Biblia Todo Logo
Bìoball air-loidhne

- Sanasan -

Yohana 11 - Ereyga Illaahey Axdiga Cusub


Dhimashadii Laasaros

1 Haddaba waxaa dhacday in nin Laasaros la yiraahdo uu xanuusanaa. Wuxuuna ku noolaa Beytaniya isaga iyo walaalihiis Maryan iyo Maarta.

2 Maryantan uu walaalkeed Laasaros xanuunsan yahay waa isla Maryantii Rabbiga cadarka ku shubtay oo cagahiisana timaheeda ku tirtirtay.

3 Sidaa darteed walaalihii ayaa fariin Rabbiga u diray iyagoo leh, “Rabbiyow, kii aad jecleyd wuu xanuusanyahay.”

4 Ciise goortii uu arintan maqlay ayuu yiri, “Xanuunkaan kuma dhamaan doono dhimasho. Maya, wuxuu u dhacay si ammaanta Illaahey loo arko iyo si Wiilka Illaahey loo ammaano.”

5 Ciise wuu jeclaa Maarta, walaasheed iyo Laasaros.

6 Haddaba markii uu maqlay Laasaros inuu xanuusanyahay, laba maalmood oo kale ayuu sii joogay halkiisi.

7 Kadibna wuxuu xertiisi ku yiri, “Bal aan u laabano Yahuudiya.”

8 Markaas ayaa xertii ku yiraahdeen Ciise, “Laakiin Macalinow, waqti yar ka hor ayaa Yuhuuddu isku dayeen iney ku dhagaxeeyaan, haddana miyaad u laabaneysaa?”

9 Ciisana wuxuu ku jawaabay, “Maalintu waxey leedahay laba iyo toban saacadood. Mid walboo maalintii socda ma kufayo, waayo wuxuu wax ku arkayaa ifitiinka dunidan.

10 Laakiin qofku markii uu habeenkii socdo ayuu kufaa, waayo ma laha iftiin.”

11 Markii uu waxyaalahan yiri kadib, ayuu haddana ku yiri, “Saaxiibkeen Laasaros wuu seexday, laakiin waxaan u socdaa halkaas si aan u soo kiciyo.”

12 Xertiisi ayaa ugu jawaabeen, “Rabbiyow, haddii uu seexday wuu bogsan doonaa.”

13 Ciise wuxuu ka hadlayay dhimashadiisi, laakiin xertiisi waxey u maleeyeen inuu hurdada caadiga ah ka hadlayay.

14 Sidaa darteed Ciise si cad ayuu ugu sheegay oo ku yiri, “Laasaros wuu dhintay,

15 laakiin dartiin ayaan ugu faraxsanahay in aanan joogin halkaas, si aad u aamintaan. Laakiin aan tagno.”

16 Kadibna Toomas oo sidoo kale loo yaqaanay Didumos ayaa ku yiri xertii, “Soo baxa aan tagnee anaga xitaa si aan isaga ula dhimano.”


Ciise oo qalbi qaboojiyay walaalihii Laasaros

17 Ciise markii uu yimid waxaa loo sheegay in Laasaros afar maalin ku duuganyahay xabaasha.

18 Haddaba Beytaniya saddex kiiloo mitir ayey u jirtaa Yeruusaalem,

19 oo Yuhuud badan ayaa u yimid Maryan iyo Maarta si ey uga qalbi qaboojiyaan walaalkood oo dhintay dartiis.

20 Maarta markey maqashay inuu Ciise yimid ayey tagtay si ey ula kulanto, laakiiin Maryan guriga ayey ku hartay.

21 Markaas ayaa Maarta Ciise ku tiri, “Rabbiyow, haddii aad halkan joogi lahayd walaalkey ma dhiman lahayn.

22 Laakiin waan ogahay in hadda xitaa haddii aad Illaahey weydiisato waxaad rabtid oo dhan uu ku siinayo.”

23 Ciisana wuxuu iyada ku yiri, “Walaalkaa wuu soo sarakici doonaa.”

24 Maarta ayaa ugu jawaabtay, “Waan ogahay inuu soo sarakici doono maalinta u dambeysa ee sarakicidda.”

25 Ciisana wuxuu iyada ku yiri, “Waxaan ahay sarakicidda iyo nolosha. Mid walboo i aamina wuu noolaan doonaa, inkastoo uu dhintay.

26 Mid walboo nool isaga oo i aaminsan weligiis ma dhiman doono. Miyaad waxyaalahan aaminsantahay?”

27 Maarta ayaa ku jawaabtay, “Haa Rabbiyow, waan aaminsanahay inaad tahay Masiixa, Wiilka Illaahey, kaasoo aduunka imaanaya.”

28 Maarta markey waxyaalahan dhahday kadib ayey tagtay oo walaasheed Maryan gooni ugu yeertay. Waxeyna ku tiri, “Macalinki wuu joogaa, wuuna ku arki rabaa.”

29 Maryan goortii ey arintaas maqashay intey dhakhso u kacday ayey u tagtay Ciise.

30 Haddaba Ciise weli ma uusan soo gelin tuuladii, laakiin weli wuxuu joogay halkii ey Maarta isaga kula kulantay.

31 Goortii dadkii Yuhuudda ahaa ee guriga la joogay Maryan oo u tacsiyeynayay arkeen sida dhakhsada leh oo ey u baxday, waxey u maleeyeen iney xagga xabaasha u socoto oo ey halkaas ku soo ooyneyso, sidaa darteed wey raaceen.

