Yohana 9 - Ereyga Illaahey Axdiga CusubCiise oo bogsiiyay nin indho la’aan ku dhashay 1 Ciise goortii uu soconayay ayuu wuxuu arkay nin indhoole ahaa tan iyo waagii uu dhashay. 2 Markaas ayaa xertii Ciise weydiiyeen, “Macalinow, ninkan muxuu indhoole u yahay? Ma isaga ayaa dembaabay mise waalidkiis?” 3 Markaas ayuu Ciise ku yiri, “Maya ninkan iyo waalidkiisba midna dembi ma galin, laakiin tani waxey u dhacday in shaqada Illaahey isaga lagu muujiyo. 4 Intey weli maalin tahay waa inaan sameyno shaqada kan isoo diray. Habeen ayaa soo socdaa, waqti uusan qofna shaqeyn karin. 5 Intaan weli aduunka joogo waxaan ahay iftiinkii aduunka.” 6 Ciise kadib markii uu waxyaalahan yiri dhulka ayuu candhuuf ku tufay, oo dhoobo ka sameeyay candhuuftii kadibna ninkii indhaha ka mariyay. 7 Wuxuuna ninkii ku yiri, “Bax oo iskaga dhaq barkadii Siloo’am.” Ereygan oo micnihiisu yahay, “Waa la diray.” Ninkiina wuu tagay oo indhihii iska soo dhaqay, wuuna soo laabtay isaga oo wax arkaya. 8 Markaas ayaa deriskii iyo dadkii isaga arki jiray isaga oo tuugsanaya aad ula yaabeen oo weydiiyeen, “Kan miyuusan ahayn isla ninkii meelaha fariisan jiray oo tuugsan jiray?” 9 Qaarkood ayaa waxey yiraahdeen waa isla ninkii tuugsadaha ahaa. Qaar kalana waxey yiraahdeen waa qof isaga u eg. Laakiin ninkii la bogsiiyay ayaa yiri, “Waxaan ahay ninkii indhaha la’aa.” 10 Markaas ayey ninkii weydiiyeen, “Sidee ayaad araga ku heshay?” 11 Wuxuu ugu jawaabay, “Nin la yiraahdo Ciise ayaa wuxuu sameeyay dhoobo kadibna iga mariyay indhaha. Wuxuuna igu yiri bax oo barkada Siloo’am iskaga soo dhaq. Aniguna waan baxay oo iska soo dhaqay kadibna arageygi ayaa iisoo laabtay.” 12 Markaas ayey weydiiyeen, “Aaway ninkaas?” Wuxuu ugu jawaabay, “Ma garanayo.” Farrisiintii ayaa doonayeen iney ogaadaan waxa dhacay 13 Dadkii ayaa ninkii indhaha la’aa Farrisiinta u keenay. 14 Haddaba maalintii uu Ciise dhoobada sameeyay oo ninka bogsiiyay waxey ahayd maalin Sabti ah. 15 Farrisiintiina waxey ninkii weydiiyeen siduu araga ku helay. Ninkii wuxuu ugu jawaabay, “Ciise wuxuu sameeyay dhoobo wuxuuna iga saaray indhaha. Markaan iska dhaqeyna arageyga ayaan helay.” 16 Farrisiintii qaarkood ayaa yiraahdeen, “Ninkan kama imaanin Illaahey, waayo wuxuu jabiyay sharcigii maalinta Sabtida.” Laakiin kuwa kalana waxey yiraahdeen, “Sidee ayaa qof dembiile ah u sameyn karaa mucjisadan?” Sidaa darteed wey kala qeybsameen. 17 Markaas ayey waxey ninkii la bogsiiyay weydiiyeen, “Maxaad ka sheegi kartaa ninkan ku bogsiiyay?” Ninkii ayaa ku jawaabay, “Waa nebi.” 18 Laakiin Yuhuuddii weli ma eysan aaminin ninkii inuu indhaha la’aa illaa ey u soo yeereen waalidkiis. 19 Waxeyna weydiiyeen, “Wiilkan ma idinka ayaa dhalay? Ma kii aad dhahdeen indha la’aan ayuu ku dhashay baa? Sidee ayey ku noqotay inuu hadda wax arko?” 20 Ninkii waalidkiis ayaa ugu jawaabay, “Waan hubnaa inuu yahay wiilkeena, waana ognahay inuu ku dhashay indho la’aan. 21 Laakiin siduu araga ku helay ama qofkii indhaha u furay ma garaneyno. Bal isaga weydiiya! Waa nin weyn oo isu hadli kara.” 22 Waalidkiis waxey sidaas u yiraahdeen waxey ka cabsanayeen hogaamiyaashii Yuhuudda. Waayo waxey go’aansadeen mid walboo dhaha Ciise waa Masiix in laga saaro sunagogga. 