Biblia Todo Logo
Bìoball air-loidhne

- Sanasan -

Yohana 18 - Ereyga Illaahey Axdiga Cusub


Ciise waa la qabtay

1 Ciise markii uu ducada dhameystay kadib ayey xertiisi iskala gudbeen dhinaca kale ee Tog Qidroon. Dhinaca kale waxaa ku yaalay beer, isaga iyo xertiisana halkaas ayey tageen.

2 Haddaba Yuudas kii isaga gacangelin lahaa wuu ogaa halkii ey joogeen. Waayo Ciise marar badan ayuu xertiisa halkaas kula kulmay.

3 Markaas ayuu Yuudas yimid beertii isaga oo hogaaminaya askar iyo kuwa kale oo macbadka ilaaliya iyagoo ey Farrisiintii iyo gudoomiyayaashii wadaaddada soo direen. Waxeyna wateen tooshash, feynuusyo iyo hub.

4 Ciise oo ogaa waxa ku dhici doona ayaa iyaga u yimid oo ku yiri, “Yaad dooneysaan?”

5 Markaas ayey ku jawaabeen, “Ciisihii reer Naasared.” Markaas ayaa Ciise ku yiri, “Isagii ayaan ahay.” Yuudas kii gacangeliyay ayaa agtooda taagnaa.

6 Markii uu Ciise yiri, “Isagii ayaan ahay,” intey gadaal u gurteen ayey dhulka ku wada dhaceen.

7 Mar labaad ayuu Ciise haddana yiri, “Yaad dooneysaan?” Waxeyna ugu jawaabeen, “Ciisihii reer Naasared.”

8 Ciisana wuxuu ugu jawaabay, “Waan idiin sheegay inaan isaga ahay. Haddii aad aniga i dooneysaan kuwa kale iska daaya.”

9 Arintan waxey u dhacday si ereyadii uu ku hadlay looga dhabeeyo. Markii uu yiri, “Kuwaad i siisay midna igama lumin.”

10 Markaas ayaa Simoon Butros oo seef haystay soo baxsaday, kadibna nin wadaadkii sare adeege u ahaa dhagtiisa midigta ah ka gooyay. Adeegahaas magaciisu wuxuu ahaa Malkos.

11 Ciise ayaa Butros amray oo ku yiri, “Seeftaada galkeeda ku celi! Miyaanan ka cabaynin koobka Aabahay i siiyay?”

12 Markaas ayaa askartii, iyo hogaamiyahoodi iyo sarkaalkii Yuhuudda Ciise qabteen oo xireen.

13 Waxeyna marka hore u keeneen Annas, kaasoo soddog u ahaa Kayafas, oo ahaa wadaadkii sare ee sanadkaas.

14 Kayafas waa kii dadka Yuhuudda ku waaniyay, wey wanaagsanaan lahayd haddii uu hal nin u dhinto dadka oo dhan.


Butros dafiraadiisii ugu horeysay

15 Simoon Butros iyo nin kale oo xerta ka mid ahaa ayaa Ciise daba socday. Waayo ninkaas xerta ah wadaadkii sare ayuu garanayay sidaa darteed Ciise ayuu la tagay illaa barxada gurigii wadaadkii sare.

16 Laakiin Butros banaanka albaabka hortiisa ayuu ku sugayay. Ninkii kale ee Xerta ahaa oo garanayay wadaadkii sare ayaa soo laabtay oo la hadlay gabadhii shaqada ku jirtay taas oo u ogolaatay in Butros soo galo.

17 Markaas ayaa gabadhii albaabka ilaalineysay Butros weydiisay, “Ma tihid miyaa mid ka mid ah xertii ninkan?” Markaas ayuu ku yiri, “Ma ihi.”

18 Halkaas qabow ayey ahayd, markaas ayaa adeegayaashii iyo saraakiishii dabka ag istaageen iyagoo isku kululeynaya. Butrosna wuu la taagnaa oo dabkii ayuu isku kululeynayay.


Wadaadkii sare ayaa Ciise su’aalo weydiiyay

19 Waqtigaas ayaa wadaadkii sare Ciise su’aalo ku saabsan xertiisa iyo wax baritaankiisa weydiiyay.

20 Markaas ayaa Ciise ugu jawaabay, “Aduunka oo dhan ayaan si cad ula hadlay, waxaan mar walba wax ku barayay sunagogyada iyo macbadka, halkaas oo ey Yuhuuddu iskugu timaado. Waxaan qarsoodi ugu hadlay ma jiraan.

21 Maxaad iga su’aaleysaa? Weydii kuwii i dhageystay. Runtii wey garanayaan waxaan dhahay.”

22 Markii uu Ciise waxyaalahan ku hadlay mid ka mid ah saraakiishii ayaa Ciise wejiga ka dharbaaxay. Markaas ayuu ku yiri, “Sidan miyaad wadaadka sare ugu jawaabeysaa?”

