Markos 3 - Marko 1915 Yohana 1929 (Ogaden-Harti Somali)1 Waẖu galey hadana sunaguga, waẖa jogey ẖagas ninko gaa̱nta nafa ka ah. 2 Way ilalinayen hadu bogsinayo nin kas berigi sabato ha ashtakeyane. 3 Waẖu kuyiri ninki gaa̱nta nafada ka aha: Jogso ḋaẖda. 4 Asagana waẖu kuyiri: Ma ẖalalba beriga sabato in lasubiyo waẖ fia̱n mase in lasubiyo waẖ ẖun, in lafakiyo naf mase in ladilo? 5 Way amusen. Waẖu kufiriyey ḋirif barbar walba, a̱lolẖuma gashey sababti ghalbi adkan todha, waẖu kuḋehey ninki: Fidi gaa̱n tadha. Wu fidiyey, gaa̱n tisa way bogsatey sidi tan labad. 6 Markiba way beẖen farisayalka oykulashauren dadki Herode sidey uḋumiyan. 7 Yesu wa latagey asaẖab tisa tan iyo bada, makhlugh badan ba kasorae̱y Galilaya iyo Yudea 8 iyo Jerusalem iyo Idumaya iyo Yordan gedigisa iyo barbarki Turo iyo Sidon, makhlugh badan, kolkey maghlan waẖa weyn ossubiyey, way uimaden. 9 Waẖu kuḋehey asaẖab tisa, donida yar hakusugto mel ḋow makhlugha daradisa, yeyan a̱ririnine, 10 sababti waẖu bogsiyey dad badan; waẖay ukufen asaga kuwi rafadayen oḋan ha helane iney tabtan asaga. 11 Jiniyalkana gortey arken asaga, hortisa bey kukufen, way ghayliyen, waẖay kuhadlen: Adiga Wilki Ilahey batahay. 12 Ad bu uamrey yeyan dahirinine. 13 Waẖu fuley burta, waẖu uyertey intu rabey, way uimaden. 14 Waẖu kaḋigey laba iyo toban ha lajogane asaga. 15 Asagana ha udire iney wa̱diyan ha helane amar aykubogsiyan u̱durya, aykubiẖiyan jiniyada. 16 Simon osubiẖiyey Petro, 17 iyo Yaghub wilki Sebedayo iyo Yohana walalki Yaghub wilki Sebedayo osubiẖiyey Boanergi, ma̱na hedha wa wilashi gugaa̱, 18 iyo Andrea iyo Filipo iyo Bartolomayo iyo Mattayo iyo Thoma iyo Yaghub wilki Alfayo iyo Tadayo iyo Simon, rer Kanan, 19 iyo Yuda Iskariote, asagi biẖiyey. Kaba̱di waẖay galen aghalka. 20 Makhlugh ba isusoarurey hadana, tan iyo maayan karin iney u̱nan hunguri. 21 Kolkey khabarka helen gharaba disa, waẖay ukae̱n iney soghabtan, sababti waẖay ḋehen: Wa aghli beley. 22 Kuwi fartayaghan okasodegen Yerusalem, waẖay ḋehen: Waẖu ghaba Beelsebul oẖogi ki uweyna jiniyada yu kubiẖiya jiniyada. 23 Wau uyerey, waẖu ugushegey mahmah: Sidebu sheydan ubiẖin kara sheydan? 24 Iyo suldanima hadey isfidmeyso, suldanima das ma jogi karto. 25 Iyo guri hadu isfidmeyo, guri gas ma ḋisnan karo. 26 Iyo sheydan hadu iskukao̱ wa fidmobey, ma jogi karo, ilowse ḋamasha buleyahay. 27 Majiro nin geli kara nin ẖog leh aghal kisa inu kaḋao̱ alab tisa, hadusan ẖirin horta ninka ẖog leh, kolkasu kaḋaa̱ya aghal kisa. 28 Amin waẖan idinleyahay: Dembi godha wa lagaa̱fin dadka, iyo a̱y dodha, waẖay kuhadlan oḋan; 29 ilowse ninki a̱yo Nafta Ghudus ah, la ma a̱finayo tan iyo weligis, ilowse waẖa luguleyahay ẖukunki weligis, sababti waẖay ḋehen: 30 Waẖu ghaba jini. 31 Waẖa imaden habar tis iyo walala hisa, waẖay istagen bananka, waẖay udiren ghof uyera. 32 Makhlughi barbar walba kafaḋiyen, waẖay kuḋehen: Firi habarta iyo walalaha bananka bey jogan way kudonayan. 33 Wau ujawabey, waẖu kuyiri: Ya habartey ah ama walalahey ah? 34 Waẖu firiyey kuwi barbar walba kafaḋiyen, waẖu ḋehey: Firi habartey iyo walalahey! 35 Sababti ghof walba osubiya amarki Ilahey, asaga walalkey ah owalashey ah ohabartey ah. |
Published by the British and Foreign Bible Society 1915-29
British & Foreign Bible Society