23 Sidaa darteed ayey waalidkiis u yiraahdeen, “Isaga weydiiya wuu isu hadli karaa.” 24 Mar labaad ayey ninkii indho la’aanta ahaan jiray weydiiyeen, “Run sheeg oo Illaahey ammaan, waayo waan garaneynaa Ciise inuu yahay dembiile.” 25 Markaas ayuu ugu jawaabay, “Inuu dembiile yahay ma garanayo, waxa kaliya ee aan ogahay inaan ahaa indhoole laakiin hadda wax ayaan arkaa!” 26 Hogaamiyayaashii Yuhuudda ayaa ninkii weydiiyeen, “Muxuu kugu sameeyay? Siduu aragaaga kuugu soo celiyay?” 27 Ninkiina wuxuu ku jawaabay, “Mar hore ayaan idiin sheegay ma eydan dhageysanin. Maxaad u rabtaan inaad mar labaad warkiisa maqashaan? Miyaad dooneysaan inaad xertiisa noqotaan?” 28 Markaas ayey hogaamiyayaashii caayeen ninkii oo ku yiraahdeen, “Waxaad tahay xertiisa! Laakiin anagu waxaan nahay xertii Muuse! 29 Waxaan ognahay Illaahey inuu la hadlay Muuse laakiin kan aad raacsantahay ma garaneyno halkii uu ka yimid.” 30 Ninkii ayaa ugu jawaabay, “Taasi waa wax layaab leh! Idinku ma garaneysaan halka uu ka yimid laakiin indhaha ayuu ii furay. 31 Waan ognahay in Illaahey uusan dhageysanin kuwa dembiilayaasha ah. Wuxuu maqlaa dadka cibaadada leh oo doonistiisa sameeya. 32 Haddaba tani waa taariikhdii ugu horeysay ee nin indhaha u furay nin kale oo indha la’aan ku dhashay. 33 Ninkan haddii uusan Illaahey ka imaanin waxyaalahan ma sameyn lahayn.” 34 Hogaamiyayaashii waxey ninkii ku yiraahdeen, “Waxaad ahayd dembiile illaa waagii lagu dhalay! Sidee ayaad ugu maleysay inaad wax na bari kartid?” Weyna ka saareen halkaas. Indhala’aanta ruuxiga ah 35 Ciise markii uu maqlay waxa ku dhacay, ninkii ayuu raadiyay, oo weydiiyay, “Miyaad aaminsantahay Wiilka Aadanaha?” 36 Ninkiina wuxuu yiri, “Kaasi yuu yahay mudane? Ii sheeg si aan aniguna isaga u aamino.” 37 Ciise wuxuu ku yiri, “Hadda waad aragtaa, xitaa waa kan kula hadlaya.” 38 Kadibna ninkii ayaa yiri, “Sayidow, waan aaminay.” Wuxuuna bilaabay inuu Ciise caabudo. 39 Ciise ayaa yiri, “Waxaan u imid inaan xukumo dadka dunidan, si ey indhoolayaashu u arkaan oo kuwa indha lehna u noqdaan indhoole.” 40 Qaar ka mid ah Farrisiinta oo halkaas joogay ayaa maqleen waxyaalihii Ciise ku hadlayay waxeyna weydiiyeen, “Anaguna ma waxaan nahay indhoole?” 41 Ciise ayaa ku yiri, “Haddii aad indhoole ahaan lahaydeen kuma eydan eedeysanaateen dembiga, laakiin mar haddaad sheegateen inaad wax aragtaan, taas macnaheedu waa eediinu wey jireysaa.” |
Kitaabka Quduuska Ah: Ereyga Illaahey™ Axdiga Cusub
Daabacaadan anaga ayaa leh © 2024 waxaa soo saaray Biblica, Inc.
Waxaa lagu isticmaalay ogolaasho.
Xaqeeda oo dhanna waa la xaafiday meel walba oo aduunka ka tirsan.
Somali Contemporary Bible™ New Testament
Copyright © 2024 by Biblica, Inc.
Used with permission. All rights reserved worldwide.
Biblica, Inc.