23 Ciisana wuu u jawaabay oo ku yiri, “Haddii aan wax sax ahayn ku hadlay bal ii sheeg waxaas aan saxda ahayn. Laakiin haddaan runta ku hadlay maxaa afka la iigu dhufanayaa?”

24 Waxyaalahaas kadib Annas ayaa Ciise u diray Kayafas oo ahaa wadaadkii sare isaga oo weli xiran.


Butros dafiraadiihiisii labaad iyo tii saddexaad

25 Weli Simoon Butros wuxuu taagnaa dabkii agtiisa oo wuu is kululeynayay. Markaas ayey weydiiyeen isaga, “Ma tihid miyaa mid ka mid ah xerta?” Butrosna wuu inkiray oo yiri, “Ma ihi.”

26 Laakiin mid wadaadkii sare adeege u ahaa, kaasoo qaraabo la ah ninkii uu Butros dhegta ka gooyay ayaa weydiiyay, “Miyaanan idin arkin idinka oo beerta wada jooga?”

27 Butros mar kale ayuu diiday, isla markii ayaana diiqii ciyay.


Ciise waxaa la hor keenay Bilaatos

28 Subixii ayaa Ciise laga kaxeeyay gurigii Kayafas oo loo geeyay qasriga gudoomiyaha Rooma. Laakiin saraakiishii Yuhuudda ma eysan gelin guriga taliyaha si eysan u nijaasoobin waayo waxey doonayeen iney Iidda Kormaridda wax ka cunaan.

29 Markaas ayaa Bilaatos intuu soo baxay iyaga weydiiyay, “Maxaad ninkan ku haysataan?”

30 Markaas ayey u jawaabeen oo ku yiraahdeen, “Haddii uusan xumaan fale ahayn maba laguu keeni lahayn.”

31 Bilaatosna wuxuu yiri, “Idinka wata oo sharcigiina ku xukuma.” Waxey yiraahdeen, “Laakiin anagu xaq uma lihin inaan qof dilno.”

32 Arintan waxey u dhacday in hadalkii Ciise yiri rumoobo markii uu ka hadlayay sida uu u dhiman doono.

33 Kadibna Bilaatos wuxuu ku laabtay qasriga, oo Ciise weydiiyay, “Ma waxaad tahay boqorka Yuhuudda?”

34 Ciise ayaa ugu jawaabay, “Tani ma fikirkaagaa mise dad kale ayaa kuu sheegay waxyaalo igu saabsan?”

35 Bilaatos ayaa ku yiri, “Ma waxaan ahay Yuhuudi? Dadkaaga iyo gudoomiyayaasha wadaaddada ayaa ii kaa keenay. Maxaad sameysay?”

36 Ciise ayaa ku yiri, “Boqortooyadeydu tan aduunka ma aha. Haddii ey ahaan lahayd adeegayaasheyda ayaa ii dagaalami lahaa si eysan Yuhuuddu ii qaban. Laakiin boqortooyadeydu tan dunidan ma aha.”

37 Markaas ayaa Bilaatos ku yiri Ciise, “Marka boqor ayaad tahay!” Ciise ayaa ugu jawaabay, “Waad dhahday boqor ayaad tahay. Taas ayaan u dhashay oo xitaa aan dunidan u imid inaan u marqaatifuro runta. Kuwa runta jacel wey ogyihiin inaan runta ka hadlayo.”

38 Bilaatos ayaa Ciise weydiiyay, “Waa maxey runtaas?” Hadaladaan kadib Bilaatos banaanka ayuu haddana u baxay halkii Yuhuuddu iskugu timid oo iyaga ku yiri, “Eed isaga kuma helin.

39 Laakiin waxaa caado idiin ah inaan hal maxbuus idiin soo daayo waqtiga Iidda Kormaridda. Ma waxaad dooneysaan inaan idiin soo daayo boqorka Yuhuudda?”

40 Markaas ayaa dadkii qayliyeen oo ey yiraahdeen, “Maya, isaga ma aha! Baraabbas noosoo daa!” Baraabbas wuxuu ahaa nin xun.

Kitaabka Quduuska Ah: Ereyga Illaahey™ Axdiga Cusub

Daabacaadan anaga ayaa leh © 2024 waxaa soo saaray Biblica, Inc.

Waxaa lagu isticmaalay ogolaasho.

Xaqeeda oo dhanna waa la xaafiday meel walba oo aduunka ka tirsan.

Somali Contemporary Bible™ New Testament

Copyright © 2024 by Biblica, Inc.

Used with permission. All rights reserved worldwide.

Biblica, Inc.
Lean sinn:



Sanasan