Yohana 12 - Ereyga Illaahey Axdiga CusubCiise waxaa lagu subkay Beytaniya 1 Lix maalmood ka hor intaan la gaarin Iiddii Kormaridda, Ciise wuxuu yimaaday Beytaniya halkii uu Laasaros ku noolaa, kaasoo uu Ciise kasoo sarakiciyay dhimashada. 2 Casho ayaa halkaas looga diyaariyay, Maarta ayaa cuntada qeybineysay oo Laasarosna wuxuu ka mid ahaa kuwii cunteynayay. 3 Maryan ayaa qaaday litir barkiis oo cadar ubax naaradiin saafi oo qaaliya, waxeyna ku shubtay cagihii Ciise kadibna waxey ku tirtirtay timaheeda. Markaas ayaa gurigii oo dhan caraftii cadarka ka buuxsantay. 4 Laakiin mid xertiisi ka mid ahaa Yuudas Iskariyod, kii isaga gacangelin lahaa ayaa yiri, 5 “Maxaa cadarkan loo iibin waayey oo lacagtana loo siin waayey masaakiinta? Waayo qiimahiisu wuxuu u dhigmaa mushaharka hal sano.” 6 Ma aha in Yuudas ka naxayay masaakiinta, laakiin wuxuu ahaa tuug. Wuxuu ilaalin jiray kiishada lacagta ee xerta laakiin marar badan wax ayuu ka qaadan jiray. 7 Ciise ayaa ku jawaabay, “Iska daaya, waxey sidan u sameysay si ey iigu diyaariso duugteyda. 8 Dadka masaakiinta ah weligood ayey idin la joogi doonaan, laakiin anigu weligiin idin lama joogi doono.” 9 Goortii dad badan oo Yuhuud ah maqleen inuu Ciise yimid ayey iyaguna yimaadeen si ey isaga iyo Laasaros u arkaan. Kaasoo uu dhimashada kasoo sarakiciyay. 10 Sidaa darteed gudoomiyayaashii wadaaddada waxey qorsheysteen iney Laasarosna sidoo kale dilaan. 11 Waayo wixii loo sameeyay darteed ayey Yuhuudda oo dhan ugu tagayeen Ciise oo ey u aaminayeen. Ciise oo sida Boqorkii Yeruusaalem u yimid 12 Maalintii ku xigtay dad badan oo dabaaldagii u yimaaday ayaa maqlay inuu Ciise Yeruusaalem u soo socdo. 13 Markaas ayey laamaha geedka timirta qaateen oo ey ka hor tageen, iyagoo dhahaya, “Hoosanna!” “Waxaa barakeysan kan ku imaanaya magaca Rabbiga!” “Waxaa barakeysan boqorkii Israa’iil!” 14 Ciise wuxuu helay dameer yar wuuna soo fuulay, sida qoran, 15 “Ha cabsan Gabadhii Siyooney, bal fiiri boqorkaagi wuu imaanayaa, isaga oo dameer yar saaran.” 16 Markii hore xertii ma fahmin waxyaalahan oo dhan. Waxey fahmeen goortii uu Ciise ammaanmay in waxyaalahan isaga laga qoray oo waxyaalahaasna isaga lagu sameeyay. 17 Haddaba dadkii badnaa ee Ciise la joogay goortii uu Laasaros xabaasha uga yeeray oo dhimashada kasoo sarakiciyay ayaa warkii sii faafiyay. 18 Dad badan ayaa markey maqleen inuu mucjiso sameeyay u tageen iney isaga la kulmaan. 19 Markaas ayaa Farrisiintii isku yiraahdeen, “Waad arkeysaan in aanan waxba ka qaban karin. Dunida oo dhan ayaa raacday!” Ciise dhimashadiisi ayuu sii sheegay 20 Haddaba kuwa Gariig ah ayaa ka mid ahaayeen kuwii dabaaldaga tagay oo soo duceysanayay. 21 Waxey u yimaadeen Filibos, kaasoo ka yimaaday Beytsayda oo ku taalo Galili, iyagoo codsi wata waxeyna ku yiraahdeen, “Mudane waxaan dooneynaa inaan aragno Ciise.” 22 Filibosna wuu tagay oo u soo sheegay Andaros weyna isla tageen oo waxey u soo sheegeen Ciise. 23 Ciise ayaa ugu jawaabay, “Waqtigii Wiilka Aadanahu ammaanmi lahaa waa la gaaray. 24 Runtii waxaan idin leeyahay abuur sarreen ah haddeysan dhulka ku dhacin oo eysan dhimanin, kaligeed ayey ahaaneysaa. Laakiin haddii ey dhimato kuwo badan ayey dhashaa. 25 Mid walboo noloshiisa jacel wuu lumin doonaa, kii dunidan naftiisa ku necebna wuu haysan doonaa illaa nolosha weligeed ah. 26 Mid walboo ii adeega waa inuu i raacaa, halka aan joogana waa inuu adeegaheyguna joogaa. Aabahay wuu xushmeyn doonaa kii ii adeega. 