Yohana 7 - Ereyga Illaahey Axdiga CusubCiise iyo walaalihiis 1 Ciise wuxuu go’aansaday inuu Yahuudiya ka tago oo aado dhinaca Galili. Waayo hogaamiyayaashii Yuhuudda ayaa isaga raadinayeen si ey u dilaan. 2 Markii dabaaldeggii teendhooyinka ee Yuhuudda soo dhawaatay, 3 ayaa walaalihii Ciise isaga ku yiraahdeen, “Galili ka tag oo aad Yahuudiya, si xertaada halkaas joogta ey u arkaan shaqada aad haysid. 4 Maxaa yeelay ma jiro qof caan noqon raba oo hoos hoos wax u sameeya. Sidaa darteed waxyaalahan aad sameyneysid aduunka tus.” 5 Xitaa walaalihiis ma eysan aaminin isaga. 6 Ciise wuxuu iyaga ku yiri, “Waqtigeyga lama gaarin, laakiin idinka waqtigiina mar walba wuu joogaa. 7 Dadka dunidan ma idin nacayaan, laakiin Aniga ayey i nacayaan waayo waxaan ka marqaatifura waxyaalaha sharta leh ey sameeyaan. 8 Idinka sii aada dabaaldegga. Anigu uma socdo waayo waqtigeyga weli lama gaarin.” 9 Waxyaalahaas markii uu yiri kadib wuxuu ku haray Galili. 10 Si kastaba ha ahaatee, walaalihiis markey dabaaldeggii tageen, Ciise sidoo kale wuu tagay, laakiin qofna isuma muujinin wuu is qariyay. 11 Haddana dabaaldeggii markii uu dhacayay, hogaamiyayaashii Yuhuudda waxey raadinayeen Ciise, markaas ayey weydiiyeen, “Aaway isaga?” 12 Dadkii badnaa dhexdooda ayaa dood Ciise ku saabsan ka dhacday. Qaarkood waxey yiraahdeen, “Waa nin wanaagsan.” Kuwa kalana waxey ku jawaabeen, “Maya, isaga dadka ayuu khiyaanaa.” 13 Laakiin ma jirin qof si cad isaga uga hadlay waayo waxey ka cabsadeen hogaamiyayaasha. Ciise oo dadka wax baray goortii uu dabaaldegu dhacayay 14 Dabaaldeggii markii uu dhexda sii marayay ayaa Ciise wuxuu galay macbadka oo bilaabay inuu dadka wax baro. 15 Hogaamiyayaashii Yuhuudda aad ayey u yaabeen oo waxey is weydiiyeen, “Sidee ayey ku dhacday ninkan inuu sidan dhan wax u yaqaano? Weligiisna aan wax la barin!” 16 Markaas ayaa Ciise ugu jawaabay, “Wax baritaankeyga aniga igama imaanin. Wuxuu ka yimaaday kan isoo diray. 17 Haddii qof walba go’aansado inuu Illaahey adeeco, wuu ogaanayaa in baritaankeygu ka yimid Illaahey mise inaan waxyaalaheyga iskaga hadlayo. 18 Qof walboo iska hadla ammaantiisa ayuu doonayaa, laakiin midka ammaanta kan isaga soo diray ka hadla waa nin run sheeg ah, wax been ah oo isaga ku saabsanna ma jirto. 19 Muuse sharciga miyuusan idin siinin? Haddana ma jiro qof idin ka mid ah oo sharciga adeecay. Haddaba maxaad iskugu dayeysaan inaad i dishaan?” 20 Dadkii badnaa ayaa ugu jawaabay, “Ruuxyo wasakh leh ayaad qabtaa, yaa doonayaa inuu ku dilo?” 21 Markaas ayaa Ciise iyaga ku yiri, “Markaan hal mucjiso sameeyay idinka oo dhan ayaa wada yaabay. 22 Laakiin Muusana wuxuu idin amray inaad wiilashiina gudaan. Xitaa muusan ahayn Muuse kan idin amray, waxey ahaayeen awoowayaashiin oo xitaa maalinta Sabtida wiilashiina waad gudaan. 23 Haddaba haddii wiil la gudi karo maalinta Sabtida si sharciga Muuse uusan u jibin, maxaad iigu xanaaqdeen markaan nin bogsiiyay maalintii Sabtida? 24 Muuqaalka haku xukumina, laakiin si sax ah wax u xukuma.” Dadka oo aan isku raacin Ciise qofka uu yahay 25 Sidaa darteed qaar ka mid ah dadka Yeruusaalem ayaa waxey bilaabeen iney weydiiyaan, “Soo kani ma ahayn ninkii ey dili rabeen? 26 Waa kan oo si caddaan ah ayuu u hadlayaa, qofna wax kuma dhahayo. Runtii taliyayaashu miyey ogaadeen inuu yahay Masiixa? 27 Laakiin waan ognahay ninkan halkii uu ka yimaaday, laakiin goortii Masiixu yimaado qofna ma ogaan doono halka uu ka yimaado.” 