Biblia Todo Logo
Bìoball air-loidhne

- Sanasan -

Yohana 1 - Ereyga Illaahey Axdiga Cusub


Ereygii oo jir qaatay

1 Bilowgii waxaa jiray Ereyga, Ereyguna wuxuu la jiray Illaahey, Ereyguna wuxuu ahaa Illaahey.

2 Isagu Illaahey ayuu la jiray Ilaa bilowgii.

3 Wax walbana ereygaas ayaa lagu sameeyay, wixii la sameeyeyna lama sameyn la’aantiis.

4 Isaga waxaa ku jiray nolol, noloshaasna waxey ahayd iftiinka binu aadanka oo dhan.

5 Iftiinkaasna wuxuu ka dhex ifayaa mugdiga, mugdiguna kama awood badinin.

6 Waxaa jiray nin Illaahey soo diray oo la yiraahdo Yooxanaa.

7 Kaasoo u yimid marqaati ahaan inuu u marqaatifuro waxa ku saabsan iftiinkaas, si dartiis kuwa badan u aaminaan.

8 Isagu ma ahayn iftiinka laakiin wuxuu u yimid inuu u marqaatifuro iftiinkaas.

9 Iftiinka runta ah ee dadka oo dhan iftiinka siiya ayaa aduunka imaanayay.

10 Ereygu wuxuu joogay aduunka, inkastoo aduunka isaga laga sameeyay, laakiin dunidu ma eysan garanin isaga.

11 Wuxuu u yimid aduunkii uu lahaa, laakiin ma eysan aqbalin isaga.

12 Balse mid walboo isaga aqbalay iyo mid walboo magaciisa aaminay wuxuu siiyay xaq ey ku noqdaan caruurta Illaahey.

13 Caruur taas oo aan sida dabiiciga u ah binu aadanka loo dhalin, laakiin ah caruur xagga Illaahey ka dhashay.

14 Ereygii wuxuu noqday jir oo dhexdeena ayuu ku noolaaday. Ammaantiisa ayaan aragnay, ammaanta Wiilka kaliya ee ka yimid Aabaha isaga oo ey ka buuxdo nimco iyo run.

15 Yooxanaana isaga ayuu u marqaatifuray oo yiri, “Kan waa kii aan idiin sheegay inuu imaan doono! Wuu iga awood weyn yahay waayo wuxuu noolaa inta aanan dhalanin ka hor.”

16 Isaga dartiis ayaan ku helnay nimco buuxda.

17 Waayo sharciga waxaa la siiyay Muuse, laakiin Ciise Masiix ayaa noo keenay nimcada iyo runta.

18 Qofna weligiis ma arkin Illaahey, laakiin Wiilka kaliya oo isaguba ah Illaahey, xiriir fiicanna la leh Aabaha ayaa noo muujiyay Illaahey.


Yooxanaa Baabtiisaha oo diiday inuu yahay Masiixa

19 Kani waa marqaatifurkii Yooxanaa, markii hogaamiyayaashii Yuhuudda ee joogay Yeruusaalem u soo direen wadaaddo iyo kuwa reer Laawi ah si ey u soo weydiiyaan qofka uu yahay.

20 Markaas ayuu si cad u yiri, “Masiixa ma ihi.”

21 Markaas ayey weydiiyeen, “Haddaba yaa tahay? Ma waxaad tahay Eliyaas?” Wuxuu ku jawaabay, “Maya ma ihi.” “Ma waxaad tahay nebi?” Wuxuu ugu jawaabay, “Maya.”

22 Ugu dambeyntii waxey yiraahdeen, “Yaa tahay? Na sii jawaab aan u geyno kuwii na soo diray. Noo sheeg yaad tahay?”

23 Markaas ayaa Yooxanaa ku jawaabay ereyadii nebi Isayos, “Waxaan ahay codka kan cidlada ka dhawaaqaya oo leh, ‘Waddooyin toosan Rabbiga u sameeya.’ ”

24 Haddaba Farrisiintii isaga loo soo diray

25 ayaa weydiiyeen, “Maxaad dadka u baabtiiseysaa haddaadan ahayn Masiixa ama Eliyaas ama nebi?”

26 Yooxanaa ayaa ugu jawaabay, “Anigu waxaan ku baabtiisaa biyo, laakiin dhexdiina waxaa taagan qof eydan garaneyn.

27 Inkastoo aan kasoo horeeyay, laakiin ma istaahilo inaan suumanka kabahiisa furo.”

28 Waxyaalahan oo dhan waxey ka dhaceen Beytaniya dhinaca kale ee webi Urdun, halkaas oo uu Yooxanaa dadka ku baabtiisayay.


Yooxanaa oo u marqaatifuray Ciise

29 Maalintii ku xigtay ayaa Yooxanaa arkay Ciise oo dhinaciisa u soo socda markaas ayuu yiri, “Fiiriya, Wankii Illaahey kaasoo qaada dembiga aduunka!

30 Waa kii aan idiin sheegay markaan iri, ‘Qof kale ayaa imaan doona kaasoo iga awood weyn waayo wuxuu noolaa inta aanan dhalanin ka hor.’

