Biblia Todo Logo
Bìoball air-loidhne

- Sanasan -

Yohana 3 - Ereyga Illaahey Axdiga Cusub


Ciise oo Nikodemos wax baraya

1 Waxaa jiray nin la yiraahdo Nikodemos oo Farrisiinta ka mid ahaa wuxuuna sidoo kale taliye u ahaa Yuhuudda.

2 Habeenkii intuu Ciise u yimid ayuu ku yiri, “Macalinow, waan ognahay inaad tahay macalin xagga Illaahey ka yimid. Waayo ma jiro qof mucjisooyinkan oo dhan sameyn kara haddii uusan Illaahey la jirin.”

3 Markaas ayaa Ciise u jawaabay oo ku yiri, “Runtii waxaan ku leeyahay, qofna boqortooyada Illaahey arki maayo illaa uu mar labaad dhasho maahee.”

4 Nikodemosna wuxuu weydiiyay Ciise, “Sidee ayey ku noqon kartaa qof weyn inuu mar labaad dhasho? Waayo suurtagal ma aha in qofku caloosha hooyadiis ku laabto oo mar labaad la dhalo!”

5 Ciise ayaa ugu jawaabay, “Runtii waxaan ku leeyahay, qofna boqortooyada Illaahey gali maayo illaa uu ka dhasho biyo iyo Ruux.

6 Waayo binu aadanku wuxuu dhalaa caruur, laakiin Ruuxa Illaahey oo kaliya ayaa kaa dhigi kara cunugga Illaahey.

7 Ha la yaabin haddaan ku iraahdo, ‘Waa inaad mar labaad dhalataa.’

8 Dabayshu waxey aadaa meesha ey doonto. Waxaad maqashaa oo kaliya dhawaaqeeda laakiin ma garaneysid meesha ey ka imaaneyso ama meesha ey u socoto. Waa sidaas qof walboo Ruuxa ka dhasha.”

9 Markaas ayaa haddana Nikodemos weydiiyay, “Arintan sidee ayey ku dhici kartaa?”

10 Ciise ayaa ku yiri, “Waxaad tahay macalinka Israa’iil, oo mana fahansanid waxyaalahan miyaa?

11 Runtii waxaan ku leeyahay, waxaan ka hadleynaa wax aan garaneyno, waxaanna u marqaatifurnaa waxaan aragnay, laakiin weli indinku ma eydan aaminin marqaatifur keena.

12 Waxaan kaala hadlay waxyaalaha aduunka laakiin ma aadan aaminin, haddaba sidee ayaad ku aamini doontaa haddaan kaala hadlo waxyaalaha jannada?

13 Qofna weligiis ma uusan tagin jannada waxaanan ka ahayn kan ka yimid jannada, kaasoo ah Wiilka Aadanaha.

14 Sidii uu Muuse markii uu cidlada joogay kor ugu qaaday maska laga sameeyay maarta, Wiilka Aadanahuna sidaas oo kale ayaa kor loogu qaadi doonaa.

15 Mid walboo isaga aaminana wuxuu lahaan doonaa nolosha weligeed ah.”

16 Waayo Illaahey intuu aduunka jaceyl u qabay darteed ayuu siiyay Wiilkiisa kaliga ah, si mid walboo isaga aaminaa uusan u lumin laakiin uu u helo nolosha weligeed ah.

17 Waayo Illaahey uma soo dirin Wiilkiisa inuu aduunka xukumo, laakiin wuxuu u soo diray inuu aduunka badbaadiyo.

18 Mid walboo isaga aaminaa mala xukumi doono, laakiin mid walboo aan isaga aaminin horey ayaa loo xukumay waayo ma uusan aaminin magaca Wiilka kaliya ee Illaahey.

19 Iftiin ayaa aduunka yimid, laakiin dadka sharta sameeyaa waa la xukumay waayo mugdigey ka jeclaadeen iftiinka.

20 Qof walboo waxa sharta leh sameeyaa wuxuu neceb yahay iftiinka, mana u imaanayo iftiinka waayo waxyaalahuu sameeyay ayaa banaanka u soo bixi doona.

21 Laakiin mid walboo sameeya waxa runta ah wuxuu u yimaadaa iftiinka, si ey cadeyn ugu ahaato inuu sameynayo waxyaalaha uu Illaahey doonayay.


Yooxanaa wuxuu ka marqaatifuray Ciise

22 Kadib Ciise iyo xertiisa waxey tageen dalka Yuhuudiya halkaas ayuu waqti yar la joogay isaga oo dadka baabtiisaya.

23 Haddaba Yooxanaana wuxuu dadka ku baabtiisayay Caynoon oo u dhow Saalim, waayo halkaas biyo badan ayey lahayd, dadkuna halkaas ayey yimaadeen si loo baabtiiso.

24 Waqtigaasna wuxuu ahaa intaan Yooxanaa xabsiga la gelinin.

25 Dood ku saabsan is daahirinta ayaa ka dhex dhacday xertii Yooxanaa iyo nin Yuhuudi ah.

26 Yooxanaa ayey u yimaadeen oo ku yiraahdeen, “Macalinow, ninkii dhinaca kale ee Urdun kula joogay, kan aad u marqaatifuraysay dadka ayuu baabtiisayaa oo qof walbana wuu u tagay.”

27 Yooxanaa ayaa ugu jawaabay, “Qofna wax ma heli karo haddaan samada laga siinin.

28 Idinkuba waad ka marqaatifuri kartaan waxaan idin ku iri, ‘Anigu ma ihi Masiixa laakiin hortiisa ayaa la isoo diray.’

29 Aroosada waxaa leh ninka arooska ah. Ninka malxiiska ahna isaga ayuu dhageystaa, wuuna ku farxaa markii uu maqlo codkiisa. Sidaa darteed ayaan u faraxsanahay.

30 Isagu waa inuu iga sareeyaa oo aniguna waa inaan ka hooseeyaa.”

31 Wiilka Illaahey wuxuu ka yimaaday jannada wuuna ka sareeyaa kuwa kale oo dhan. Kan aduunka ka yimid waa kii aduunka, waayo wuxuu ku hadlaa waxyaalo ku saabsan aduunka. Laakiin kan ka yimaada jannada qof walba wuu ka sareeyaa.

32 Wuxuu ka marqaatifuraa waxyaalaha uu arkay uuna maqlay, laakiin qofna marqaatifurkiisa ma aqbalin.

33 Laakiin mid walboo isaga aaminaa wuxuu cadeeyay in Illaahey run yahay.

34 Waayo kan Illaahey soo diray wuxuu ku hadlaa ereyada Illaahey, waayo Illaahey Ruuxa qiyaas la’aan ayuu ku bixiyaa.

35 Waayo Aabuhu wuxuu jecel yahay Wiilka wax walbana gacantiis ayuu geliyay.

36 Mid walboo Wiilka aamina wuxuu leeyahay nolosha weligeed ah, laakiin mid walboo Wiilka diida weligiis nolol ma arki doono, carada Illaaheyna wey dul joogtaa.

Kitaabka Quduuska Ah: Ereyga Illaahey™ Axdiga Cusub

Daabacaadan anaga ayaa leh © 2024 waxaa soo saaray Biblica, Inc.

Waxaa lagu isticmaalay ogolaasho.

Xaqeeda oo dhanna waa la xaafiday meel walba oo aduunka ka tirsan.

Somali Contemporary Bible™ New Testament

Copyright © 2024 by Biblica, Inc.

Used with permission. All rights reserved worldwide.

Biblica, Inc.
Lean sinn:



Sanasan