Biblia Todo Logo
Bìoball air-loidhne

- Sanasan -

Yohana 15 - Ereyga Illaahey Axdiga Cusub


Geedka canabka ah iyo laamaha

1 “Waxaan ahay geedka canabka ah ee runta ah, Aabahayna waa beerfalaha.

2 Wuxuuna gooyaa laan walboo igu taala oo aan mirro dhaleynin, laakiin laan kastoo igu taala oo mirro dhasha wuu nadiifiyaa si ey mirro badan u bixiso.

3 Idinku waxaad ku nadiifsantihiin ereyga aan idin kula hadlay dartiis.

4 Igu dhex jira si aan aniguna idiin kugu dhex jiro. Ma jirto laan canab ah oo kaligeed mirro dhasha. Waa iney ku taalaa geedka canabka ah. Sidoo kale idinkuna mirro ma dhaleysaan haddii eydan igu jirin.

5 “Waxaan ahay geedka canabka ah idinkuna waxaad tihiin laamaha. Haddii aad igu jirtaan oo aan aniguna idin ku jiro waxaad dhaleysaan mirro badan. La’aantey waxba ma sameyn kartaan.

6 Haddii eydan aniga igu jirin, waxaad noqoneysaan sida laan la tuuray oo qalashay, laamahaas oo kale waa la qaadaa oo lagu tuuraa dabka weyna gubtaan.

7 Laakiin haddii aad igu jirtaan oo aan aniguna idinku jiro, weydiista waxyaalahaad rabtaan oo dhan weyna idiin ahaaneysaa.

8 Haddii aad mirro badan dhashaan waxaad tihiin xerteyda runta ah. Arintaanna ammaan weyn ayey Aabahay u keeneysaa.

9 “Sida Aabuhu ii jeclaaday ayaan aniguna idiin jeclaaday. Haddaba ku jira jeceylkeyga.

10 Haddii aad amarkeyga xajisaan waxaad ku jiri doontaan jaceylkeyga. Sidii aan anigu u xajiyay amarka Aabahay, oo aan ugu jiray jaceylkiisa.

11 Waxaan waxyaalahan idiin kugu sheegay waa in farxadeydu idinku jirto oo farxadiinuna buuxsanto.

12 Amarkeygu waa, isu jeclaada sida aan anigu idiin jeclaaday.

13 Jaceyl ka weyn ma jiro, in qof noloshiisa u bixiso saaxiibadiis.

14 Haddii aad sameysaan waxyaalihii aan idin ku amray waxaad tihiin saaxiibadey.

15 Ma idin kugu yeerayo adeegayaal, waayo adeeguhu ma garanayo shaqada sayidkiisa. Haddaba waxaad tihiin saaxiibadey, waayo waxyaalihii aan Aabahay ka bartay oo dhan waan idiin sheegay.

16 Idinku ima dooranin ee aniga ayaa idin doortay oo idin diray si aad mirro u dhashaan, mirro sii jira, si wax walboo aad magaceyga ku weydiisataan Aabuhu idiin siiyo.

17 Kani waa amarkeyga, is jeclaada.


Dunidu wey necebtahay xerta Ciise

18 “Haddii aduunka la idin ka naco, xasuusta aniga ayey hortiin i naceen.

19 Haddii aad kuwa aduunka ahaan lahaydeen, kuweeda oo kale ayey idiin jeclaan lahaayeen. Laakiin kuwa aduunka ma tihiin, aniga ayaa idin ka dhex doortay aduunka. Sidaa darteed ayey dunidu idiin nici doontaa.

20 Balse xasuusta waxaan idin ku iri, ‘Adeeguhu kama weyna sayidkiisa.’ Haddii ey aniga i silciyaan idinkana waa la idin silcin doonaa. Haddii ey waxbarideyda adeeceen idinkana waxbaridiina wey adeeci doonaan.

21 Waxey sidaas idin kula dhaqmi doonaan waa magaceyga dartiis, waayo ma garanayaan kan isoo diray.

22 Haddii aanan imaanin oo aanan iyaga la hadlin dembi ma lahaan laheyn, laakiin hadda dembigooda cududaar uma hayaan.

23 Mid walboo aniga i naca wuxuu sidoo kale nacay Aabahay.

24 Haddii aanan ka sameyn lahayn calaamada mucjisooyin ah dhexdooda oo uusan qof kale sameyn karin, eed kuma eysan lahaadeen dembi. Laakiin wey arkeen oo weyna naceen aniga iyo Aabahayba.

25 Laakiin tani waxey oofineysaa waxyaalihii lagu qoray sharciga Muuse, ‘Sabab la’aan ayey igu naceen.’


Shaqada Ruuxa Quduuska ah

26 “Markii uu gargaaruhu yimaado, kan Ruuxa runta ah ee aan idin kaga soo diri doono dhinaca Aabahay, wuu ii marqaatifuri doonaa.

27 Idinkuna sidoo kale waa inaad ii marqaatifurtaan waayo waan idin la jiray illaa bilowgii.

Kitaabka Quduuska Ah: Ereyga Illaahey™ Axdiga Cusub

Daabacaadan anaga ayaa leh © 2024 waxaa soo saaray Biblica, Inc.

Waxaa lagu isticmaalay ogolaasho.

Xaqeeda oo dhanna waa la xaafiday meel walba oo aduunka ka tirsan.

Somali Contemporary Bible™ New Testament

Copyright © 2024 by Biblica, Inc.

Used with permission. All rights reserved worldwide.

Biblica, Inc.
Lean sinn:



Sanasan