27 “Haddaba nafteydu wey murugeysantahay, maxaan dhihi karaa? ‘Aabow waqtigan iga badbaadi’? Maya, waayo waqtigan dartiis ayaan u imid. 28 Aabow magacaaga ammaan!” Kadibna cod ayaa ka imaaday samada isaga oo leh, “Mar hore ayaan ammaaney magaceyga, haddana waan ammaani doonaa.” 29 Dadkii badnaa oo halkaas joogay ayaa waxey maqleen cod sida onkod oo kale ah, kuwa kalana waxey yiraahdeen malag ayaa isaga la hadlay. 30 Ciise ayaa yiri, “Codkaas faa’iido ayuu idiin yahay, ee aniga iima aha. 31 Haddaba waqtigii xukunka aduunka ayaa la joogaa. Hadda Shaydaanka oo ah taliyaha aduunka banaanka ayaa lagu tuuri doonaa. 32 Aniguna, markii kor la iiga qaado dhulka, dadka oo dhan xaggeygaan u soo jiidan doonaa.” 33 Wuxuu hadaladaan u yiri, wuxuu iyaga tusayay siduu u dhiman doono. 34 Markaas ayaa dadkii yiraahdeen, “Sharciga Muuse waxaan ka maqalnay in Masiixu weligiis joogi doono, sidee ayaad ku dhaheysaa, ‘Wiilka Aadanahu waa in kor loo qaadaa?’ Waa kuma, ‘Wiilka Aadanaha’?” 35 Kadibna Ciise wuxuu iyaga ugu jawaabay, “Iftiinka xoogaa yar ayaad sii haysan doontaan. Socda marka aad iftiinka haysataan, inta mugdiga uusan idin helin. Waayo mid walboo mugdiga ku socda ma garanayo halka uu u socdo. 36 Aamina iftiinka intaad weli haysataan, si aad u noqotaan caruurtii iftiinka.” Markii uu hadalkii dhameeyay, Ciise wuu tagay wuuna iska qariyay iyaga. Dadkii oo diiday iney Ciise rumeeyaan 37 Inkastoo Ciise mucjisooyin badan hortooda ku sameeyay, weli isaga ma eysan aaminin. 38 Tani waxey oofineysaa hadalkii nebi Isayos, “Rabbiyow yaa fariinteena aaminay? Yaana gacantii Rabbiga loo muujiyay?” 39 Sidaa darteed ma eysan aamini karin waayo nebi Isayos wuxuu meel kale ku leeyahay. 40 “Indhahooda ayaan xiray, oo qalbiyadoodi ayaan adkeeyay. Sidaa darteed indhahooda wax kuma arkaan. Oo qalbiyadoodana wax kuma fahmaan. Si eysan iigu soo laaban oo aanan u bogsiin.” 41 Isayos wuxuu waxyaalahan u yiri ammaantii Ciise ayuu arkay oo ka hadlay. 42 Laakiin isla waqtigaas kuwa badan oo ka mid ah odayaasha ayaa aaminay Ciise. Laakiin Farrisiinta dartood ayey si caddaan ah isku soo saari waayeen oo ey iimaankooda u qiran waayeen, waayo waxey ka cabsadeen in sunagogga laga saaro. 43 Waxey ammaanta Illaahey ka jecelyihiin ammaanta binu aadanka. 44 Markaas ayaa Ciise ku qayliyay dadkii badnaa oo yiri, “Mid walboo i aamina aniga kaliya ima aaminin, laakiin wuxuu aaminay kan isoo diray. 45 Kan i fiiriyana wuxuu arkayaa kan isoo diray. 46 Waxaan dunidan u imaaday sida iftiin ahaan, si uu mid walboo i aaminaa uusan mugdiga ugu harin. 47 “Haddii qof uu maqlo ereygeyga oo uusan xijinin ma xukumayo qofkaas. Waayo anigu uma imaanin inaan aduunka xukumo laakiin inaan badbaadiyo ayaan u imid. 48 Xukun ayaa sugaya kan aniga iyo ereygeyga diida. Ereyadii aan ku hadlay ayaa iyaga xukumi doona maalinta ugu dambeysa. 49 Waayo anigu amarkeyga kuma hadlin, laakiin Aabahay ayaa isoo diray oo igu amray waxyaalahan aan ku hadlay oo dhan. 50 Waan ogahay in amarkiisu yahay nolosha weligeed ah. Sidaa darteed wax walboo aan iraahdo waa wixii uu Aabahay igu yiri, sidaas ayaan ku hadlaa aniguna.” |
Kitaabka Quduuska Ah: Ereyga Illaahey™ Axdiga Cusub
Daabacaadan anaga ayaa leh © 2024 waxaa soo saaray Biblica, Inc.
Waxaa lagu isticmaalay ogolaasho.
Xaqeeda oo dhanna waa la xaafiday meel walba oo aduunka ka tirsan.
Somali Contemporary Bible™ New Testament
Copyright © 2024 by Biblica, Inc.
Used with permission. All rights reserved worldwide.
Biblica, Inc.