Yohana 21 - Ereyga Illaahey Axdiga CusubCiise wuxuu u muuqday toddoba xertiisa ah 1 Waxyaalahaas kadib Ciise wuxuu u muuqday xertiisi iyagoo jooga Warta Tiberiyas. Sidan ayeyna u dhacday. 2 Waxaa wada joogay Simoon Butros, Toomas kii loogu wici jiray Didumos, Nataana’el oo ka yimid Kaana taas oo ku taalay Galili, iyo wiilashii Sebedi iyo laba kale oo xertiisa ahaa. 3 Markaas ayaa Simoon Butros iyaga ku yiri, “Waan soo kalluumaysanayaa.” Iyaguna waxey ku yiraahdeen, “Anaguna waan ku raaceynaa.” Kadibna wey tageen oo doon qaateen, laakiin habeenkaas waxba mey qabanin. 4 Subaxaas Ciise wuxuu taagnaa warta qarkeeda, laakiin xertiisi ma ogayn in qofkan uu yahay Ciise. 5 Markaas ayuu u wacey oo iyaga ku yiri, “Saaxiibayaalow kalluun meydan helin miyaa?” Markaas ayey ugu jawaabeen, “Maya.” 6 Ciise ayaa yiri, “Bal shabaagtiina dhinaca midig ee doonta ku tuura waadna heli doontaan kalluun.” Markey saas sameeyeenna shabaagtii ayey qaadi waayeen waayo kalluun fara badan ayey soo qabteen. 7 Kadibna ninkii xerta ka mid ahaa ee uu Ciise jeclaa ayaa Butros ku yiri, “Waa Sayidka!” Isla markii uu Simoon Butros maqlay isaga oo dhahaya, “Waa Sayidka,” dharkiisi kore ee uu horey iskaga siibay ayuu guntaday oo biyihii intuu ku booday ayuu xeebta yimid. 8 Xertii kale doontii ayey ku yimaadeen illaa warta qarkeeda. Iyagoo jiidaya shabaagtii oo kalluun ka buuxo, waayo kama ey fogeyn xeebta, waxey u jirtay qiyaastii sagaashan mitir ah. 9 Markey dhulka u soo dageen waxey arkeen dab dhuxul ah oo holcaya oo ey kalluun iyo kibis saaran yihiin. 10 Ciise ayaa iyaga ku yiri, “Keena kalluunka aad soo qabateen.” 11 Markaas ayaa Simoon Butros doontii ku laabtay oo shabaagtii illaa xeebta u soo jiiday. Waxaa ka buuxay kalluun waaweyn oo boqol iyo konton iyo saddex ah, inkastoo ey aad u fara badnaayeen shabaagtii ma dilaacin. 12 Ciise wuxuu iyaga ku yiri, “Kaalaya oo quraacda.” Xertii midkoodna kuma dhicin inuu weydiiyo yaa tahay? Wey ogaayeen inuu Sayidka yahay. 13 Ciise wuu yimid, kibistii ayuu qaaday oo iyaga siiyay, kalluunkiina sidaas oo kale ayuu ku sameeyay. 14 Tani waa markii saddexaad uu Ciise u muuqday xertiisi markii uu dhimashada kasoo sarakacay kadib. Ciise iyo Butros 15 Markey quraacdeen kadib, Ciise wuxuu Butros ku yiri, “Simoon ina Yooxanaa, runtii miyaad i jeceshahay?” Butros ayaa ugu jawaabay, “Haa Rabbiyow, waad ogtahay inaan ku jeclahay.” Ciise ayaa ku yiri, “Idaheyga daaji.” 16 Haddana Ciise wuxuu ku yiri, “Simoon ina Yooxanaa, ma i jeceshahay?” Butrosna wuxuu ku jawaabay, “Haa Rabbiyow, waad ogtahay inaan ku jeclahay.” Ciise ayaa ku yiri, “Idahayga ilaali.” 17 Markii saddexaad Ciise wuxuu Butros ku yiri, “Simoon ina Yooxanaa, ma i jeceshahay?” Butros wuu niyad jabay waayo markii saddexaad ayuu weydiiyay, “Miyaad i jeceshahay?” Markaas ayuu ku yiri, “Rabbiyow, wax walba waad ogtahay, waana ogtahay inaan ku jeclahay.” Ciise ayaa yiri, “Idahayga daaji. 18 Runtii waxaan kugu leeyahay, markaad yarayd adiga ayaa dharka isu xiri jiray oo meel walboo aad rabtid ayaad tagi jirtay. Laakiin markaad duqowdid gacanta ayaad fidsaneysaa oo qof kale ayaa dharka kuu xiraya oo ku geynaya meel aadan rabin inaad tagto.” 19 Ciise markii uu waxyaalahan ka hadlayay wuxuu tusayay sida uu Butros u dhiman doono oo Illaahey ammaan ugu keeni doono. Kadibna Ciise wuxuu isaga ku yiri, “Isoo raac!” 20 Butros markii uu jeestay wuxuu arkay ninkii xerta ahaa ee uu Ciise jeclaa inuu iyaga soo daba socdo. Kani waa ninkii xerta ahaa ee Ciise ku tiirsanaa maalintii cashada ugu dambeysay oo isagu weydiiyay, “Rabbiyow yaa ku gacangelin doona?” 21 Butros markii uu isaga arkay ayuu weydiiyay, “Sayidow, isagana?” 22 Markaas ayaa Ciise ugu jawaabay, “Haddaan doono wuxuu noolaanayaa illaa aan kasoo laabto, maxaa kaa quseeya? Waa inaad isoo raacdaa.” 23 Sidaa darteed hadalkii ayaa walaalaha ku dhex faafay iyagoo leh ninkaas xerta ka mid ah ma dhiman doono. Laakiin Ciise ma dhihin ma dhiman doono, waxa kaliya oo uu yiri, “Haddaan doono wuxuu noolaanayaa illaa aan kasoo laabto, maxaa kaa quseeya?” 24 Kani waa kii xerta ahaa ee waxyaalahan u marqaatifuray, kaasoo waxyaalahan qoray, waana ognahay in wixii uu yiri run yihiin. 25 Ciise waxyaalo kale oo badan ayuu sameeyay. Haddii waxyaalahaas oo dhan la qori lahaa, waxaan u maleynayaa aduunka oo dhan ma qaadi kari lahayn buugaas. |
Kitaabka Quduuska Ah: Ereyga Illaahey™ Axdiga Cusub
Daabacaadan anaga ayaa leh © 2024 waxaa soo saaray Biblica, Inc.
Waxaa lagu isticmaalay ogolaasho.
Xaqeeda oo dhanna waa la xaafiday meel walba oo aduunka ka tirsan.
Somali Contemporary Bible™ New Testament
Copyright © 2024 by Biblica, Inc.
Used with permission. All rights reserved worldwide.
Biblica, Inc.