31 Anigu xitaa ma garaneynin isaga, laakiin sababta aan biyaha idiin kugu baabtiisayo waa in isaga Israa’iil loo muujiyo.”

32 Kadib Yooxanaa ayaa u marqaatifuray oo yiri, “Waxaan arkay Ruuxa oo samada uga soo degay qoolley ahaan oo isaga kor istaagay.

33 Waxyaalahan inteysan dhicin ka hor anigu xitaa ma garaneyn qofka uu yahay, laakiin kan ii soo diray inaan biyo wax ku baabtiiso ayaa ii sheegay isaga oo leh, ‘Waxaad arki doontaa nin uu Ruuxu kusoo dul degi doono. Markaas ayaad ogaan doontaa inuu yahay kan wax ku baabtiisa Ruuxa Quduuska ah.’

34 Waan arkay waana ka marqaatifurayaa inuu kani yahay midka Illaahey doortay.”


Xertii Yooxanaa oo Ciise raaceen

35 Maalintii ku xigtayna Yooxanaa halkii ayuu joogay oo laba xertiisa ka mid ah ayaa la joogay.

36 Markii uu arkay Ciise oo meeshaas maraya ayuu yiri, “Fiiriya, Wankii Illaahey!”

37 Labadii xertiisa ahayd ayaa markey arintaas maqleen Ciise raacay.

38 Markii uu Ciise gadaal u jeestay oo uu arkay iyagoo soo daba socda ayuu ku yiri, “Maxaad dooneysaan?” Markaas ayey ku yiraahdeen, “Rabbiyow! Taas oo micnaheedu yahay macalin, halkeed degantahay?”

39 Wuxuu ku jawaabay, “Kaalaya, waad arki doontaane.” Markaas ayey raaceen oo soo arkeen halkii uu joogay, maalintaasna wey la joogeen. Waxeyna ahayd afartii galabnimo.

40 Mid ka mid ah labadii nin ee maqashay wixii uu Yooxanaa yiri oo Ciise soo raacay wuxuu ahaa Andaros oo ahaa Simoon Butros walaalkiis.

41 Wixii ugu horeeyay uu Adaros sameeyay waxey ahayd inuu walaalkiis Simoon u sheegay oo ku yiri, “Waxaan aragnay Masiixa!” Kaasoo micnahiisu yahay Kiristooska.

42 Wuxuuna u keenay Ciise. Markaas ayaa Ciise ku yiri, “Waxaad tahay Simoon ina Yooxanaa. Waxaana lagugu yeeri doonaa Keeyfas.” Kaasoo micnahiisu yahay, Butros.


Ciise oo u yeeray Filibos iyo Nataana’el

43 Maalintii ku xigtay Ciise wuxuu go’aansaday inuu tago Galili. Halkaasna wuxuu ku arkay Filibos markaas ayuu ku yiri, “Isoo raac.”

44 Filibos sida Andaros iyo Butros ayuu isaguna kasoo jeeday magaalada Beytsayda.

45 Filibosna markii uu arkay Nataana’el ayuu ku yiri, “Waxaan aragnay kii ey sharcigii Muuse iyo nebiyadu wax ka qoreen. Waana Ciisihii reer Naasared ina Yuusuf.”

46 Markaas ayaa Nataana’el yiri, “Ma wax wanaagsan ayaa ka imaan kara Naasared?” Filibosna wuxuu ku yiri, “Kaalay oo arag.”

47 Markii uu Ciise arkay Nataana’el oo soo socda ayuu ku yiri, “Haddaba waa kan reer Israa’iilkii runta ahaa kaasoo aan khiyaanoole ahayn.”

48 Markaas ayuu Nataana’el Ciise ku yiri, “Sidee ayaad igu garatay?” Ciisana wuxuu ku jawaabay, “Waxaan ku arkay markaad geedka berdaha ah hoos fadhiday Filibos inta uusan kuu wicin ka hor.”

49 Nataana’elna wuxuu yiri, “Macalinow, waxaad tahay Wiilka Illaahey, waxaadna tahay boqorka Israa’iil.”

50 Ciisana wuxuu yiri, “Ma waxaad u aamintay inaan ku iri geedka berdaha ah hoostiisa ayaan kugu arkay darteed. Waxaad arki doontaa waxyaalo kuwan ka waaweyn.

51 Runtii waxaan idin ku leeyahay waxaad arki doontaan samada oo furantay oo malaa’igta Illaahey ey u kacayaan kuna soo degayaan Wiilka Aadanaha.”

Kitaabka Quduuska Ah: Ereyga Illaahey™ Axdiga Cusub

Daabacaadan anaga ayaa leh © 2024 waxaa soo saaray Biblica, Inc.

Waxaa lagu isticmaalay ogolaasho.

Xaqeeda oo dhanna waa la xaafiday meel walba oo aduunka ka tirsan.

Somali Contemporary Bible™ New Testament

Copyright © 2024 by Biblica, Inc.

Used with permission. All rights reserved worldwide.

Biblica, Inc.
Lean sinn:



Sanasan