28 Ciise isaga oo weli macbadka wax ku baraya ayuu yiri, “Haa waad i garaneysaan, waana garaneysaan halkan ka imid. Xooggeyga halkan kuma joogo, laakiin waa run ma garaneysaan kan isoo diray. 29 Laakiin Anigu waan garanayaa isaga waayo waxaan ka imaaday isaga wuuna isoo diray.” 30 Dadka qaar ayaa isku dayay iney halkaas Ciise ku qabtaan. Laakiin qofna ma awoodin inuu gacanta isaga saaro waayo waqtigiisi lama gaarin. 31 Laakiin weli dad badan ayaa isaga aaminay. Waxey yiraahdeen, “Masiixa goortii uu yimaado miyuu mucjisooyin isaga ka badan sameyn doonaa?” 32 Goortey Farrisiintii maqleen dadkii badnaa iney Ciise ka hadlayeen ayaa waxey kulan la sameeyeen gudoomiyayaasha wadaaddada, kadibna askar ayey macbadka u direen si ey isaga u soo qabtaan. 33 Laakiin Ciise wuxuu iyaga ku yiri, “Waqti yar ayaan idin la joogaa, kadibna waxaan u laabanayaa kii isoo diray. 34 Waad i raadin doontaan laakiin ima heli doontaan, halkan joogana ma imaan kartaan.” 35 Yuhuuddiina waxey iska dhex yiraahdeen, “Ninkan halkee ayuu u socdaa oo aanan ka heli doonin? Miyuu u tagi doona Yuhuudda joogta waddan kale, halkaas miyuu wax ku bari doonaa dadka Gariiga ah? 36 Muxuu ka waday markii uu yiri, ‘Waad i raadin doontaan laakiin ima heli doontaan,’ iyo, ‘Halkan joogana ma imaan kartaan’?” 37 Maalintii ugu dambeysay oo uguna muhiimsanayd dabaaldegga, Ciise intuu istaagay ayuu cod dheer ku yiri, “Mid walboo haraadsan ha ii yimaado oo ha cabo. 38 Mid walboo i aamina, qorniinku wuxuu leeyahay, webi biyo nool ah ayaa isaga ku dhex qulquli doona.” 39 Ciise wuxuu ka waday Ruuxa Quduuska ah, taas oo la siin doono mid walboo isaga aamina. Ruuxa weli qofna lama siinin, waayo Ciise weli ammaantiisa ma galin. 40 Markii dadkii badnaa maqleen waxyaalihii Ciise ku hadlay ayaa waxey yiraahdeen, “Runtii ninkan waa nebi.” 41 Kuwa kalana waxey yiraahdeen, “Isagu waa Masiixa.” Weli kuwa kalana waxey yiraahdeen, “Sidee ayey ku noqon kartaa in Masiixu ka yimaado Galili? 42 Qorniinku wuxuu leeyahay Masiixu wuxuu ka imaan doonaa farcankii Daa’uud. Taasi micnaheedu miyuusan ahayn inuu ku dhalan doono magaalada Daa’uud ee Beytlaxam?” 43 Dadkii ayaa kala qeybsameen Ciise dartiis. 44 Qaarkood ayaa doonayay iney qabtaan laakiin qofna gacanta ma saarin. Hogaamiyayaashii wey diideen iney Ciise aaminaan 45 Askartii macbadka markey u laabteen gudoomiyayaashii wadaaddada iyo Farrisiintii waxey ku yiraahdeen, “Maxaad Ciise halkan u keeni wayseen?” 46 Markaas ayaa askartii ugu jawaabeen, “Qof sida ninkaas oo kale weligiis u hadlay ma jiro.” 47 Farrisiintii waxey iyaga ku yiraahdeen, “Idinkana ma la idin soo khiyaanay? 48 Gudoomiyayaasha wadaaddada iyo Farrisiinta midkoodna miyuu Ciise aaminay? 49 Dadkan aan sharciga Muuse garaneyninna waxey hoos joogaan inkaarta Illaahey.” 50 Halkaas waxaa joogay Nikodemoskii markii hore Ciise u tagay oona iyaga ka mid ahaa wuxuuna weydiiyay, 51 “Sharcigeena ma ogola in qof la xukumo isaga oo aan weli la maqlin. Ma xukumi karno illaa aan ka ogaano wuxuu sameeyay.” 52 Kadibna waxey yiraahdeen, “Nikodemosow, ma waxaad ka timid Galili? Qoraalka akhriso, waadna ogaan doontaa in uusan nebi ka imaanaynin Galili.” [ 53 Kadib qof walba gurigiisi ayuu aaday. |
Kitaabka Quduuska Ah: Ereyga Illaahey™ Axdiga Cusub
Daabacaadan anaga ayaa leh © 2024 waxaa soo saaray Biblica, Inc.
Waxaa lagu isticmaalay ogolaasho.
Xaqeeda oo dhanna waa la xaafiday meel walba oo aduunka ka tirsan.
Somali Contemporary Bible™ New Testament
Copyright © 2024 by Biblica, Inc.
Used with permission. All rights reserved worldwide.
Biblica, Inc.