Biblia Todo Logo
Bìoball air-loidhne

- Sanasan -




1 Korintos 8:3 - Ereyga Illaahey Axdiga Cusub

3 Laakiin qof walboo Illaahey jecel isaga ayaa garanaya.

Faic an caibideil Dèan lethbhreac

KITAABKA QUDUUSKA AH

3 Laakiin qof uuni hadduu Ilaah jecel yahay, Ilaah baa garanaya isaga.

Faic an caibideil Dèan lethbhreac

Kitaabka Quduuska Ah

3 Laakiin qof uuni hadduu Ilaah jecel yahay, Ilaah baa garanaya isaga.

Faic an caibideil Dèan lethbhreac




1 Korintos 8:3
29 Iomraidhean Croise  

Laakiin aasaaskii uu Illaahey dhigay wuu adagyahay. Oo lagu shaabadeeyay qoraalkan, “Rabbigu wuu yaqaanaa dadkiisa, sidaa darteed mid kastoo magaca Rabbiga ku caabuda waa inuu sharka ka fogaadaa.”


Haba ahaatee wey qoran tahay, “Indhuhu maysan arkin, dheguhu maysan maqlin, maskaxda binu aadankana kuma soo dhicin.” Waxyaalaha Illaahey u diyaariyay kuwa isaga jecel.


Laakiin hadda Illaahey waad garaneysaan Illaaheyna wuu idin garanayaa, maxaad u laaban rabtaan oo aad adoon ugu noqoneysaan kuwaas daciifnimo iyo awoodaha darxumada? Miyaad jeceshihiin iney mar kale idin adoonsadaan.


Waan ogahay camalkiina, jaceylkiina iyo iimaankiina, adeegiina iyo dulqaadkiina, inaad hadda sameyneysaan wax ka badan wixii aad horey u sameyn jirteen.


Illaahey wuu barakeeyaa kuwa u samra imtixaanada iyo jarribaadda. Qofkaas wuxuu heli doonaa taajka nolosha ee Rabbigu ka ballan qaaday kuwa isaga jecel.


“Waxaan ahay arijirka wanaagsan, waan garanayaa idahayga oo iyaguna wey i garanayaan.


Kadibna si cad ayaan ugu dhihi doonaa, ‘Weligey idin ma aqoon. Iga fogaada, xumaan falayaal yahow!’


Waan jecel nahay maxaa yeelay Illaah ayaa markii hore na jeclaaday.


Waan ogahay dhibaatada iyo duruufta aad ku jirtaan, laakiin xagga ruuxa waxaad ka tihiin taajiriin. Waan ogahay caayda ey idin caayaan dadka Yuhuudda iska dhiga oo aan ahayn, laakiin sunagogyadoodu waa kan Shaydaanka.


Inkastoo eydan isaga arkin waad jeclaateen, inkastoo eydan hadda arkin, waad aaminteen oo farxad aan la soo koobi karin iyo ammaan ayaa idin ka buuxsantay.


Waan ogahay halka aad degantihiin, halkaas oo Shaydaanku carshi ku leeyahay. Inkastoo ey sidaas tahayna magaceyga waad xijiseen. Iimaanka kama eydan tagin xitaa maalmihii Antibas kaasoo ahaa marqaatigeyga aaminka ah oo lagu dilay magaaladiina halkaas oo Shaydaanku ku noolaa.


Markii saddexaad Ciise wuxuu Butros ku yiri, “Simoon ina Yooxanaa, ma i jeceshahay?” Butros wuu niyad jabay waayo markii saddexaad ayuu weydiiyay, “Miyaad i jeceshahay?” Markaas ayuu ku yiri, “Rabbiyow, wax walba waad ogtahay, waana ogtahay inaan ku jeclahay.” Ciise ayaa yiri, “Idahayga daaji.


Walaalaheyga qaaliga ahow u fiirsada. Dadka masaakiinta ah ee dunidan ku nool Illaah ayaa doortay iimaan badan ayuuna siiyay. Wuxuu kaloo u ballan qaaday inuu siiyo qeyb ka mid ah boqortooyadiisa mid kastoo isaga jecel.


Illaahey ma diidin dadkiisa kuwaasoo uu bilowgii doortay. Miyeydan ogayn waxa qorniinku ka leeyahay markii uu Eliyaas Illaahey uga dacwooday reer binu Israa’iil isaga oo leh,


Haddaba waxyaalaha aan aragno waa wax aan dhameystirneyn oo kaliya, sida milicsiga muraayada, laakiin mustaqbalka si fiican ayaan u arki doonnaa. Hadda wax walba ma garanayo laakiin waqtigaas waan garan doonnaa wax walba sida Illaahey si kaamil ah iigu garanayo.


Saaxiibadeyda qaaliga ahaw, waa inaan is jeclaanaa. Jaceylku wuxuu ka yimaadaa xagga Illaah, oo markaan is jeclaano, waxey muujineysaa in na la siiyay nolol cusub. Waxaan nahay caruurtii Illaah, waana garanay isaga.


Lean sinn:

Sanasan


Sanasan