Yohana 20 - Ereyga Illaahey Axdiga CusubXabaashii oo eber ah 1 Maalintii ugu horeysay ee usbuuc, ayaa Maryantii reer Magdala aroortii tagtay xabaashii oo waxey aragtay dhagaxii oo xabaasha iridiisi laga qaaday. 2 Markaas ayey iyadoo ordeysa u timid Simoon Butros iyo nin kale oo xerta ka mid ahaa oo uu Ciise jeclaa waxeyna ku tiri, “Sayidkii wey ka dhex qaateen xabaasha, mana garaneyno halka ey dhigeen.” 3 Markaas ayaa Butros iyo kii kale oo xerta ahaa tageen xabaashii. 4 Labadoodu wey ordayeen, laakiin kii kale oo xerta ahaa ayaa orodka ka badiyay Butros oo hortiis gaaray qabrigii. 5 Wuu fiiriyay wuxuuna arkay maro halkaas taalay laakiin ma uusan galin. 6 Kadibna Simoon Butros oo ka daba ordaayay ayaa yimid oo toos u galay xabaashii. Wuxuuna arkay maradii halkaas taalay, 7 Maradii Ciise madaxa loogu duubeyna sidoo kale meeshii ayey taalay. Maradaasna kaligeed ayey duuduubneyd iyadoo gooni u taala. 8 Kadibna ninkii kale ee xerta ahaa kaasoo halkaas ka hor gaaray Butros ayaa xabaashii galay. Wuuna arkay oo aaminay. 9 Weli kama eysan fahmin qorniinka inuu Ciise dhimashada ka sarakici doono. 10 Kadibna xertii waxey u laabteen halkii ey joogeen. Ciise wuxuu u muuqday Maryantii reer Magdala 11 Haddaba Maryantii reer Magdala wey ooyneysay iyadoo agtaagan xabaashii. Iyadoo weli ooyneysa ayey intey kusoo foorarsatay xabaashii dhex fiirineysay. 12 Markaas ayey aragtay laba malag oo dhar cad qaba oo fadhiya halkii jirka Ciise yaalay. Hal wuxuu fadhiyay dhinaca madaxa kan kalana wuxuu fadhiyay dhinaca lugaha. 13 Markaas ayaa malaa’igtii weydiiyeen Maryan, “Haweeney yahay, maxaad u ooyneysaa?” Markaas ayey tiri, “Sayidkeygi ayey qaateen, mana garanayo halkii ey jirkiisi dhigeen.” 14 Markey dhinaca kale u jeesatay ayaa waxey aragtay Ciise oo halkaas taagan. Laakiin ma ogayn inuu Ciise yahay. 15 Ciise ayaa Maryan weydiiyay, “Haweeney yahay maxaad u ooyneysaa? Yaad raadineysaa?” Iyadoo u maleyneysa ninkii beerta ka shaqeynayay, ayey ku tiri, “Mudane haddaad jirkiisi qaaday fadlan ii sheeg halkaad dhigtay waan soo qaadanayaa.” 16 Ciise wuxuu Maryan ku yiri, “Maryan.” Intey isaga u jeesatay ayey af Cibraani ku tiri, “Rabbooni!” (Taas oo micnaheedu yahay “Macalinow.”) 17 Markaas ayaa Ciise Maryan ku yiri, “Ha i qabanin, waayo weli Aabaha kor uguma tagin. Laakiin u tag walaalahey oo u sheeg, ‘Waxaan kor ugu tagayaa Aabahay iyo Aabihiin, Illaaheyga iyo Illaahiina.’ ” 18 Maryantii reer Magdala waxey u tagtay xertii oo u sheegtay warkii iyadoo leh, “Waxaan arkay Sayidka!” Waxaa kale oo ey u sheegtay inuu waxyaalahan ku yiri. Ciise wuxuu u muuqday xertiisi 19 Galabtii maalintii ugu horeysay usbuuc, markii xertu ey isla joogeen oo albaabkiina xiranyahay cabsida ey Yuhuudda ka qabeen darteed ayaa Ciise yimid oo uu iyaga dhexdooda istaagay oona yiri, “Nabad ha idin la jirto!” 20 Markii uu waxyaalahan yiri kadib, wuxuu iyaga tusay gacmahiisi iyo dhinaciisi. Sidaa darteed xertii aad ayey u farxeen markey Sayidka arkeen. 21 Haddana Ciise wuxuu ku yiri, “Nabad ha idin la jirto! Sida Aabuhu aniga isoo diray ayaan aniguna idiin dirayaa.” 22 Markii uu waxyaalahan yiri kadib ayuu ku neefsaday oo iyaga ku yiri, “Aqbala Ruuxa Quduuska ah. 23 Haddii aad dembiyaashiina isu cafisaan dembiyadiinana waa la cafinayaa. Laakiin Haddii eydan isu cafinin ma la idin cafinayo.” Ciise wuxuu u muuqday Toomas 24 Haddaba Toomas waxaa loogu wici jiray Didumos, wuxuuna ka mid ahaa laba iyo tobankii xerta ahaa, xertana lama uusan joogin goortii uu Ciise yimid. 25 Sidaa darteed xertii kale ayaa ku tiri, “Waxaan aragnay Sayidka!” Laakiin wuxuu xertii ku yiri, “Ilaa aan ka arko calaamadihii musmaarka oo aan farahayga ku taabto halkii musmaarka lagu duray, oo aan gacanteyda dhinaciisa ku taabto, ma aaminayo.” 26 Hal isbuuc kadib xertiisi ayaa guriga isla joogay mar kale, Toomasna wuu la joogay. Inkastoo uu albaabku xirnaa, Ciise ayaa yimid oo dhexdooda intuu istaagay ayuu iyaga ku yiri, “Nabad ha idin la jirto!” 27 Kadibna wuxuu Toomas ku yiri, “Fartaada halkan ku taabo, bal fiiri gacanteyda. Gacantaadana keen ee dhinaceyga taabo. Shakiga iska daa oo aamin.” 28 Markaas ayaa Toomas Ciise ku yiri, “Rabbigeyga iyo Illaaheygow!” 29 Kadibna Ciise wuxuu ku yiri Toomas, “Inaad i aragtay darteed ayaad igu aamintay, laakiin waxaa barakeysan kuwa aan i arkin oo i aaminay.” Ujeedadii injiilka Yooxanaa 30 Ciise mucjisooyin badan ayuu xertiisi oo la joogta sameeyay, taas oo aan buuggan lagu qorin. 31 Laakiin kuwan waxaa loo qoray si aad u aamintaan Ciise inuu yahay Masiixa, Wiilka Illaahey, haddaad aamintaanna waxaad magaciisa ku heleysaan nolol. |
Kitaabka Quduuska Ah: Ereyga Illaahey™ Axdiga Cusub
Daabacaadan anaga ayaa leh © 2024 waxaa soo saaray Biblica, Inc.
Waxaa lagu isticmaalay ogolaasho.
Xaqeeda oo dhanna waa la xaafiday meel walba oo aduunka ka tirsan.
Somali Contemporary Bible™ New Testament
Copyright © 2024 by Biblica, Inc.
Used with permission. All rights reserved worldwide.
Biblica, Inc.