Biblia Todo Logo
Bìoball air-loidhne

- Sanasan -

Yohana 5 - Ereyga Illaahey Axdiga Cusub


Ciise oo bogsiiyay nin xanuusan

1 Muddo kadib Ciise wuxuu Yeruusaalem u tagay dabaaldeg ey Yuhuudda dabaaldegayeen.

2 Magaalada Yeruusaalem meel u dhow oo la yiraahdo albaabka idaha waxaa ku yaalay barkad biyo ah oo af Cibraani lagu dhaho Beytesda. Waxaana lagu wareejiyay shan balbalo.

3 Halkaas waxaa joogay dad badan oo xanuusan, kuwaas oo indhoole ah, curyaamo ah oo meesha berkeda biyaha ah jiifay. [

4 Maxaa yeelay malaa’igta Rabbiga ayaa biyaha kusoo degi jirtay oo walaaqi jirtay, kadibna midka ugu horeeya ee biyaha galaa wuu ka bogsan jiray cuduradiisa oo dhan.]

5 Berkedaas agteeda waxaa joogay nin soddon iyo siddeed sano xanuusanaa.

6 Ciise markaas ayuu arkay isaga oo meesha jiifa, wuxuuna ogaaday inuu muddo dheer xaaladdan ku jiray, markaas ayuu ninkii weydiiyay, “Miyaad dooneysaa inaad bogsato?”

7 Ninkii ayaa ku jawaabay, “Rabbiyow, ma lihi qof i caawiya si aan u galo barkadaan markii la walaaqo. Marka aan isku dayo inaan galo qof kale ayaa iga hor gala.”

8 Ciise ayaa ku yiri, “Istaag! Derintaada qaado oo soco.”

9 Isla markii ayuu ninkii bogsaday, derintiisa intuu qaatay ayuu socday. Maalintii ey waxyaalahan dhacayeen waxey ahayd maalin Sabti ah.

10 Markaas ayaa Yuhuuddii ninkii la bogsiiyay ku yiraahdeen, “Waa maalin Sabti ah, sharciga ma kuu ogola inaad derintaada qaadatid.”

11 Markaas ayaa ninkii ugu jawaabay, “Laakiin ninka i bogsiiyay ayaa igu yiri, ‘Derintaada qaado oo soco.’  ”

12 Markaas ayaa kuwii Yuhuudda ahaa weydiiyeen, “Yaa waaye ninka kugu yiri, derintaada qaado oo soco?”

13 Laakiin ninkan la bogsiiyay ma ogayn Ciise qofka uu yahay, Ciisana dadkii badnaa ayuu dhex maray oo tagay.

14 Muddo kadib ayaa Ciise ninkii ku arkay macbadka oona ku yiri, “Haddaba waad bogsatay, mar kalana dembi ha galin haddii kale wax xun ayaa kugu dhici doona.”

15 Markaas ayaa ninkii intuu baxay u soo sheegay hogaamiyayaashii Yuhuudda in qofka isaga bogsiiyay uu yahay Ciise.


Awoodda Wiilka.

16 Sidaa darteed hogaamiyayaashii Yuhuudda waxey bilaabeen iney Ciise silciyaan. Maxaa yeelay isagu waxyaalahan oo dhan wuxuu sameynayay maalinta Sabtida.

17 Laakiin Ciise isaga oo is difaacaya ayuu yiri, “Aabahay maalin walba shaqadiisa ayuu hayaa, oo aniguna waan shaqeynayaa.”

18 Haddaba sababtan ayey u doonayeen iney dilaan. Sababta ugu horeysa ma aha kaliya inuu sharciga Sabtida jabiyay, tan labaadna wuxuu yiri Illaahey ayaa Aabahay ah, isaga oo Illaah isku mid iskala dhigay.

19 Ciise ayaa ugu jawaabay, “Runtii waxaan idin ku leeyahay, Wiilka kaligiis wax ma sameyn karo. Wuxuu sameeyaa oo kaliya wixii uu ka arko aabihiis oo sameynaya, maxaa yeelay wax walboo Aabaha uu sameeyo Wiilkana sidoo kale wuu sameeyaa.

20 Waayo Aabuhu wuu jecel yahay Wiilka sidaa darteed wuxuu tusaa waxyaalaha uu isaga sameeyo. Xitaa shaqo kuwan ka waaweyn ayuu tusi doonaa, si aad idinku ula yaabtaan.

21 Sida uu Aabaha kuwa dhintay u sarakiciyo oo nolol u siiyo, sidaa oo kale ayuu Wiilkana u siiyaa nolol kan uu isaga rabo inuu siiyo.