32 Maryan markey halkii Ciise joogay timid oo ey isaga aragtay ayey lugihiisa ku dhacday oo tiri, “Rabbiyow, haddaad halkan joogi lahayd walaalkey ma dhiman lahayn.”

33 Ciise markii uu arkay Maryan iyo Yuhuuddii iyada la timid oo ooynaya aad ayuu uga xumaaday.

34 Wuxuuna weydiiyay, “Halkeed ku duugteen?” Waxeyna ugu jawaabeen, “Rabbiyow, kaalay arag.”

35 Ciise wuu ooyay.

36 Dadkii Yuhuuddu waxey yiraahdeen, “Bal fiiri siduu u jecel yahay isaga!”

37 Laakiin qaarkood ayaa waxey yiraahdeen, “Ninkan wuxuu bogsiiyay nin indho la’aan ah. Miyuu dhimashada ka celin waayey Laasaros?”


Laasaros oo dhimashada laga soo sarakiciyay

38 Ciise oo weli murugeysan ayaa yimid xabaasha, waxey ahayd meel hog ah oo dhagax laga sameeyay dhagaxna lagu daboolay.

39 Markaas ayuu yiri, “dhagaxa ka qaada.” Markaas ayaa Maarta oo ahayd ninkii dhintay walaashiis tiri, “Laakiin Sayidow, afar maalin ayuu duugnaa sidaa darteed wuu soo urayaa.”

40 Kadibna Ciise ayaa yiri, “Miyaanan ku dhihin haddaad aamintid waxaad arki doontaa ammaanta Illaahey?”

41 Markaas ayey dhagaxii ka qaadeen. Kadibna Ciise intuu kor fiiriyay ayuu yiri, “Aabow, waxaan kuugu mahadcelinayaa inaad i maqashay.

42 Waan ogahay inaad mar walba i maqashid, laakiin waxaan sidaas u leeyahay dadka halkan taagan dartood. Si ey u aaminaan inaad isoo dirtay.”

43 Markii uu waxyaalahan yiri kadib ayuu Ciise cod dheer ku yiri, “Laasaros soo bax!”

44 Markaas ayaa ninkii dhintay soo baxay, isaga oo gacmahiisa iyo lugihiisa ku xiran yihiin dhar cad, wejigiisana maro ey ku duuduuban tahay. Ciisana wuxuu iyaga ku yiri, “Ka fura karfanta oo daaya ha tagee.”


Shirqool Ciise lagu dili rabay

45 Sidaa darteed Yuhuuddii badneyd ee soo booqatay Maryan, oona aragtay waxyaalihii uu Ciise sameeyay wey aamineen Ciise.

46 Laakiin qaarkood ayaa waxey u tageen Farrisiintii oo u soo sheegeen waxyaalihii uu Ciise sameeyay.

47 Markaas ayaa gudoomiyayaashii wadaaddada iyo Farrisiintii shir iskugu yimaadeen. Waxeyna yiraahdeen, “Maxaan sameynaa? Waayo waa kan ninkan mucjisooyin badan ayuu sameynayaa.

48 Haddaan iska dhaafno dad badan ayaa isaga aaminaya, kadibna dadka Roomaanka ah wey imaanayaan oo waxey naga burburinayaan macbadkeena iyo qarankeena.”

49 Markaas ayaa mid ka mid ah oo la yiraahdo Kayafas kaasoo sanadkaas ahaa wadaadkii sare yiri, “Ma garaneysaan waxaad ka hadleysaan!

50 Ma ogidiin miyaa iney wanaagsan tahay in hal nin u dhinto dadka oo dhan intey dadka oo dhan baabi’i lahaayeen.”

51 Waxaan iskama dhihin, laakiin isaga oo ah wadaadkii sare ee waqtigaas ayuu sii sheegay inuu Ciise u dhiman doono dadka Yuhuudda ah.

52 Dadkaas kaliya ma ahayn laakiin wuxuu u dhiman doonaa caruurta Illaahey ee kala firdhisan, inuu isku keeno oona mideeyo.

53 Haddaba maalintaas ka bilaabato waxey u dhigeen shirqool si ey u dilaan.

54 Sidaa darteed Ciise ma uusan dhex soconeynin dadka Yuhuudiya isaga oo la arkayo. Laakiin halkaas ayuu ka tagay oo wuxuuna aaday meel u dhaw cidlada oo ah tuula la yiraahdo Efrayim. Halkaas oo uu la joogay xertiisa.

55 Goortii ey waqtiga Iiddii Yuhuudda ee Kormaridda dhaweyd ayaa dad badan ka yimaadeen magaalooyin badan oo ey yimaadeen Yeruusaalem si ey isku nadiifiyaan intaan Iidda Yuhuudda ee Kormaridda la gaarin.

56 Ciise ayey raadinayeen, iyagoo macbadka dhex taagan ayey isku yiraahdeen, “Sidee ayaad u aragtaan? Miyuusan imaanaynin dabaaldaga?”

57 Laakiin gudoomiyayaashii wadaaddada iyo Farrisiintii ayaa amar ku bixiyeen in qofkii Ciise arkaa u soo sheego si ey u qabtaan.

Kitaabka Quduuska Ah: Ereyga Illaahey™ Axdiga Cusub

Daabacaadan anaga ayaa leh © 2024 waxaa soo saaray Biblica, Inc.

Waxaa lagu isticmaalay ogolaasho.

Xaqeeda oo dhanna waa la xaafiday meel walba oo aduunka ka tirsan.

Somali Contemporary Bible™ New Testament

Copyright © 2024 by Biblica, Inc.

Used with permission. All rights reserved worldwide.

Biblica, Inc.
Lean sinn:



Sanasan