logo
Bìoball air-loidhne

- Sanasan -




Filemon 1:1 - Ereyga Illaahey Axdiga Cusub

1 Warqaddan waxey ka socotaa Bawlos oo maxbuus u ah wacdinta injiilka Ciise Masiix dartiis. Iyo walaalkeen Timoteyos oo ila jooga. Waxaan warqaddan ku salaameynaa Filemon oo ah saaxiibkeen qaaliga ah oo aan isla shaqeyno.

Faic an caibideil Dèan lethbhreac

KITAABKA QUDUUSKA AH

1 Anigoo Bawlos ah oo Ciise Masiix maxbuus u ah, iyo walaalkeen Timoteyos, waxaannu warqaddan u qoraynaa Filemon oo ah gacaliyahayaga nala shaqeeya,

Faic an caibideil Dèan lethbhreac

Kitaabka Quduuska Ah

1 Anigoo Bawlos ah oo Ciise Masiix maxbuus u ah, iyo walaalkeen Timoteyos, waxaannu warqaddan u qoraynaa Filemon oo ah gacaliyahayaga nala shaqeeya,

Faic an caibideil Dèan lethbhreac




Filemon 1:1
18 Iomraidhean Croise  

Bawlos wuxuu u safray Derbe iyo Lustara, halkaasna waxaa joogay nin xer ah oo la yiraahdo Timoteyos. Hooyadiis waxey ahayd Yuhuudiyad masiixiyad ah laakiin aabihiis wuxuu ahaa Gariig.


Waayo anagu waxaan nahay adeegaha Illaahey ee isla shaqeeya, idinkuna waxaad tihiin beerta iyo dhismaha Illaahey.


Ka socoto Bawlos kaasoo doonista Illaahey ku noqday rasuulka Ciise Masiix, iyo walaalkeen Timoteyos. Warqaddan waxey ku socotaa kaniisadda Illaahey ee ku taala Korintos iyo dhamaan dadka Illaahey ee jooga Akhaya.


Sidaa darteed idinkoo dhan ayaa iimaankii aad Ciise Masiix saarateen dartiis ku noqday caruurta Illaahey.


Sababtaas darteed aniga Bawlos ah kan uu dadkiinan aan Yuhuudda ahayn dartiin Ciise Masiix maxbuuska uga dhigay.


Sidaa darteed aniga oo adeegista Rabbiga darteed maxbuus u ah, ayaa idin ka baryaya inaad ku noolaataan nolol u qalanta yeeritaanka uu Illaahey idiin yeeray.


Waayo injiilka ayaan safiir u ahay anigoo silsilad ku xiran, inkastoo aan hadda xabsi ku jiro iigu duceeya inaan si geesinimo leh u sheego injiilka taas oo waajib igu ah.


Warqaddan waxey ka socotaa Bawlos iyo Timoteyos, kuwaas oo ah adeegayaashii Ciise Masiix. Waxaan warqaddan u qorayaa dhamaan dadka quduusiinta Ciise Masiix ah ee jooga magaalada Filiboy, hogaamiyayaasha kaniisadda iyo caawiyayaasha.


Laakiin waxaan u maleynayaa iney muhiim tahay inaan dib idiin kugu soo diro Ebafroditos, walaalkey aan shaqaale iyo askariba wada nahay. Kaasoo ahaa fariinsidihiina, isaga oo aadna u soo dirteen inuu baahideyda iga caawiyo.


Haa, waxaan adiga ku weydiisanayaa, wehelkeyga runta ah inaad caawisid labadan haweeney, waayo aad ayey ila dadaaleen markaan kuwa kale u sheegayay warka wanaagsan. Waxaa kale oo ey la shaqeeyeen Kaleemeentos iyo kuwa kale ee ila shaqeeya, kuwaasoo magacyadoodu ku qoran yihiin buugga nolosha.


Warqaddan waxey ka socotaa Bawlos, kaasoo doonista Illaahey loogu doortay inuu noqdo rasuulka Ciise Masiix, iyo walaalkeen Timoteyos.


Ciise, kaasoo aan ugu yeerno Yuustos, isaguna wuu idin soo salaamayaa. Kuwani waa kuwa Yuhuud ah oo ka mid ah kuwa igala shaqeeya xagga boqortooyada Illaahey, iyagoo dhanna wey i qalbi qaboojiyeen.


Waxaana idiin soo dirnay Timoteyos oo ah walaalkeen iyo kan aan shaqada Illaahey wada hayno taas oo ah faafinta injiilka Masiixa, si uu idiin adkeeyo oo idin ku dhiirigeliyo iimaankiina.


Warqaddan waxaa qoraya aniga oo ah Bawlos. Waxaana ila jooga Silwanos iyo Timoteyos. Waxaan warqaddan u qoraynaa kaniisadda ku taala Tesaloniika, idinkan ah dadka Illaaheena Aabaha ah iyo Sayid Ciise Masiix.


Haddaba ha ceebeysan inaad dadka kale ugu marqaatifurtid Rabbigeena. Oo anigana ha i ceebsan inkastoo aan xabsi ugu jiro wacdinta injiilka darteed. Awoodda Illaah ku siiyay diyaar ugu ahow inaad dhib ila martid injiilka dartiis.


Waxaa ku soo salaamaya Ebafras oo maxbuus igula ah injiilka Ciise Masiix dartiis.


Sidoo kale Markos, Aristarkhos, Deemaas iyo Luukos ayaa ku soo salaamay, kuwaas oo ila shaqeeya.


Laakiin jaceylkeena dartiis ayaan si fudud wax kugu weydiinayaa. U arag codsi aniga iga yimid oo kale, aniga oo ah Bawlos nin duqana ah oo xitaa injiilka Ciise Masiix dartiis maxbuus u ah.


Lean sinn:

Sanasan


Sanasan