22 Aabuhu qofna ma xukumo laakiin wuxuu Wiilka ka dhigay garsooraha dadka oo dhan.

23 Si dadka oo dhan u xushmadeeyaan Wiilka sida ey Aabaha u xushmeeyaan oo kale. Waayo mid walboo aan Wiilka xushmeynin ma xushmeeyo Aabaha isaga soo diray.

24 “Runtii waxaan idin ku leeyahay, mid walboo hadaladeyda maqla oo aamina kan isoo diray wuxuu leeyahay nolosha weligeed ah, mana la xukumi doono waayo wuu ka baxay dhimashada wuxuuna helay nolol.

25 Runtii waxaan idin ku leeyahay, waqti ayaa soo socda waana la gaaray kaasoo kuwii dhintay maqli doonaan codka Wiilka Illaahey oo kuwa maqlana wey noolaan doonaan.

26 Aabuhu wuxuu leeyahay awood uu qof nolol ku siiyo, awoodaas oo kale ayuu Wiilkana siiyay.

27 Wuxuu kale oo siiyay awood uu dadka ku xukumo waayo isagu waa Wiilka Aadanaha.

28 “Arintan ha la yaabina, waayo waqti ayaa soo socda oo ey kuwa xabaasha ku jira isaga codkiisa maqli doonaan.

29 Waxeyna kasoo bixi doonaan qabriga, mid walboo wax wanaagsan sameeyay nolol ayaa loo soo sarakicin doonaa. Mid walboo xumaan sameeyana xukun ayaa loo soo sarakicin doonaa.

30 Keligey waxba ma sameyn karo, Aabaha isoo diray ayaa ii sheegay sida dadka loo xukumo. Xukunkeygu waa xaq, waayo waan adeecaa kan isoo diray.


Marqaatifurka ku saabsan Ciise

31 “Haddaan isku marqaatifuro, marqaatifurkeygu run ma aha.

32 Waxaa jira mid kale oo ii marqaatifura, waana ogahay in marqaatifurkiisu uu run yahay.

33 “Waxaad fariin wadayaal u soo dirtay Yooxanaa wuuna ka marqaatifuray runta.

34 Mana aha inaan u baahanahay marqaatifurka binu aadanka, laakiin waan idiin sheegay si aad u badbaadaan.

35 Yooxanaa wuxuu ahaa sida feynuus iftiin idin siisa. In muddo ah ayaad ku faraxdeen iftiinkiisa.

36 “Laakiin marqaatifur kii Yooxanaa ka weyn ayaan haystaa. Shaqadii Aabuhu i siiyay inaan dhameeyo, shaqooyinkaas oo aan hadda sameynayo taas oo Aabuhu uu ii soo diray inaan sameeyo ayaa ii marqaatifuri doonta.

37 Xitaa Aabaha isoo diray ayaa ii marqaatifuray, weligiinna codkiisa ma eydan maqlin oo mana eydan arkin qaabkiisa.

38 Ereygiisuna ma idin ka dhex shaqeynin, waayo idinku ma aaminin kan uu isaga soo diray.

39 Waxaad akhrisaan qorniinka waayo waxaad u maleysaan inaad iyaga ka heleysaan nolosha weligeed ah. Waana isla Qoraallada ii marqaatifuraya.

40 Laakiin waad diideen inaad ii timaadaan oo aad lahaataan nolosha weligeed ah.

41 “Ammaan kama sugo binu aadanka,

42 laakiin waan idin aqaanaa. Waayo jaceylka Illaahey qalbigiina kuma jiro.

43 Waxaan ku imid magaca Aabahay, mana i aqbalin, laakiin qof kale haddii uu ku yimaado magaciisa waad aqbali doontaan.

44 Sidee ayaad ku aamineysaan haddaad ammaan ka sugeysaan saaxiibadiin oo aadan raadinin ammaanta ka timaada Illaahey kaliya?

45 “Laakiin ha u maleynina inaan idin ku eedeyn doono Aabaha hortiisa. Qofka idin eedeeyaa waa Muuse, kan aad rajadiina saarateen.

46 Haddaad Muuse aaminsan tihiin, anigana waad i aamini lahaydeen, waayo waxyaalo igu saabsan ayuu qoray.

47 Laakiin haddii eydan aaminsaneyn wuxuu qoray sidee ayaad ku aamineysaan waxyaalahan idin dhahay?”

Kitaabka Quduuska Ah: Ereyga Illaahey™ Axdiga Cusub

Daabacaadan anaga ayaa leh © 2024 waxaa soo saaray Biblica, Inc.

Waxaa lagu isticmaalay ogolaasho.

Xaqeeda oo dhanna waa la xaafiday meel walba oo aduunka ka tirsan.

Somali Contemporary Bible™ New Testament

Copyright © 2024 by Biblica, Inc.

Used with permission. All rights reserved worldwide.

Biblica, Inc.
Lean sinn:



Sanasan